Xuquuqdaada

Dina rättigheter – somaliska

Qaybtan waxaad ka akhrisan kartaa waxyaabaha ku saabsan xuquuqda ay carruurtu dhammaan ku leeyihiin Iswiidhan iyo taageerada aad adigu xaqa u leedahay markii aad codsanayso magangalyo iyagoon waalidkaa kula socon. Waxaad ka akhrisan kartaa qaar ka mid ah hey’addaha iyo dadka mas'uulka ka ah inay ku siiyaan amniga aad xaqa u leedahay, sidoo kale waxaad si dheeraad ah uga akhrisan kartaa xuquuqda aad u leedahay guri, iskuul, taageero dhaqaale iyo daryeel caafimaad.

Soohdinta u dhexeysa carruurnimada iyo qaangaarka waddamadu way ku kala duwanaan kartaa. Iswiidhan markaad adigu joogto waxaad tahay ilmo illaa iyo intaad adigu ka gaarayso18 sanno. Dhammaan carruurta ku nool Iswiidhan waxay leeyihiin xuquuqo isku mid ah.

Heshiiska qaramada midoobay ee xuquuqda carruurta, waxa la yiraahdaa Heshiiska xuquuqda caruurta (Barnkonventionen), waa sharci Iswiidhan ka jira. Waxa sharcigaa ku qoran xuquuqda ay leeyihiin carruurtu dhammaantood. Qaar ka mid ah xeerarka ugu muhiimsan ee heshiiska xuquuqda carruurta ayaa ah inay

  • dhammaan carruurtu xaq u leeyihiin inay nololaadaan oo ay horumarna sameeyaan
  • marwalba muhiim tahay danta ugu wanaagsan ee ilmaha
  • carruurtu xaq u leeyihiin inay sheegaan sida ay la tahay
  • carruurtu dhammaantood leeyihiin xuquuqo isku mid ahalla.

Xuqu­uq­daada

Carruurta magangalyo doonka ahi waxay leeyihiin xuquuqo la mid ah carruurta ku nool Iswiidhan dhammaantood. Taas macnaheedu waxa weeye in aad tusaale ahaan xaq u leedahay inaad ku noolaato nabadgelyo, inaad iskuul aado oo aad hesho wakhti firaaqo ah. Waxaad adigu xaq u leedahay daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkaha ee aad u baahan tahay. Adiga ayaa go'aansanaya jirkaaga, mana jiro qof kugu qasbi kara inaad galmo samayso ama aad guursato. Qofna kuma garaaci karo mana kuu hanjabin karo.

Marka dadka waaweyn ee mas'uulka kaa ah adiga ay go'aansadaan wax adiga ku saamaynaya waxay u baahan yihiin inay ku dhageystaan ​​waxaad adigu rabto oo ay ka fekeraan waxa adiga kugu habboon. Waxaad xaq u leedahay inaad sheegto sida aad wax u aragto oo lagu dhegeysto, laakiin taas macnaheedu maaha inay had iyo jeer ahaan doonto sidaad adigu rabto.

Waxaad adigu xaq u leedahay taageero gaar ah

Carruurta magangalyo doonka ah ee aanu la socon waalidkood waxa la yiraahdaa carruurta keligood yimaada, waxay xaq u leeyihiin taageero gaar ah. Aadeega bulshada ee degmada aad deggan tahay ayey waajib ku tahay inaad hesho guri kugu habboon iyo baahidaadaba. Waxa kale oo laguu samaynayaa "qof kaa mas’uul ah adiga" (god man) qofkaas oo kuu hadli doona maadaama aanu waalidkaa joogin. Waxaad xaq u leedahay in aad hesho taageeradaas xitaa haddii aad adigu la socotay qof weyn oo aan waalidkaa ahayn markii aad Iswiidhan imanaysay

Markaad gaarto 18 sanno

Markaad buuxiso 18 sanno waxaad noqotay qof qaangaaray markaa xaq uma lihid taageeradii iyo ilaaladii markaad ilmaha ahayd lagu siin jirey.

Akhir waxyaabo dheeraad ah oo ku saabsan waxa dhacaya marka aad buuxiso 18 sanno.

Waxaad ladigu la kulmi doontaa dhowr hey’addood iyo dad waaweyn oo badan oo kala duwan kuwaas oo mas'uul ka ah waxyaabo kala duwan oo adiga kugu saabsan.

Hey’addaha ayey waajib ku tahay inay hubiyaan in bulshada ay u shaqeyso si waafaqsan sharciga Iswiidhan. Tusaale ahaan hey'addaha aad inta badan lxiriir la yeelan doonto waa Hey’adda laanta socdaalka iyo adeegga bulshada.

Hey’adda laanta socdaalka

Waxyaabaha ay Hey’adda laanta socdaalku ka mas’uul tahay waxa ka mid ah

  • inay baaraan codsigaaga oo ay go’aamiyaan inaad xaq u leedahay magangelyo iyo sharci degenaansho iyo in kale
  • inay kuu qabtaa qareen/abukaate kaa caawiya adiga codsigaaga
  • inay ku siiyaan taageero dhaqaale haddii aadan adigu haysan lacag aad leedahay
  • inay go’aamiyaan degmada adiga kaa mas’uulka noqonaysa si adiga laguu siiyo guri, iskuul iyo in laguu qabto qof adiga kaa mas’uul ah
  • inay kaa caawiyaan si aad ula xiriirto waalidkaa haddii ay suurogal tahay
  • inay kaa caawiyaan inaad dib Iswiidhan uga laabato haddii aan laguu oggolaan inaad halkan joogto.

Waxaad la kulmi doontaa dhowr qof oo kala duwan oo ka tirsan Hey’adda laanta socdaalka. Haddii aad dareento inay kala fiican tahay markaad la hadlayso nin ama naag hey’adda ka shaqeeya waad sheegaysaa sida aad jeceshahay.

Degmada

Waxay degmadu ka mas’uul tahay waxa ka mid ah

  • inaad hesho guri aad degto oo aad ku noolaato baahidaadana ku habboon
  • inaad iskuul aado/dhigato
  • inaad hesho qof kaa mas’uul ah.

Adeegga buls­hada

Degmo kasta waxay leedahay wax la yiraahdo adeegga bulshada. Adeegga bulshadu waxay u shaqeeyaan si waafaqsan sharciyada ku saabsan sida bulshadu u caawinayso qof kasta oo u baahan taageero. Adeegga bulshada ayaa go’aaminaya halka aad adigu ku noolaanayso. Dhammaan carruurta aan waalidkood la socon ee keligood ah waxa loo samaayaa qof ay la xiriiraan oo ka shaqeeya xafiiska adeegga bulshada oo la yiraahdo xoghayaha arrimaha bulshada.

Qofka kaa mas’u­ulka ah

Haddii aad ka yar tahay 18 sanno oo aad timaado Iswiidhan iyadoo aanay waalidkaa kula socon waxaa laguu samaynayaa qof kaa mas’uul ah. Lama deggenaanaysid qofka kaa mas’uulka ah, laakiin isaga ama iyada ayaa ka mas'uul ah inay kaa caawiyaan dhowr waxyaalood oo ay waalidkaa haddii kale kuu qaban lahaayeen.

Qofka mas’uulka ahi waa inuu tusaale ahaan

  • inuu kula socdo markaad adigu la xiriirayso hey’addaha, tusaale ahaa Hey’adda laanta socdaalka ama adegga bulshada
  • inuu ilaaliyo xiriirka iskuulkaaga
  • kaa caawiyo inaad ballan la sameysato isbitaalka/takhtarka, takhtarka ilkaha ama saakoolajiiste (cilmi-nafsiyaqaan)
  • inuu mas'uul ka ahaado dhaqaalahaaga haddii aad ka yar tahay 16 sano.

Ka akhri warbixin dheeraad ah oo daawo filimada waxa uu sameeyo qofka mas’uulka ahi External link, opens in new window.

Turju­baan

Si aad adiga iyo shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalku isu fahamtaan, turjubaan ayaa turjumi doona waxaad ku hadashaan. Turjubaanku wuxuu ku hadli karaa iswiidhishka iyo luqada aad ku hadasho adigu. Turjubaanku wuxuu fadhiyaa qolka aad adigu fadhido ama wuxuu ku turjumayaa talefoonka ama fiidiyoowga. Turjubaanku waa inuu turjumaa wax kasta oo qolka laga sheegayo, oo aanu wax kale ku darin.

Abukaate/​​sharci yaqaan

Abukaatuhu waa qof yaqaana sharciyada iswiidhishka. Isaga ama iyada ayaa ku siin doona talooyin ku saabsan dhinaca sharciga waxayna kaa caawin doonaan dalabkaaga magangalyo doonka ah. Hay'adda laanta socdaalka ayaa kuu dooraysa lataliyaha dhinaca sharciga, laakiin isagu ama iyadu uma shaqeeyaan Hey’adda laanta socdaalka. Haddii aad taqaano qof sharci yaqaan ah ama abukaate waad orankartaa qofkaas ayaan rabaa, laakiin lama hubo inaad heleyso abukaatahaa aad adigu dooratay. Waxaad sidoo kale sheegan kartaa inaad doorbideyso inuu abukaatuhu noqdo lab ama dhedig kaad adigu rabto.

Waajibka xog qarinta

Qof kasta oo ka shaqeeya Hey'adda laanta socdaalka, degmada iyo daryeelka caafimaadka ama iskuulka waxaa ku waajib ah xog qarin. Tanaas macnaheedu waxa weeye looma oggola inay u sheegaan waxaad ku adigu sheegtay qof aan xaq u lahayn inuu ogaado. Kuwa ka shaqeeya kiiskaaga oo keliya ayaa xaq u leh inay ogaadaan waxaad sheegtay. Turjubaanka iyo abukaatuhna sidoo kale waxaa saaran waajibaad sir ah.

Hase yeeshee qofka kaa mas’uulka ah waajib kuma aha xog qarintu. Sababta oo ah qofka kaa mas’uulka ahi waa sida waalidkaa oo kale, waa inuu arrimahaaga kala hadlaa hey’addo kala duwan.

Qof kasta oo ay waajib ku tahay xog qarintu wuu jebin karaa waajibaadkaas xog qarinta haddii ay u arkaan inaad adigu naftaada khatar gelinayso, ama aad si kale khatar ugu jirto.

Degmada ayaa ka mas'uul ah inay kuu diyaariyaan guri kugu habboon adiga iyo baahidaada.

Marka aad adigu codsato arjiga magangalyada Hey'adda laanta socdaalka waxay la xariiri doontaa degmo taas oo kuu diyaarin doonta adiga guri ku meel gaar ah. Dhowr maalmood ama toddobaadyo ka dib waxaad ogaan doontaa degmada kaa mas'uulka ah mustaqbalkaaga dambe taas oo kuu samayn doonta inaad aado ama dhigato iskuul iyo in aad hesho taageerada aad u baahan tahay inta aad sugayso go'aanka ku saabsan codsigaaga magangelyada.

Haddii aad Iswiidhan ku leedahay qaraabo ama saaxiibo aad rabto inaad la degto ama aad ka ag dhowaato waa inaad u sheegtaa Hey’adda laanta socdaalka marka aad magangelyada codsanayso.

Waxaad u degge­naan kartaa siyaabo kala duwan

Degmada ayaa mas'uul ka ah inay kuu hesho guri wanaagsan. Siyaabo kala duwan ayuu gurigaasi noqon karaa. Tusaale ahaan, waxaad la noolaan kartaa qaraabadaada ama asxaabtaada, qoys ku qaabila carruurta iyo dhalinyarada caawimada u baahan gurigooda ama inaad la deggenaato dhalinyaro kale guri halkaas oo ay joogaan shaqaale idin caawinaya idinka.

Haddii aad rabto inaad la degto dad aad qaraabo tihiin oo Iswiidhan deggan waa khasab inay adeegga bulshada ee degmadu oggolaadaan inaad la noolaan karto iyaga. Inta aanad la deggin kahor adeegga bulshada ayaa go'aan ka gaaraya, waxay soo baarayaan in qoyska aad la deggeysaa uu fursad u haysto inuu ku daryeeli karo iyo in kale.

Haddii ay wax dhacaan oo aanad meesha aad deggan tahay ku dareemin ammaan waa inaad sida ugu dhakhsaha badan ugu sheegtaa qofka mas’uulka kaa ah adiga ama xoghaynta arrimaha bulshada (socialsekreterare).

Guryaha loogu tala­galay dadka buux­iyey 18 sanno

Markii aad gaarto 18 sanno, ama haddii hey'adda laanta socdaalka u aragto in aad ka weyntahay 18 sanno, mas'uuliyada kuu diyaarinta guri adiga ayaa uga sii gudbaya degmada Laanta Socdaalka. Taas macnaheedu waxa weeye waxaad u baahan kartaa inaad u guurto mid ka mid ah guryaha ku meel gaarka ah ee Hey'adda laanta socdaalka ama aad adigu raadsato guri aad adigu iska leedahay.

Ka akhriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan guryaha dadka waaweyn ee ku meel gaarka ah ee Hey'adda socdaalka hey'adda socdaalka

Marka aad adigu magangalyo ka codsato Iswiidhan waxaad fursad u leedahay inaad ka dalbato kaalmada dhaqaale Hey'adda laanta socdaalka haddii aadan adigu haysan lacag aad leedahay.

Waxaa jira laba nooc oo ah taageero dhaqaale oo aad dalbankarto, lacag maalmeed iyo lacag gaar ah.

Lacag maal­meedka

Haddii aad adigu xaq u yeelato gunno maalmeedka waxaad heleysaa caddad lacag ah maalin kasta taas oo la bixiyo bishiiba halmar. Lacagtu waa inay kuugu filaato baahiyahaaga shaqsiyeed, sida dharka, kabaha, daawada iyo waxyaabaha aad rabto inaad samayso wakhtiga firaaqada. Mararka qaarkood waxaad lacag ka heleysaa kuwa guryaha mas’uulka ka ah, sidaa daraadeed kuma siinayso Hey’adda laanta socdaalku wax lacag maalmeed ah.

lacagta gaarka ah

Haddii aad baahi gaar ah u qabto wax aanay lacag maalmeedku kuugu filnayn, adiga iyo qofka kaa mas’uulka ahi waxaad dalban kartaan lacag gaar ah.Lacagtaasi waxaynoqon kartaa tusaale ahaan, okiyaalayaasha indhaha, dharka jiilaalka/qabowga ama wax kale oo aadan ka maarmi karin.

Qofka kaa mas'u­ulka ah ayuu xil ka saaran yahay dhaqaa­la­haaga

Haddii aad ka yar tahay 16 jir waxa foomka codsiga kuu buuxiya oo lacagtaada xil ka saarayn yahay qofkakaa mas’uulka kaa ah. Markaad adigu gaarto 16 jir waxaad xaq u leedahay inaad dalbato oo aad mas'uul ka noqoto lacagtaada maalinlaha ah iyo lacagta gaarka ahba. Waxaad heleysaa kaar bangi oo aad adigu leedahay halkaas ayaa laguugu soo dirayaa lacagta maalinlaha ah iyo lacagta gaarka ahba.

Waxaad adigu xaq u leedahay inaad dhigato iskuul sida carruurta kale ee ku nool Iswiidhan dhammaantood. Iskuulku waa lacag la’aan.

Wadanka Iswidhan waa inay dhammaan carruurtu aadaan dugsiga. Degmada ayaa ka mas uul ah iskuulka markaa qofka kaa mas’uulka ah ayey shaqadiisa tahay inuu hubiyo si aad adigu iskuulka u bilaabi lahayd sida ugu dhakhsaha badan.

Dugsiga aasaa­siga ah

Dugsiga aasaaska ahi waa toban sannadood waxaanu ilmuhu bilaabaa sannadka uu buuxiso lix sano. Sannad dugsiyeedka ugu horreeya, oo loo yaqaan fasalka barbaarinta, wuxuu ka kooban yahay ciyaaro badan iyo hal-abuur si loogu diyaariyo ilmaha dugsiga soo socda. Dugsiga aasaaska ah dhammaan ardaydu waxay bartaan maadooyin isku mid ah.

Dugsiga sare

Dugsiga sare waa waxbarasho ikhtiyaari ah oo ay ardaydu fursad u haystaan inay doortaan takhasus si ay ugu diyaar garoobaan waxbarasho xirfadeed ama ay sii wataan waxbarasho jaamacadeed ama waxbarasho are. Si aad awood ugu yeelato inaad wax ka barato dugsiga sare waa inaad soo dhammaysatay waxbarashadii dugsiga aasaasiga ahayd.

Haddii aad adigu tahay qof magangalyo-doon ah waxaad xaq u leedahay inaad dhammaysato waxbarashada dugsiga sare haddii aad bilowday waxbarashadaada dugsiga sare ka hor intii aanad buuxin18 sanno. Tani waxay sidoo kale khuseysaa haddii aad u guurto degmo kale.

Ka akhriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan iskuulka oo loogu talagalay dadka magangalyo doonka ah External link, opens in new window.

Shar­ciga dugsiga sare

Sharciga loogu yeero sharciga dugsiga sare ayaa ah sharci siinaya dadka codsaday magangalyada ee wax ka baranaya dugsiga sare fursad weyn oo ay kusii joogi karaan Iswiidhan oo ay ku dhamaysan karaan waxbarashadooda dugsiga sare.

Qofka codsigiisa magangalyoku helo haa wuxuu badanaa helaa sharci degenaansho 13 bilood ama saddex sanno ah. Qofka u dhexeeya 17 ilaa 24 sanno ee baranaya waxbarashada dugsiga sare mararka qaarkood wuxuu qofkaasi heli karaa sharci degenaansho oo intaa ka badan si uu qofku u dhammayso waxbarashadiisa. Xaaladdaha qaarkood wuxuu qofku sidoo kale heli kaeaaa sharci deganaansho ah si uu dugsiga sare wax uga barto, xitaa haddii hay ey'adda laanta socdaalka u aragto in aanu qofkaasi haysan sababo magangelyo.

Ka akhriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan sharciga degganaanshaha oo loogu talagalay dugsiga sare (oo af ingiriis)

Waxaad adigu xaq u leedahay daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkaha ee aad u baahan tahay. Waa u bilaash carruurta Iswiidhan ku nool dhammaantood.

Haddii aad jirato ama aad dareento in aanad fiicnayn oo aad u baahato inaad la kulanto takhtar ama takhtarka ilkaha, waxa ballan kuu qabankara oo kaa caawinaya qofka mas’uulka kaa ah ama qof kale oo jooga guriga aad deggan tahay. Xusuusnow inaad sii qaadato kaarkaaga LMA-ga ah booqashadaada.

Baari­taanka caafi­maadka

Dhammaan dadka magangalyada ka codsada Iswiidhan waxaa loo fidiyaa baaritaan caafimaad. Baaritaanka caafimaadka waxa loogu talagalay si adiga laguu siiyo wakhti hore caawimo iyo daaweyn haddii aad u baahan tahay daryeel.

Marka lagu baarayo waxa lagu siinayaa macluumaad ku saabsan sida daryeelka caafimaadka ee Iswiidhan u shaqeeyo. Waxaad ka jawaabi doontaa su'aalaha ku saabsan caafimaadkaaga waxaana lagaa qaadayaa tijaabooyin.

Ka faa’iidayso oo weydii haddii ay jiraan wax aad ka fekeraysaa, hana ka cabsanin in aad ka sheekayso sida aad caafimaad ahaan dareemaysid. Shaqaalaha daryeelka caafimaadku waxay leeyihiin waajibaadka sir haynta, baaritaanka caafimaadkuna saamayn kuma yeelan doono magangalyo doonimadaada.

Xoogida iyo xadgudubka galmada

Dad badan oo magangalyo doon ah ayaa lagula kacay in la xoogo ama xadgudub galmo intii ay joogeen wadankoodii hooyo ama intii ay u soo socdeen Iswiidhan. Qofku jirka iyo maskaxdaba wuxuu ka dareemikaraa xumaan waxyaabihii uu soo maray awgeed, laakiin waxaa jira caawimo qofka la siiyo. Tusaale ahaan, waxaad kala hadli kartaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka markaad baaritaankaaga caafimaadka samaynayso, rugta dhalinyarada ama kalkaaliyaha caafimaadka ee iskuulka ama la taliyaha iskuulkaaga (kurator). Waxay kaa caawin karaan inaad hesho daryeelka saxda ah.

Dhammaan noocyada xoogidu iyo xadgudubka galmadu waa ka mamnuuc Iswiidhan. Had iyo jeer waa qofka dhib kuu geystay ayaa ka mas'uulka ah, adigana weligaa laguguma ciqaabi karo haddii lagu xoogo ama xadgudub galmo lagugu sameeyo. Tani waxay khuseysaa iyadoon loo eegin cilaaqaadka aad leedihiin qofkaas dhibka kuu geystat, tani waxay sidoo kale khuseysaa, tusaale ahaan, kufsiga guurka iyo marka waalidku garaacaan carruurtooda. Marka qof weyni uu u galmoodo ilmo kayar 15 sanno waxa lagu xisaabinayaa kufsi. Iswiidhan gudaheeda waxa iyaduna sidoo sharci darro noqonaysa in qof lagu qasbo ama lagu khiyaaneeyo inuu guursado, carruurta ka yar 18 sanno looma ogola inay guursadaan.

Kala xiriir booliska taleefanka 114 14, haddii dhib laguu geysto ama xadgudub galmo lagugu sameeyo, ama haddii aad ka baqeyso in laguu guuriyo. Haddii aad ku sugan tahay khatar deg deg ah wac booliska taleefanka 112.

Gudni­inka gabd­haha

Annagu waanu ognahay inuu gudniinka dumarku ka dhaco meelo badan oo adduunka ka mid ah. Waa marka uu qof gooyo xubinta dhalmada gabadha ama dumarka. Gudniinka dumarku gebi ahaanba waa ka mamnuuc Iswiidhan waxaana loo arkaa dambi weyn. Qofka loo geysto dhibkaas laguma ciqaabayo. Haddii uu qof adiga sidaa kugu sameeyay oo aad dhibaatooyin ku qabto waxaad caawimaad ka heli kartaa daryeelka caafimaadka. La hadal kalkaalisadaada dugsiga, rugta caafimaadka dhallinyarada ama xarunta caafimaadka (vårdcentral).

La xiriir booliska haddii aad ka baqeyso in adiga ama gabar aad taqaanno la gudo. Waxaad sidoo kale wici kartaa khadka badbaadinta haweenka (Kvinnofridslinjen) taleefoonka 020‑50 50 50 si aad u hesho talo iyo taageero. Khadka badbaadinta haweenku waa khad gargaar qaran oo loogu tala galay dumarka loo geysto hanjabaadaha ama xoogida.

Cudu­rada galmada lagu kala qaado

Waxaad adigu xaq u leedahay aqoon ku saabsan sida laysaga ilaaliyo cudurada galmada lagu kala qaado iyo sidii aad uga fogaan lahayd in aad ku daarato dadka kale. Tusaale ahaan cudurada galmada lagu kala qaado waa sida cudurka jabtada oo kale ah (klamydia), cagaarshowga/jooniska, jabtada iyo HIV-ka. Haddii aad ogtahay inaad qabtid cudur noocaas ah, waa inaad u sheegtaa markii aad baaritaanka caafimaadkaaga sameynayso, si aad daryeel caafimaad u hesho oo aad uga fogaato in aad dadka kale ku daarato. Haddii aadan hubin inaad cudurka qabtid iyo in kale shaqaalaha daryeelka caafimaad ayaa kaa qaadaya tijaabo.

Qalabka iyo daawooyinka ka hortagga uurka iyo dary­e­elka hooyooyinka

Iswiidhan daryeelka hooyooyinka iyo daryeelka umusho bilaash ayay u tahay dadka magangalyo doonka ah. Waxaad sidoo kale xaq u leedahay talobixin ku saabsan ka hortagga uurka kaas oo bilaash ah, si aad adigu u kala doorato haddii aad waalid noqonayso iyo haddii kale. Gabdhaha iyo wiilashuba waxay xaq u leeyihiin macluumaad ku saabsan sida ay naftooda iyo kuwa kaleba uga ilaalin karaan uurka. Haddii aad adigu tahay gabar uur leh oo aadan rabin inaad carruur dhasho, waxaad xaq u leedahay inaad uurka iska joojiso oo aad ilmaha soo riddo.

Cudurka maskaxda ku dhaca

Waa wax caadi ah inaad ka walwasho waxa dhici doona mustaqbalka marka aad sugayso go'aanka ku saabsan codsigaagii magangalyo doonka ahaa. Sidoo kale dadka qaarkood waxaa laga yaabaa inay dareemaan xumaan maxaa yeelay waxay soo mareen waxyaabo xunxun ama waxay u xiisay qoyskooda. Tusaale inuu inaad dareento jirro dhinaca maskaxda ah waxay kugu keeni kartaa inaad yeelato walwal, hurdo xumo ama aad dareento murugo iyo niyad jab

Waxaad adigu ka heli kartaa caawimo iyo taageero, daryeelka caafimaadka ee ku yaala meesha aad deggen tahay. Waxa kale oo aad la hadli kartaa la-taliyaha ama kalkaaliyaha caafimaadka ee dugsigaaga.

Naafo­ni­mada

Naafonimadu waa marka aad adigu leedahay dhaawac ama jirro kugu keenaysa tusaale ahaan inuu kugu adkaado dhaqaaqu, maqalku, hadalku ama fahamku. Haddii aad naafo tahay waxaad xaq u leedahay inaad hesho kaalmo wax ku ool ah oo kaa caawinaysa nolol maalmeedkaaga, sida iskuulka ama markaad la hadlayso Hey’adda laanta socdaalka. Naafonimadaadu saamayn kuma yeelanayso codsiga magangelyo doonnimadaada. Baaritaanka caafimaadka ayaad u sheegaysaa haddii aad tahay qof naafo ah, ama haddii aad isleedahay waxaad tahay naafo.

Takhtarka ilkaha

Waxaad xaq u leedahay inaad hesho daryeelka caafimaadka ilkaha ee kahortaga ah iyo daaweynta uu dhakhtarka ilkaha u arko inaad adigu u baahan tahay. Daryeelka ilkuhu waa u bilaash dhammaan carruurta Iswiidhan ku nool oo dhan.

Baari­taanka indhaha

Haddii aad u baahato okiyaale waxa ballan kaaga qabanaya qofka kaa mas’uulka ah dukaanka okiyaalayaasha si baaritaan indhaha lagaaga sameeyo. Haddii aad u baahan tahay inaad gadato okiyaalaha indhaha waa inuu takhtarka okiyaaluhu qoro warqad aad u keenayso hey'adda laanta socdaalka si aad uga dalbato lacag gaar ah oo okliyaalaha loogu talagalay.

Warbixin dhee­raad ah oo ku saabsan caafi­maadka

Bogga internetka ee www.1177.se/other-languages ​​waxaa ku jira macluumaad ku qoran luqado kala duwan oo ku saabsan cuduro kala duwan iyo sida daryeelka caafimaadka ee Iswiidhan u shaqeeyo. Waxaad sidoo kale wici kartaa qaybta macluumaadka ee daryeelka caafimaadka lambarka talefoonka ee 1177, waxaad halkaa kula hadli kartaa kalkaaliye caafimaad oo kaaga jawaabidoonta su'aalaha aad qabto isla markaana kaala talin doonta meesha aad uga baahan tahay daryeelka saxda ah

Bogga internetka ee www.youmo.se waxaa ka jira macluumaad loogu talagalay dhalinyarada oo ku saabsan caafimaadka, xiriirka, galmada iyo waxyaabo badan oo luqado kala duwan ah ku qoran.

Bogga internetka ee www.rfsu.se/upos waxaa ku jira macluumaad filimo gaagaaban ah oo loogu talagalay qofka doonaya inuu wax badan ka ogaato jirka, galmada iyo caafimaadka. Filimadaas waxaa lagu heli karaa luqado badan oo kala duwan. Halkan waxaad ka heli kartaa filimaan ka hadlaya qalabka iyo daawooyinka lagaga hortaggo uurka , dhalmada iyo uurka.

Telefoonka badbaada haweenka waxay ku siinayaan talooyin iyo taageero hadaad tahay qof haween ah oo loo geystay hanjabaado ama jir ahaan loo geystay dhibaato, mid maskaxeed ama galmo khasab ah. Wac telefoonka 020‑50 50 50. Waxay kuu diyaarin doonaan turjubaan daqiiqado gudahood. Waxaad sidoo kale waxbadan ka akhrisan kartaa bogga internetka ee kvinnofridslinjen.se. Macluumaadka wuxuu ku qoran yahay luqado kala duwan.

U wac booliska talefoonka 114 14 haddii aad rabto inaad ka warbixiso fal dambiyeed, tusaale ahaan haddii uu qof ku dilay/garaacay ama kugula kacay xadgudub galmo. Waxaad sidoo kale wici kartaa booliska haddii aad ka baqeyso in nin lagugu daro oo laguu guuriyo ama la gudayo. Haddii xaaladdu degdeg tahay, wac 112.

Last updated: