Guurka carruurtu waa mamnuuc

Barnäk­ten­skap är förbjudet – somaliska

Waddamada kala duwan, waxaa jira xadad kala duwan marka qofka loo arko inuu yahay qof weyn iyo marka loo arko inuu yahay ilmo. Sharciyada guurka sidoo kale way ku kala duwan yihiin waddamada kala duwani.

Illustration.

Ilmuhu ma guursan karo

Iswiidhan, qofka waxa lagu tiriyaa inuu yahay ilmo ilaa maalinta uu ka buuxiyo 18 sano inta ka horaysana ma guursan karo.

Sababtoo ah waxaa loo arkaa in carruurtu aanay qaadi karin mas'uuliyadda la xiriirta la noolaanshaha guurka. Hadduu ilmuhu wakhti hore guursado waxay ku keentaa inuu ilmuhu dareemo xumaan dhinaca jirka iyo dhinaca maskaxda labadaba sababtoo ah ilmaha waxa laga hor istaagay inuu shakhsi ahaan horumar u sameeyo oo uu ku noolaado nolosha uu xaqa u leeyahay.

Markuu qofku gaaro 18 sano, isaga ayaa go'aan ka gaaraya haddii uu rabo inuu guursado iyo qofka uu guursanayo. Qofna looma ogola inuu qof ku qasbo ama ku khiyaaneeyo guur. Waa sharci darro in la isku dayo in lagu khasbo ama lagu khiyaameeyo ilmo in la geeyo waddan kale si loogu soo guuriyo. Tani waa dambi keeni kara in xabsi lagu galo. Sidoo kale waa sharci darro in ilmaha lagu khasbo inuu la noolaado xiriir la mid ah guurka. Marka qof weyni uu u galmoodo ilmo ka yar 15 sano, waxaa lagu xisaabinayaa sida kufsiga.

Haddii qofku ka yar yahay 18 oo uu guursaday

Haddii mid ka mid ah dadka lammaanaha ee isqaba uu ka yar yahay 18 sano markii uu guursaday, guurku kama ansaxayo Iswiidhan.

Haddii aad ka yar tahay 18 sano oo aad si wadajir ah magangelyo uga codsataan adiga iyo qofka aad isqabtaan halkii waalidkaa kula socon lahaayeen, waxaa laguula dhaqmayaa inaad tahay ilmo keligiis yimi oo aan lala socon. Waxaa markaa laguu qabanayaa qof kaa mas’uul ah oo kaa caawin doona xiriirka hay’addaha.

Ka akhriso wabixin badan oo daawo filimada ku saabsan waxa uu sameeyo qofka mas’uulka ahi (en god man) (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.

Halkan ayaad la xiriiraysaa

Haddii aad su'aalo qabto ama aad u baahan tahay caawimo, waxaad kala hadli kartaa macallinka, la-taliye arrimaha bulshada ama daryeelka caafimaadka. Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa Hay'adda laanta socdaalka ama Adeegga bulshada. Haddii aad leedahay qof kaa mas’uul ah (en god man), sidoo kale waad la xiriiri kartaa .

Haddii aad ka cabsanayso in adiga ama qof aad taqaano loo guurinayo, waxaad ka wici kartaa booliiska telefoonka 114 14.

EU-logotyp

Last updated: