Si aad u codsato magangalyo

Att ansöka om asyl – somaliska

Kulanka ugu horreeya ee aad la yeelato Hay'adda laanta socdaalka, waxaad ka jawaabi doontaa su'aalo badan, waxaad heleysaa warbixin ku saabsan habka magangalyada, sidoo kale waxaa lagu siinayaa caawimo si aad u wacdo waalidkaa ama qaraabadaada si aad ugu sheegto meesha aad joogto iyo sida aad tahay.

Iyadoo uu turjubaan ku caawinaya ayaa waxaad tusaale ahaan sheegi kartaa

  • qofkee adigu tahay
  • luqaddee ayaad ku hadashaa
  • ku saabsan qoyskaaga
  • sidee adigu tahay
  • sidee ayaad ugu soo safartay Iswiidhan
  • sababta aad uga soo tagtay waddankaagii iyo waxa aad u malaynayso inay dhici doonaan haddii aad dib ugu laabato
  • Haddii aad Iswiidhan ku leedahay saaxiibo ama qaraabo aad rabto inaad la noolaato ama ku dhowaato.

Haddii aad leedahay baahiyo gaar ah, sida naafonimo, waa inaad noo sheegtaa. Haddii naafanimadaadu ay dhibaato kugu keenayso la hadalka Hay’adda laanta socdaalka, waxaad xaq u leedahay in lagu caawiyo.

Shaqaaluhu waxay ku weydiinayaan arrimahan si ay kuugu diiwaangeliyaan nidaamka kumbiyuutarka ee Hay'adda laanta socdaalka, iyo inay diyaariyaan codsigaaga waraysiga baaritaan. Su'aalo isku mid ah ayaad kala kulmi doontaa Hay'adda laanta socdaalka iyo degmada aad degi doonto labadaba. Sababtu waxaa weeye Hay'adda laanta socdaalka iyo degmadu waxay leeyihiin nidaamyo kumbiyuutar oo kala duwan.

Tus/muuji qofka aad tahay

Hay'adda laanta socdaalku waxay rabtaa inay ogaato qofka aad tahay iyo meesha aad ka timid si ay uga qaataan go'aan sax ah. Waa masuuliyad adiga ku saaran inaad tusto/muujiso magacaaga, da'daada iyo meesha aad ka timid. Habka ugu fiican ee ku tusi karo qofka aad tahay waa adigoo tusa, tusaale ahaan, baasaboor ama kaarka aqoonsiga.

Sido kale waxaa muhiim ah inay hay'adda laanta socdaalku ogaato da'da aad tahay sababtoo ah carruurta magangalyo doonka ahi waxay leeyihiin xuquuq ka duwan tan dadka waaweyn ee magangalyo doonka ah.

Ka akhriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan faraqa u dhexeeya qofka carruurta ah iyo qof weyn ee magangalyo doonka ah

Sawirka iyo sawirka faraha

Waa lagu sawiri doonaa waxaana lagaa qaadayaa sawirka farahaaga. Sawirada faraha waxaa lagaaga qaadayaa adigoo ku cadaadinaya farahaaga mishiinka akhriya farahaaga. Haddii aad 14 sano jirto ama aad ka weyn tahay, Hay'adda laanta socdaalku waxay baari doontaa in farahaagu ka diiwaangashan yihiin waddan kale oo Yurub ah. Carruurta ay da'doodu ka yar tahay lix sano uma baahna in sawirka faraha laga qaado gabi ahaanba.

Haddii sawirka farahaaga laga helo in aad magangelyo ka codsatay waddan kale,oo baaritaankana laga arko in go'aan lagaaga gaaray waddankaas, markaa Hay'adda laanta socdaalku waxay go'aansanaysaa inaad halkaa aado.

Hay'adda laanta socdaalku waxay kaloo go'aamin kartaa in codsigaaga magangelyo doonka ah laga tijaabiyo waddan kale oo Yurub ah haddii ay halkaa kuu joogaan waalidkaa, walaalaha ama qaraabo. Ka hor inta aan la go'aamin, waxaa lagu siinayaa fursad aad noogu sheegto waxa ay adiga kula tahay. Xeerarkan waxaa lagu magacaabaa xeerarka Dublin.

Ka akhriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan xeerarka Dublin

kaarka LMA-gaZoom image

Guji sawirka si uu u weynaado.

Wada hadalka ugu horeeya kadib

Marka codsigaaga magangalyada la diiwaangeliyo, waxaa lagu siin doonaa rasiid ah inaad magangelyo codsatay. Dhowr usbuuc ka dib, waxaa rasiidka lagu beddeli doonaa kaar LMA ah oo caddaynaya inaad magangelyo codsatay oo aad xaq u leedahay inaad Iswiidhan joogto inta aad go'aanka sugayso. Kaarka LMA-ga looma tixgelinayo inuu yahay dukumeenti aqoonsi, sidaas darteed ma caddaynayo qofka aad tahay, wuxuu sheegayaa inaad magangelyo doon ka tahay Iswiidhan gudaheeda oo keliya.

Hey'adda laanta socdaalku waxay xiriir la samaynaysaa degmada, taas oo kuu sahlaysa inaad hesho meel aad degto iyo in laguu qabto qof kaa mas’uul ah. Hay'adda laanta socdaalka waxay kaloo kuu qabanaysaa qareen guud oo kaa caawiya codsigaga.

Ka akhriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan qofka laguu qabanayo ee kaa mas’uulka ah iyo qareenka guud

Sugitaanka baaritaanka magangalyada

Tallaabada xigta ee habka magangalyadu waxaa laguugu yeeri doonaa baaritaan ku saabsan magangalyada, waraysi aad wax badan ku sheegi doonto sababta aad magangalyada uga rabto Iswiidhan. Inta la sugayaa wakhtiga ballanta baaritaanka magangalyada dadku way ku kala duwan yihiin arrintaas. Waa muhiim inaad adigu timaado shirarka laguugu yeedhay. Haddii ay noqoto in dib loo dhigo ballanta baaritaanka, waxay qaadan kartaa wakhti inta aan laguu qaban ballan cusub.

EU-logotyp

Last updated: