Xarunta dib u celinta

Återvändandecenter – somaliska

Haddii codsigaaga magangalyada la diido, waxaa boos lagaa siin doonaa xarunta dib u noqoshada. Xarunta dib u celintu waa hoy ama guri ku yaala meel u dhow garoon diyaaradeed oo caalami ah.

Qofka helay go'aan ku saabsan dib u celin, masaafurin ama in loo wareejiyo waddan kale oo Midowga Yurub ka mid ah waxaa laga siin doonaa boos xarunta dib u noqoshada. Waxaad ku noolaan doontaa xarunta dib u noqoshada ilaa aad ka baxayso wadanla Iswiidhan ama ilaa marka aanad xaq u lahayn taageerada dhaqaale iyo guriga. Isla markaa taas macnaheedu waxa weeye in aanay Hay'adda laanta socdaalku aanay bixin doonin hoy ama guri.

Qoysaska caruurta leh

Qoysaska carruurta leh ee la siiyey go'aank dib u celin ah, masaafurin ama lagu wareejinayo waddan kale kaas oo dhaqan galay waxay xaq u leeyihiin inay helaan guri ilaa ay ka baxayaan Iswiidhan. Qoysaska haysta carruurta ee waddanka ka baxaya waxa boos laga siinayaa meel ay ka seexdaan mid ka mid ah xarumaha Hay’adda laanta socdaalka haddii ay u baah daan in laga caawiyo hoy.

Carruurta ku jirta da'da dugsiga waxay xaq u leeyihiin inay dhigtaan dugsiga inta ay joogaan xarunta dib u celinta.

Taageerada dib u celinta

Qofka deggen xarunta dib u noqoshada ee Hay'adda laanta socdaalka waxaad ka heshaa taageero shaqaalaha Hay'adda laanta socdaalka si ay u qorsheeyaan dib u noqoshadaada iyo dib u dejin waddankaagii hooyo ah. Waxa ka mid noqon kara caawimo ku saabsan ballansashada safarka, diyaarinta dukumentiyada safarka ama inuu qofku helo taageero sidii uu ula la xiriir lahaa safaaradda waddankiisa.

Waxaad heli doontaa macluumaad ku saabsan taageerada dib u celinta loogu talagalay ee aad heli kartid inaad codsato iyo dadaallada kale ee taageerada ah kuwaas oo gacan ka geysanaya dib u dejin wanaagsan oo waddankii hooyo ah. Waxa kale oo aad la xidhiidhi kartaa ururka ka jira waddankaagii hooyo ee wakhtiga ku bixiya ku hawlanaanta si loo helo aqoon korodhsi oo ku saabsan waxa ay tahay taageerada aad heli kartaa.

Waxa kale oo jiri doona fursado lagula xidhiidho ururo iskaa wax u qabso ah oo kala duwan kuwaas oo bixin kara taageero iyo hagitaan su saabsan dib u celinta.

Akhriso warbixin badan oo ku saabsan tallaabooyinka iyo taageerada ku saabsan dib u celinta (oo af ingiriis)

Last updated: