Haddii codsigaaga diidmo lagaa siiyo

Om du får avslag på din ansökan – somaliska

Diidmada macneheedu waa in aad MAYA ka heshay codsigaagii magangalyo doonka. Haddii diidmo lagu siiyo waxaad leedahay laba doorasho: Waad aqbali kartaa go'aanka oo waad ka tagi kartaa Iswiidhan ama waxaad u dacwoon kartaa maxkamada laanta socdaalka.

Diidmo

Diidmada codsigaaga waxay macnaheedu tahay in Hay'adda laanta socdaalku u aragto in aanad haysan sababo kugu filan oo magangelyo Iswiidhan lagugu siiyo. Adiga iyo qofka kaa mas’uulka ah waxaa laydinku yeerayaa shir halkaas oo qofka kiiska gacanta ku hayaa uu kuu sharaxayo sababta laguugu diiday iyo waxa hadda dhacaya.

Oggolaanaya go'aanka

Haddii aad oggolaato go'aanka, waa inaad saxiixdaa warqad sheegaysa in aanad rabin inaad racfaan ka qaadato. Marka aad oggolaato go'aanka, waxaad caawimo ka heli kartaa Hay'adda laanta socdaalka si aad ugu diyaargarowdo safarkaaga waddankii hooyo.

Ka dacwoonaya

Waad ka dacwoon kartaa go'aanka haddii aanad ku raacsanayn go'aanka Hay'adda laanta socdaalka. Si aad rafcaan uga qaadato, adiga iyo qofka kaa mas’uulka ah waa inaad warqad u qortaan Hay'adda laanta socdaalka oo aad ku sheegaysaan sababta aad ugu aragto inuu go'aanku khaldan yahay. Qareenkaaga guud ayaa kaa caawin kara inaad qorto warqadda rafcaanka. Go'aankaaga waxaa ku qoran wakhtiga aad haysato ee aad racfaanka qaadan karto.

Hay'adda laanta socdaalka ayaa akhrin doonta rafcaankaaga waxayna qiimaynaysaa in go'aanka wax laga beddelo iyo in kale. Haddii ay Hay'adda laanta socdaalku u aragto in aanay jirin sabab lagu beddelo go'aanka, warqadda racfaanka waxaa loo gudbin doonaa maxkamada laanta socdaalka. Maxkamadda laanta socdaalka ayaa dib u eegeysa racfaankaaga. Haddii ay maxkamada laanta socdaalku kugu raacdo, Hay'adda laanta socdaalka ayaa markaa beddeleysa go'aankoodii kadibna waddanka ayaa laguu oggolaanayaa inaad joogto.

Haddii maxkamada hay'adda laanta socdaalku diido racfaankaaga, waxay taa macnaheedu tahay inay u arkaan in go'aankii Hay’adda laanta socdaalka uu yahay mid sax ah. Maxkamada sare ee hay'adda laanta socdaalku waa maxkamad tijaabisa oo eegta kiisas gaar ah oo keliya kuwaas oo ah kiisaska aan caddayn sida sharciga loo turjumayo. Haddii maxkamada sare ee hay'adda laanta socdaalku go'aansato in aanay soo qaadin ama eegin dacwadaada, waxay taa macnaheedu tahay in aanad mar dambe dacwoon karin oo uu go'aankii Hay’adda laanta scdaalku dhaqan gal yahay.

Waad beddeli kartaa adigu wakhti kasta inaad la soo noqoto warqaddii racfaanka oo aad go'aansato inaad waddankaagii dib ugu laabto. Markaa waxaad caawimo ka heli kartaa Hay'adda laanta socdaalka si aad ugu diyaargarowdo safarkaaga waddankii hooyo.

Dib ugu noqonaya

Marka codsigaagii magangalyada la diido, waa inaad isu diyaarisaa inaad dib ugu laabato waddankaagii hooyo. Hay'adda laanta socdaalka ayaa kaa caawin doonta sidii aad u habayn lahayd safarkaaga waddankii haddii aad iyaga la shaqayso.

Hay'adda laanta socdaalku waxay kuugu yeeri doontaa kulamo dhowr ah si ay kaagala hadasho waxyaabaha loo baahan yahay in la sameeyo si aad waddankaagii dib ugu laabato. Ilaa iyo inta aad wada shaqayn la samaynayso, waxaad caawimo ka heli doontaa Hay'adda laanta socdaalka si aad u diyaariso safarka aad ugu laabanayso waddankaagii. Haddii aanad wada shaqayn la samayn, waxay Hay'adda laanta socdaalku ku wareejin kartaa mas'uuliyadda kiiskaaga booliiska.

Haddii aad weli ka yar tahay 18 jir marka aad Iswiidhan ka tegeyso, waa khasan in la helo qof kugu qaabila marka aad waddankaaga timaado. Wuxuu noqon karaa waalid, qaraabo ama qof ka shaqeeya hay'ad ka mas'uul ah carruurta aan lahayn dad mas'uuliyiin ah. Shaqaalaha Hay'adda laanta socdaalka ayaa kula socdaalaysa waxayna hubinayaan in qof kugu qaabilo markaad timaadaan gaaroonka diyaaradaha.

Haddii waalidkaa ay nabad ku joogaan waddan aan ahayn waddankaagii, Hay'adda laanta socdaalku waxay isku dayi doontaa inay kaa caawiso inaad dib ugula midoobo halkaa ay joogaan.

Hay'adda laanta socdaalka ayaa ku caawin doonta

Uma baahnid inaad jeclaato go'aanka in Iswiidhan lagaa saaro. Laakiin haddii aad aqbasho go'aanka oo aad oggolaato inaad keligaa dib u laabato, Hay'adda laanta socdaalka ayaa kaa caawin doonta qorshaynta safarkaaga. Tusaale ahaan, waxaad ka heli kartaa caawimo ku saabsan buukinka safarka, habaynta baasaboorka iyo la xiriirka dadka qaraabada ah ee jooga waddankii hooyo.

Xaaladaha qaarkood, waxaad sidoo kale codsan kartaa gargaar dhaqaale ama noocyo kale oo taageero ah si ay kuugu fududaato inaad bulshada dhexgeli kartid markaad dib u laabato.

Ka akhri warbixin badan oo ku saabsan dadka la siin karo taageerada dib u noqoshada

Haddii aanad u hoggaansamin go'aanka

Hay'adda laanta socdaalku waxay kaa caawin kartaa oo keliya markaad adigu iskaa diyaar u tahay safarkaaga oo aad oggolaato inaad ka baxdo Iswiidhan . Haddii aad iman weydo shirarka ay Hay'adda laanta socdaalku kuugu yeerayso, haddii aad dhuumato ama aad si kale u muujiso in aanad doonayn in aad dib u laabato, waxay Hay'adda laanta socdaalku kiiskaaga u gudbin doontaa booliiska. Taas macneheedu waxa weeye booliiska ayey noqonaysaa cidda mas’uulka ka ah inaad raacdo go'aanka oo aad ka baxdo Iswiidhan. Haddii aad buuxisay 18 sano, waxaad waayi doontaa xaq u lahaanshada kaalmada dhaqaale haddii aanad u hoggaansamin go'aanka.

Dhacdooyin cusub diidmada ka dib

Mararka qaarkood waxyaabo ayaa dhici kara go'aanka ka dib taas oo macnaheedu tahay in aanad ka bixi karin Iswiidhan. Waxaa dhici karta, tusaale ahaan inaad aad u jirrato si aad u safarto, ama waxa soo baxay sababo cusub oo ku saabsan magangelyadaada ama waxa soo baxay caddaymo cusub oo sabab u noqon kara magangalyadaada taas oo aanay Hay'adda laanta socdaalku hore u ogeyn markii aanu go'aanka gaaraynay. Haddii ay taasi dhacdo, waa in adiga iyo qofka kaa mas’uulka ahi aad warqad u soo qoraan Hay’adda laanta socdaalka una sheegaan waxa dhacay. Markaa Hay'adda laanta socdaalka ayaa go'aaminaysa in sababaha cusubi ay ku filan yihiin si loo joojiyo masaafurinta.

Mararka qaarkood masaafurinta si ku meelgaar ah ayaa loo joojin karaa si ay Hay'adda laanta socdaalku ugu hesho wakhti ay ku baarto dhacdada cusub. Joojinta ku meelgaar ah waxaa loo yaqaan xannibaad/sugitaan.

Sugitaanka safarka waddankii

Waxaad xaq u leedahay inaad iskuul aaddo, aad la kulanto daryeel caafimaad oo aad hesho kaalmo dhaqaale iyo hoy inta aad Iswiidhan joogto. Qofka kaa mas’uulka ah ayaa ku caawin doona ilaa aad ka baxayso Iswiidhan ama aad ka buuxisayso 18 sano.

Ka akhriso waxa dhacaya markaad buuxiso 18 sano inta aanad ka bixin Iswiidhan ka hor

EU-logotyp

Last updated: