Caafimaad

Hälsa – somaliska

Waxaad xaq u leedahay daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkaha ee aad u baahan tahay. Waa u bilaash carruurta Iswiidhan joogta dhammaantood. Haddii aad jirrato ama aad dareento xanuun oo aad u baahan tahay inaad la kulanto dhakhtar ama dhakhtarka ilkaha, qofka kaa mas’uulka ah ama qof ka mid ah dadka guriga aad deggen tahay jooga ayaa kaa caawin kara inaad ballan qabsato. Xusuusnow inaad sii qaadato kaarka LMA-ga markaad booqashada tegeyso.

Baaritaan caafimaad

Dhammaan dadka Iswiidhan ka codsanaya magangalyada waxaa lagu samaynayaa baaritaan caafimaad. Baaritaanka caafimaadka waxa loogu talagalay si uu qofku u helo caawimo wakhti hore oo loo daaweyo haddii uu u baahdo daryeel caafimaad.

Inta lagu jiro baaritaanka waxaad heli doontaa warbixin ku saabsan sida uu u shaqeeyo nidaamka daryeelka caafimaadka ee Iswiidhan Waxaad ka jawaabi doontaa su'aalaha ku saabsan caafimaadkaaga oo waxaa lagugu casumi doonaa in dhiigag tijaabooyin ah lagaa qaado

Ka faa'iidayso fursada in aad na waydiiso haddii ay jiraan wax aad fekeraysaa, hana ka cabsanin inaad noo sheegto sida uu caafimaadkaagu yahay. Shaqaalaha daryeelka caafimaadka waxaa saaran waajibka sirta qarinta, baadhitaanka caafimaadkuna ma saamaynayo codsigaga magangalyo doonka.

Baari­taanka aragga (indhaha)

Hadii aad u baahan tahay miraayadaha indhaha gacan yarahaada ayaa kaa kaalmayn karaya dalbashada kaalmada ldhaqaale ee khaaska ah ee laga dalbanayo hay’adda socdaalka iyo in uu balan kaaga sameeyo dukaanka miraayadaha indhaha.

Dhakhtarka ilkaha

Waxaad xaq u leedahay inaad hesho daryeelka ilkaha si ka hortag ah iyo daawaynta uu dhakhtarka ilkuhu go'aamiyey ee aad u baahan tahay. Daryeelka ilkuhu waa u bilaash carruurta Iswiidhan joogta dhammaantood.

Qasbida iyo ku xadgudubka galmada

Dad badan oo magangelyo doon ah ayaa lagula kacay qasbid ama ku xadgudubyo galmo, waddamadoodii hooyo ama intii ay u soo baxsanayeen Iswiidhan. Wuxuu qofku dareemi karaa xumaan dhinaca jirka ah iyo dhinaca maskaxda labadaba taas oo uga iman karta waxyaabihii uu qofku u soo joogay, laakiin waxaa jira caawimo uu qofku heli karo. Waxaad tusaale ahaan, la hadli kartaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka marka aad samaynayso baaritaanka caafimaadka, rugta qaabbilaada caafimaadka dhalinyarada ama kalkaalisada caafimaadka dugsiga ama la taliyaha arrimaha bulshada ee dugsigaaga. Waxay kaa caawin karaan inaad hesho daryeelka caafimaad oo sax ah.

Dhammaan noocyada ah qasbida iyo ku xadgudubyada galmadu waa sharci darro Iswiidhan gudaheeda. Had iyo jeer qofka adigu ku dhaawaca ayaa ka mas'uul ah, weligaana laguma ciqaabayo adiga maadaama aad tahay dhibbane la qasbay ama ku xadgudub galmo loo geystey. Tani waxay khusaysaa iyada oo aan loo eegin xiriirka ka dhexeeya dadka, tusaale ahaan waxa ay sidoo kale khusaysaa kufsiga dadka isqaba dhexdooda iyo markay waalidiintu carruurtooda garaacaan. Marka qof weyni uu u galmoodo ilmo ka yar 15 sano, waxaa lagu xisaabinayaa kufsi. Iswiidhan sidoo kale waa sharci darro in qof lagu qasbo ama lagu khiyaaneeyo inuu guursado, carruurta ka yar 18 sano lama ogola inay guursadaan.

Kala xiriir booliiska telefoonka 114 14, haddii lagugu dirqiyo ama lagugu sameeyo xadgudub galmo, ama haddii aad ka baqayso in laguu guuriyo. Haddii aad ku sugan tahay khatar degdeg ah, wac telefoonka booliiska 112.

Gudniinka fircooniga ah

Gudniinka fircooniga ah, ama gudniinka/xalaalaynta sida dadka qaarkiis u yaqaanaan, waa marka la jaro ama la tolo xubinta taranka gabadha ama si kale loo dhaawacdo.

Gudniinka fircooniga ah gabi ahaanba waa mamnuuc Iswiidhan waxaana loo arkaa dambi culus. Qof lagu sameeyey gudniinka fircooniga ah waxa uu la kulmi karaa dhibaatooyin dhinaca jirka iyo dhinaca maskaxda labadaba. Haddii qof sidan uu kugu sameeyey adiga oo aad dhibaato kala kulanto arrintaas, waxaad caawimo ka heli kartaa daryeelka caafimaadka. Kala hadal kalkaalisada caafimaadka dugsigaaga, rugta qaabbilaada caafimaadka dhalinyarada ama xaruntaada caafimaadka.

Ka akhriso warbixin badan oo ku saabsan gudniinka fircooniga ah

Ka akhriso warbixin badan oo ku saabsan arrimaha la xiriira sharafta iyo maamuuska

Cudurrada lagu kala qaado galmada

Waxaad xaq u leedahay inaad ogaato sidaad iskaga ilaalin lahayd cudurrada galmada lagu kala qaado iyo sidaad iskaga ilaalin lahayd inaad dadka kale qaadsiiso. Tusaale ahaan cudurrada galmada lagu kala qaado waa sida cudur jabtida oo kale ah (klamydia), cagaarshowga, jabtida iyo HIV-ka. Haddii aad ogtahay in aad qabto xanuun noocan oo kale ah, waa in aad u sheegtaa marka aad samaynayso baaritaanka caafimaadka, si aad u hesho daawayn oo aad uga fogaato in aad dadka kale qaadsiiso. Haddii aanad hubin inaad cudurka qabto, shaqaalaha daryeelka caafimaadka ayaa tijaabooyin/dhiigag kaa qaadaya.

Ka hortagga uurka iyo rugta daryeelka hooyooyinka

Dalka Iswiidan, daryeelka hooyooyinka iyo daryeelka ummulidu lacag la'aan ayey u thay dada magangalyo doonka. Waxa kale oo aad xaq u leedahay talobixin ku saabsan ka hortagga uuraysiga oo bilaash ah, si aad adigu go'aan ugu gaarto haddii aad rabto in aad waalid noqoto. Gabdhaha iyo wiilasha labaduba waxay xaq u leeyihiin inay helaan macluumaad ku saabsan sida ay isaga ilaalin karaan uurka naftooda iyo dadka kaleba. Qofka gabarta ah haddii ay uur yeealato oo aanay doonayn inay ilmaha dhasho, waxay xaq u leedahay inay uurka iska joojiso iyada oo soo rididdaysa ilmaha.

Xanuunka dhimirka

Waa wax caadi ah inuu qofku ka walwalo waxa dhici doona mustaqbalka inta uu sugayo go'aanka codsigiisa magangelyo doonka. Dadka qaarkood waxa laga yaabaa inay dareemaan xumaan maadaama ay soo mareen waxyaabo xun ama sababtoo ah waxay u hiloobeen qoyskoodii. Tusaale ahaan dareenka jirrada maskaxdu wuxuu noqon karaan inaad walbahaarto, dhibaato hurdo ama dareen murugo iyo niyad jab leh.

Waxaad caawimo iyo taageero ka heli kartaa daryeelka caafimaadka ee halka aad deggen tahay. Waxaad sidoo kale la hadli kartaa la-taliyaha arrimaha bulshada ama kalkaalisada caafimaadka ee dugsigaaga.

Naafonimada

Naafonimadu waa marka aad leedahay dhaawac ama jirro keenaysa inuu dhaqdhaqaaqu kugu adkaado, maqalku, hadalku ama fahankuba, Haddii aad naafo tahay, waxaad xaq u leedahay inaad hesho taageero lagu siiyo nolol maalmeedkaaga, dugsiga ama marka aad la hadalayso Hay'adda laanta socdaalka. Haddii aad tahay qof naafo ah ma saameynayso codsigaga magangalyo doonka. Baaritaanka caafimaadka, waxaad noo sheegi kartaa haddii aad tahay naafo, ama haddii aad u malaynayso inaad naafo tahay.

Maclu­u­maad dhee­raad ah oo ku saabsan caafi­maadka

Bogga websaydka ee www.1177.se/other-languages External link, opens in new window. waxaad laga heleyaa warbixin ku qoran luqaddo badan oo ku saabsan cudurro kala duwan iyo sida uu u shaqeeyo nidaamka daryeelka caafimaadka Iswiidhan. Waxaad sidoo kale ka wici kartaa macluumaadka daryeelka caafimaadka lambarka talefoonka 1177, waxaad halkaa kula la hadli kartaa kalkaaliye caafimaad oo kaaga jawaabi kara su'aalaha kadibna ku siin kara talo ku saabsan meesha aad la xiriiri karto si aad u hesho daryeelka sax ah.

Bogga www.youmo.se External link, opens in new window. waxaa laga heleyaa macluumaad ku saabsan caafimaadka dhalinyarada, xiriirka, galmada iyo waxyaabo kale oo badan oo ku qoran luqaddo kala duwan.

Bogga www.rfsu.se/upos External link, opens in new window. waxaa laga heleyaa macluumaad ku saabsan filimo gaagaaban oo loogu talagalay qofka raba inuu wax badan ka ogaadaan jirka, galmada iyo caafimaadka. Filimada waxaa lagu heli karaa luqaddo badan oo kala duwan. Halkan waxaad ka heli kartaa filimaan ku saabsan ka hortagga uurka, dhalmada iyo uurka, iyo waxyaabo kale.

Khadka ilaalada ee haweenku waxay bixiyaan talooyin iyo taageero loogu talagalay qofka dumarka ah ee lagula kacay hanjabaado iyo jirdil iyo mid maskaxeed ama xadgudub galmo. Wac 020‑50 50 50. Waxay kuu qabanayaan turjubaan daqiiqado gudahood. Waxa kale oo aad wax badan ka akhrisan kartaa kvinnofridslinjen.se External link, opens in new window.. Macluumaadka waxaa lagu heli karaa dhowr luqadood.

Ka wac booliiska 114 14 haddii aad rabto inaad soo sheegto fal sharci darro ah, tusaale ahaan in qof ku garaacay ama uu kuu geystey xadgudub galmo. Waxaad sidoo kale wici kartaa booliiska haddii aad ka baqayso in laguu guuriyo ama lagu gudo. Haddii xaaladdu ay degdeg tahay wac 112.

EU-logotyp

Last updated: