Qofka weyni muhiim uyuu u yahay ilmo yar oo codsaday magangalyo

Till dig som är viktig vuxen för ett barn som har sökt asyl – somaliska

Inuu qofku ka qaxo wadankiisa oo uu wadan kale iska dhiibo waxay qofkasta ka noqonkartaa wax cabsi leh. Inuu ilmo yari sidaa sameeyo isagoon waalidkii la socon waxay ilmaha ku noqonkartaa dhibaato aad ugu xanaf badan.

Waxa mararka qaarkood la yiraahdaa in dadka magangalyo doonka ah, iyo gaar ahaan caruurta keligood ah ee aanu waalidkood la socon, ay xoog badan yihiin. Maadaama ay soo maareeyeen inay keligood adduunyhada dhinaca kale soo gaaraan, waxay u badan tahay inay wax walba qaban karaan. Laakiin xitaa carruurta ugu xoogga badan uguna qallafsan waxay u baahan yihiin dad waaweyn oo ammaan ah oo ku hareeraysan si ay carruur u noqdaan. Carruurta baxsadka ahi kama reeban yihiin, ee markay waalidkood maqan yihiin, waxa loo baahan yahay dad kale oo waaweyn oo muhiimka ah inay carruurtan siiyaan nabadgelyo iyo xasillooni maskaxeed xaalad aan ammaan ahayn.

Dhammaan carruurtu way ka duwan yihiin oo qof kasta oo magangelyo doon ah wuxuu wataa sheeko u gaar ah. Qaar ka mid ah carruurta keligood ah ee aan waalidkood la socon waxay ku noolaayeen baxsi muddo dheer waxaana laga yaabaa inaysan arkin waalidkood dhowr sano. Qaar kalena dhowaan ayey kala lumeen waalidkood. Qaarkood waxay xiriir la leeyihiin eheladooda, halka kuwa kalena aysan garanaynin meel ay ka bilaabaan raadinta. Dhammaan carruurta magangelyo doonka ahi waxay xambaarsan yihiin su'aalo iyo walwal. Qaarkood waxay weydiiyaan xaaladooda waxayna weydiistaan ​​caawimo. Kuwa kale iyaga ayaa iska xambaarsan walwalkooda oo dhan kumana dhiiran karaan inay cidkale wax waydiiyaan.

Qofka weyni door muhiim ah ayuu ka ciyaari karaa. Waxaad tahay qof hagi kara oo taageeri kara ilmaha magangalyo doonka ah xaalada uu ilmuhu ku sugan yahay. Waxaad si wadajir adiga iyo ilmuhu u akhrisan kartaan boggaggan. Si wadajir ah u dhexmara idinku talaabooyinkan kala duwan kuwaas oo la qaado marka uu qofku magangalyo doon yahay.

Haddii aadan adigu ka helikarin su'aalaha uu ilmuhu qabo jawaabahooda boggaggaan waxaad warbixin dheeraad ah ka akhrisan kartaan boggagga kale ee websaytkayaga ama waxaad weydiin kartaa qofka kiiska ilmaha gacanta ku haya.

Qofka weyn ee muhiimka ahi wuxuu noqonkaraa

  • waalid
  • qof kale oo haya mas’uuliyada sharciga ah ee illmaha
  • qofka mas’uulka ah ee ay degmadu u qabtay ilmaha (god man)
  • qaraabo
  • macalin
  • la taliyaha dhinaca arrimaha bulshada (kurator)
  • qof ka socda urur tabarruc ah
  • shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalka.

Last updated: