Go’aan
Beslut – somaliska
Hay'adda laanta socdaalka ayaa go'aan ka gaaraysa in magangelyo lagaa siiyo Iswiidhan iyadoo eegaysa wax walba oo aad u sheegtay iyo waxaad tustay, iyo waxa aanu ka ognahay xaaladda dalkaaga hooyo. Kadibna waxaa la barbar dhigayaa sida uu sharcigu ka qabo qofka magangelyo ka helaya Iswiidhan.
Markay Hay'adda laanta socdaalku ay go'aan ka gaarto codsigaaga magangalyada, adiga iyo qofka kaa mas’uulka ah waxaa loogu yeeri doonaa shir. Kulanka, qofka kiiska gacanta ku haya ayaa sharaxaya go'aanka iyo waxa ku xiga ee dhacaya. Go'aanka magangalya doonku wuxuu ku qoran yahay luqadda iswiidhishka, laakiin qofka kiiska gacanta ku haya ee ka tirsan qaybta qaabbilaada soo dhaweynta ayaa sharraxaya isagoo kaashanaya turjumaan waxa go’aanka macnahiisu yahay.
Qofka kiiska gacanta ku haya ee kuu sheega go'aanka waxaa laga yaabaa in aanu ahayn qofkii ku waraystay ee go'aanka gaaray. Had iyo jeer waa laba qof ayaa si wadajir ah go'aanka u gaara. Waa si aanu annagu u hubinno inuu noqon doono go'aan sax ah. Dadka kiisaska gacanta ku haya ee Hay'adda laanta socdaalka looma oggola inay go'aan ka gaaraan sida ay iyagu wax u rabaan, ee laakiin waa inay raacaan sharciga.
Haa ama maya
Haddii codsigaaga magangalya doonka haa la yiraahdo, waxaad heli doontaa sharci deggenaansho ah, waxaadna xaq u leedahay inaad Iswiidhan joogto.
Haddii codsigaagii magangalyada maya la yiraahdo, waxaa loo yaqaannaa in codsigaagii la diiday.