Markaad noqoto 18 sanno

När du blir 18 år – somaliska

Sida uu dhigayo sharciga Iswiidhan, qaangaar ayaad noqonaysaa markii aad gaarto 18 sanno. Taas macnaheedu waxa weeye xaq uma lahaan doontid in lagu siiyo taageerada iyo caawimada la siiyo carruurta keligood yimaada ee aanay waalidkood la socon, iyo in codsigaaga magangelyo doonka ah loo eego si waafaqsan sharciyada magangalyo doonka ee dadka qaangaarka ah.

Kahor intaanad adigu buuxin 18, ama inta ay Laanta socdaalka go’aan ka gaareyso in da'daada loo beddelo inaad ka weyn tahay 18 sanno, waxaa laguugu yeerayaa doonaa kulan warbixin ah oo ku saabsan xuquuqahaaga iyo waajibaadyadaada isbeddelaya markaad noqoto 8 sanno.

Qofka mas’u­ulka ah (god man)

Waxa ugu muhiimsan ee u dhexeeya ahaanshaha ilmo keliyiis yimid oo aanay a socon waalidkii iyo qof magangalyo doon ah oo qaangaarka ah ayaa ah in aanad inta badan xaq u laheyn qof kaa mas’uul ah markaad gaarto 18 sanno. Qofkii mas’uulka ahaa hawshiisii way dhamaanaysaa maxaa yeelay waxaad noqotay qof qaangaarayah oo uma baahnid wixii intaa ka dambeeya qof kaa mas’uul ah. Adiga ayaa maarayn kara xiriirka aad la leedahay hey’addaha, adiga ayaana saxeexaya waraaqaha dhammaantood.

Guriga

Hey'adda laanta socdaalka ayaa mas'uul ka ah inay u diyaariso guryo ku meelgaar ah dhammaan dadka waaweyn ee magangelyo doonka ah ee u baahan. Degmada aad adigu deggan tahay waxay dalban kartaa in hey'adda laanta socdaalku ay la wareegto mas'uuliyada oo ay kuu diyaariso guri ku meelgaar ah marka ay degmadu hesho warbixin ku saabsan inaad buuxisay 18 sano ama Hey'adda laanta socdaalky ay da'daada ka badashay 18 sanno. Taasi way dhici kartaa xitaa haddii aad adigu ka dacwooto go'aanka lagu beddelayo da'daada.

Haddii aad adigu u baahan tahay caawimaadda Hay'adda Socdaalka ee guryaha ku meelgaarka ah, ma dooran kartid meesha aad deggeyso. Waa inaad u guurtaa meesha ay Hey'adda laanta socdaalka ku leedahay guryaha banaan. Hey'adda laanta socdaalka waxeey isku dayeysaa inay kuu diyaariso guri kuu dhow xaafadii aad horey u deggenayd laakiin ma jiraan wax dammaanad qaad ah inay sidaa noqonayso.

Waxaad sidoo kale dooran kartaa inaad adigu guri iskaa u raadsankaro, tusaale ahaan adigoo la deggeya qaraabadaada ama asxaabtaada. Markaas waa inaad adigu iska bixisaa kharasha guriga.

Kala hadal qaybtaada soo-dhowaynta haddii aad u baahan tahay caawimo ku saabsan in guri laguu diyaariyo.

Ka akhriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan guryaha ku meelgaarka ah ee loogu talagalay dadka waaweyn ee magangelyo doonka ah

Dhaqaa­laha

Marka aad adigu buuxiso 18 sanno adiga ayaa ka ms’uul ah dhaqaalahaaga.

Ka khriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan nooca taageerada dhaqaale ee aad ka heli karto Hey’adda laanta socdaalka

Dary­e­elka caaf­maadka- iyo dary­e­elka ilkaha

Carruurta magangalyo doonka ah waxay xaq u leeyihiin daryeel ilko iyo daryeel caafimaad oo bilaash ah. Hase yeeshee qofka weyn ee magangalyo doonka ahi wuxuu kaliya xaq u leeyahay daryeel caafimaad iyo daryeel ilkaha iyo daryeel aan la sugi karin oo degdeg ah. Shaqaalaha isbitaalka, rugta caafimaadka, ama rugta daryeelka ilkaha ee soo dhoweynta ayaa qiimaynaya in adiga lagu siinkaro daryeel caafimaad iyo inkale.

Dadka waaweyn ee magangalyo doonka ahi waa inay bixiyaan kharashka booqashada isbitaalka iyo daawooyinka. Waa inaad tusto kaarkaaga LMA waxaadna bixin doontaa qiimo hoose.

Ka akhriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan daryeelka caafimaadka ee loogu talagalay dadka waaweyn ee magangelyo doonka ah

Isku­ulka

Haddii aad adigu wax ka baranayso dugsiga sare waxaad xaq u leedahay inaad sii wadato iskuulka inta aad sugeyso go'aanka codsigaaga magangelyo doonka. Xaqa aad u leedahay in aad sii wadato waxbarashadaada dugsiga sare ayaa khuseysa xitaa haddii aad u guurto mid ka mid ah guryaha ku meelgaarka ah ee Hey'adda laanta socdaalka ee degmo kale ku yaala.

Si kastaba ha ahaatee haddii aanad adigu wax ka baranayn dugsiga sare laakiin aad doonayso inaad waxbarto inta aad sugeysid go'aanka waxaad weydiin kartaa qeybtaada soo dhowaynta "dadaal ku bixinta wakhtiga hore hore ee magangelyo-doonka" (sidoo kale loo yaqaano TIA).

Ka akhriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan aktiifiteetyada inta aad sugayso go’aanka

Haddii codsi­gaaga la diido

Haddii aad buuxiso 18 sanno markaa hadda kadib muhiim ma aha in marka aad dib wadankaagii ugu noqonayso uu ku qaabilo qof qaraabo ama hey’ad dowladeed ka socdaa.

Haddii adiga lagu siiyey go'aanka ah inaad Iswiidhan dib uga laabato, waa inaad uga baxdaa Iswiidhan muddada kama dambaysta ah ee go'aanka ku xusan, ama sida ugu dhakhsaha badan haddii aanu jirin wakhti go'an oo go'aanka aan mar dambe racfaan laga qaadan karin. Haddii aadan Iswiidhan uga bixin mudadaas gudaheeda, waxaa jirta halis ah in lagaa mamnuuco adiga inaad dib u soo laabato wadanka, taas oo ah inaadan dib ugu soo laaban doonin Iswiidhan muddo 1–5 sanno gudahood.

Waxaad xaq u leedahay inay Hey’adda laanta socdaalka ku siiso guri iyo taageero dhaqaale ilaa iyo inta ay ka dhamaaneyso wakhtiga ugu dambeeya ee laguu qabtay inaad dib u laabato, ama marka aan go’aan racfaan mar dambe laga qaadan karin haddaan lagu siin wakhtiga kama danbaysta ah. Haddii aad adigu leedahay carruur iyaguna magangalyo ka codsadeen Iswiidhan waxaad xaq u leedahay inay Hey’adda laanta socdaalku kuu dheereeyso taageerada.

Hey'adda laanta socdaalka waxay adiga kaa caawineysaa isku diyaarinta safarkaaga ilaa inta aad iyaga wada shaqayn la leedahay.

Ka akhriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan waxa dhacaya marka qof weyn oo magangelyo doon ah la diido codsigiisa

Last updated: