Kaalamda dhaqaale iyo dib u degida

Kontantstöd – somaliska

Haddii aad doonayso inaad ku noqoto wadankaaga, waxaad codsan kartaa kaalmada dhaqaale ee ka timid Wakaalada Socdaalka Swedishka, waxa loo tixraaco sida ‘kaalmada dib ula qabsashada’ ama ‘taageerada dib u degida. Taageerada waxaa loogu talo galay kuwan dib ugu noqonaya wadanka halka ay adag tahay inay naftooda dib u dejiyaan iyaddoo ay sababtay xaalada amniga. Waxaad codsanaysaa taageerada marka aad joogto Sweden.

Waxaad heli kartaa taageeradan haddii aad dib ugu noqonayso mid ka mid ah wadamadan:

Afghaanistaan, Jamhuuriyadda afrikada dhexe, Jamhuuriyadda dimuqraadiga Kongo, El Salvador, Eritreya, Ciraaq, Yemen, Liibiya, Nayjeeriya, Bakistaan, Soomaaliya, Falastiin, Suudaan, Koonfurta Suudaan, Itoobiya, Lubnaan.

Shuru­u­daha helida taage­e­rada

Ujeedada taageerada waa in awood loo siiyo adigu inad dib u dejiso naftaada wadanka aad ku noqonayso. Waxaad heli kartaa taageerada miduun ilmo ahaan ama qof wayn ahaan haddii adigu:

  • aad heshay diidmada codsigaaga magan galyada ama aad ka laabatay codsigaaga magan galyada ee gudaha Sweden.
  • aad niyada ku haysao inaad si aan khasab ahayn ugu noqoto wadankaaga halka xaaladahaaga aad awoodayso inaad dib u dejiso naftaada ay xadidan tahay iyaddoo ay sababtay xaalada amniga.
  • ay dhici karto in lagugu soo dhaweeyo (laguu oggolaado gudaha) wadanka aad niyada ku hayso inaad ku noqoto
  • aad caadi ahaan joogto Sweden marka aad codsiga samaynayso
  • ku soo xarayso codsigaaga xidhiidhka in codsigaaga magan galyada la diiday ama aan ka laabatay iyadda.

Taage­e­rada dhaqaale ee qoys­kaaga

Xubinta qoyskaaga dib kugula soo noqonaysa adiga wadankaaga waa inay sidoo kale heshaa taageerada dhaqaalaha, ninkaaga/xaaskaaga, lammaanaha aad wad degen tihiin, carruurta ka yar 18 sano ama qaraabada kale ee dhow kuwaas oo adiga kula degen. Si loo heli taageerada, xubnaha qoyskaaga sidoo kale waa inay joogaan Sweden marka aad soo gudbiso codsiga.

Codsiga iyo go’aanka

Waa inaad la codsataa go’aanka taageerada xidhiidhka dhow ee aad inaad heshay go’aanka diidmada codsigaaga magan galyada, ama in codsigaaga magan galyada la iska dhaafay sababtoo ah waad ka noqotay ama ka laabatay. Codsigaagu waa in la helaa labba bilood gudahood ka dib go’aanka Wakaalada Socdaalka Swedishka.

Waxaad ka codsan kartaa kaalmada dib u dhexgalka bulshadda/taageerada dib u degida maamulahaaga kiiska soo dhawaynta, oo waa Wakaalada Socdaalka Swediska go’aanka ka gaadha haddii aad helayso taageerada ama aanad helayn. Go’aanka Wakaalada Socdaalka Swediska ee kaalmada dib u dhexgalka bulshadda/taageerada dib u degida rafcaan lagama qaadan karo.

Taage­e­rada waxaa lagu bixiyaa wadan­kaaga

Wakaalada Socdaalka Swediska si wada jir ah waxay ula shaqaysaa IOM (Ururka Caalamiga ah ee Hijirada), taas oo xafiisyo ku leh badanka wadama halka kaalmada dib u dhexgalka bulshadda/taageerada dib u degida lagu qaybiyo. Xaaladahan, waa IOM ta ku siinaysa lacagta. Ka hor inta aanad ka tegin Sweden, waxaad heli doontaa lambarka telefoonka IOM xafiiskeeda ku yaala wadankaaga. Waa inaad wacdaa oo diiwaansataa wakhtiga bixinta lacagta kaalmada dib u dhexgalka bulshadda marka aad timaado wadankaaga.

Waxaa lacagta la bixinayaa hal mar. Markaad lacagta qaadaneyso waa inaad wadataa baasaboor ama nuqulka dokumentiga socdaalka ee ku meel gaarka ah iyo nuqulka go’aanka in laguu oggolaaday deeqda dib u dejinta. IOM waxay sidoo kale leedahay qad taageero oo loogu tala galay dadka qaba su’aalaha la xiriira bixinta deeqda ee xilliga ka horeeya marka uu qofku ku noqonay dalkiisa. Qadka gargaarka ayaa furan maalmaha shaqada isla markaana lagu heli karaa luqado dhowr ah.

Haddii aad ku noqoto Jamhuuriyadda afrikada dhexe, Eritreya, Yemen ama Falastiin waxaad deeqda dhaqaale lagu bixinayaa iyadoo akoon bangi lagu shubayo kadib markaad dalkaada ku noqoto.

Akhri wax badan oo ku saabsan IOM (Ururka Caalamiga ah ee Hijrada) External link, opens in new window.

Qadarka taage­e­rada ah

Kaalmada dib u dhexgelida bulshadda/kaalmada dib u degista waxay waafaqsan tahay qadarka lacagta ah ee dhan SEK 30,000 qof kasta oo ka wayn da’da 18 iyo SEK 15,000 ilmaha ka yar 18. Qoysku waxay heli karaan SEK 75,000 wadar ahaan.

Maxaa dhacaya haddii aad bixiso maclu­u­maad khalad ah

Wakaalada Socdaalka Swedishka waxay go’aan ka gaadhi kartaa inaad dib u bixinayso kaalmada dhammaan ama qayb ahaan haddii:

  • aanad si aan khasab ahayn aanad dib ugu noqon, ama aad ku soo gashay Sweden sharci darro ka dib markaad dib u noqotay
  • aad bixisay macluumaad been ah ama haddii kale aad sababtay taageerada in si aan sax ahayn loo bixiyo ama lacag aad u badan in la bixiyo.

Last updated: