Baaritaanka magangalyo doonka

Asylut­red­ning – somaliska

Baaritaanka magangalyadu waa wada hadal aad adigu wax badan kaga sheegi doonto sababta aad magangelyo uga rabto Iswiidhan. Hay'adda laanta socdaalku waxay rabtaa inay maqasho sheekadaada ku saabsan wixii aad soo martay iyo waxa aad u malaynayso inay kugu dhici doonaan haddii ay khasab noqoto in dib laguu celiyo.

Qareenkaaga guud waa inuu ku raacaa maalinta baaritaanka/interfiyuuga magangalyada. Qofka mas’uulka kaa ah waa loo ogolyahay inuu ku soo raaco. Baaritaanka/su’aalaha waxaa mas'uul ka ah qof ka socda Hay'adda laanta socdaalka, wuxuuna warqad borotokool ah ku qori doonaa waxa aad sheegaysaan. Mararka qaarkood waxaa dhici karta in labo qof oo ka tirsan Hay'adda socdaalka ay wada sameeyaan baaritaanka, markaas waa hal qof oo su'aalaha weydiinaya, iyo kan kalena oo wax qoraya. Turjubaan ayaa turjumaya waxa aad sheegeysaan si aad isu fahantaan. Turjubaanku wuxuu fadhiyi karaa qolka ama wuxuu kaga qaybqaadan kara muuqaal ama telefoon.

Waxyaabaha ay adagtahay in laga hadlo

Baaritaanka/su’aalaha magangalyadu waxay qaataan inta u dhexeysa laba ilaa seddex saacadood waxaana lagu weydiin doonaa su'aalo ku saabsan waxyaabo laga yaabo inay adagtahay ama laga yaabo inay xun yihiin in laga hadlo. Waa muhiim in aad runta u sheegto hay'adda laanta socdaalka, xitaa haddii ay adag tahay. Haddii aad u baahan tahay inaad nasato, waad codsan kartaa.

Markay Hay'adda laanta socdaalku ay baarayso sababahaaga magangalyo doonimada, qofka kiiska gacanta ku haya ayaa isku dayeya inuu baarista/su’aalaha waafajiyo isagoo fiirinaya da'daada, qaan-gaarnimadaada iyo caafimaadkaaga. Haddii aanad fahmin su'aal, waa inaad u sheegtaa. Sidoo kale waa muhiim inaad sheegto haddii aanad fahmin turjubaanka.

Baaritaanka/su’aalaha magangalyada, waxaa lagu weydiin doonaa su'aalo ku saabsan aqoonsigaaga, qoyskaaga, wixii aad ku soo martay waddankaagii, sida aad ku timid Iswiidhan iyo waxa aad u malaynayso inay dhici doonaan haddii aad dib ugu laabato. Waxay u badan tahay inaad hore u maqashay su'aalahan, laakiin hadda waxaad fursad u haystaa inaad sheegto wax aad uga badan intii aad hore ugu sheegtay Hay'adda laanta socdaalka. Qofka arrinta gacanta ku hayaa wuxuu ku weydiin doonaa su'aalo dabagal ah oo wuxuu kaa codsan doonaa inaad faahfaahin dheeraad ah ka bixiso si aanu kuu fahamno waxa aad sheegayo. Iskuday inaad si fiican uga jawaabto su'aalaha oo dhan intii aad awooddo. Haddii su'aal isku mid ah lagu weydiiyo dhowr jeer, macnaheedu maaha inaad si khaldan uga jawaabtay, ee laakiin qofka kiiska gacanta ku haya ayaa u baahan macluumaad dheeraad ah oo runtii raba inuu fahmo sheekadaada.

Haddii aad hayso wax caddaymo ah, waa inaad u soo qaadataa maalinta baaritaanka/su’aalaha Waxay noqon karaan dukumentiyo aqoonsi ama waxyaabo kale oo muujinaya in waxa aad sheegaysaan ay run yihiin.

Baaritaanka/su’aalaha ka dib

Baadhitaanka/su’aalaha ka dib, qofka kiiska gacanta ku hayaa wuxuu qoraalkii uu qoray u dirayaa qareenkaaga guud, si aad isaga, adiga iyo qofka kaa mas’uulka ahi aad u dhexmartaan wixii la qoray. Haddii ay jiraan khaladaad, ama haddii aad u aragto inuu qofkii kiiska gacanta ku hayey ama turjubaankii ay si khalad ah kuu fahmeen, waxaa muhiim ah in qareenkaagu uu si degdeg ah u ogeysiiyo Hay'adda laanta socdaalka si loo saxo - haddii kale waxaa laga yaabaa inay kugu adkaato inaad sharaxdo waxa saxda ah wakhti danbe. Sidoo kale u sheeg qareenkaaga haddii aad soo xusuusato wax muhiim ah oo aad illowday inaad u sheegto maalintii baaritaanka/su’aalaha.

EU-logotyp

Last updated: