Inta ay noqonayso lacagta aad ka bixinayso kharashka hoyga

Så mycket ska du betala för boendet – somaliska

Haddii aad tahay magangalyo doon ama aad tahay qof ilaalin ku meelgaar ah la siiyey sida uu dhigayo dardaaranka qaxootiga badan oo ay Hay'adda laanta socdaalku ama degmadu ay guri ku siisay waa inaad bixisa kharashka hoyga haddii aad leedahay dakhli ama hanti kale. Inta ay leegtahay lacagta aad guriga ka bixinsaa waxay ku xidhan tahay inta uu leeg yahay qoyskaagu, iyo haddii cuntada guriga laydin ku keeno.

Lamaanayaasha isqabta iyo dadka wada nool waxay si wadajir ah uga masuul yihiin dhaqaalaha qoyska. Haddii hal lammaane oo keliya uu dakhli leeyahay, isaga/iyada ayaa ka bixinaya labadoodaba xaaskiisa ama lammaanahiisa. Waa muhiim inaad u sheegto qaybta qaabbilaada (mottagningsenheten) haddii dakhliga qoysku isbeddelo

Hoyga oo aanay ku jirin cuntadu wuxuu kharashkiisu noqonayaa 2 100 karoon bishii dadka waaweyn iyo 1050 karoon bishii oo carruurta ah. Waxaad u baahan tahay oo kaliya inaad bixiso laba carruur ah kharashdkooda, xitaa haddii ay qoyska ku jiraan in ka badan laba carruur ahi.

Tusaale

Labada qof ee waalidka ah ee waaweyn ee ay la nool yihiin saddex carruur ah kuwaas oo aan la siin cunto diyaar ah. Iyada oo aan loo eegin in hal ama labada waalid ay shaqeeyaan, qoysku waa inuu guriga ka bixiyaa laba qof oo waaweyn iyo laba carruur ah laca dhan:

2 100 kr + 2 100 kr + 1 050 kr + 1 050 kr = 6 300 kr

Qoysku uma baahna inay ka bixiyaan wax kharash ah ilmaha saddexaad.

Hoy ay cuntada ku jirto

Guryaha qaarkood qol cunto ayaa dadka si wadajir ah loogu siiyaa. Haddii aad ku nooshahay guri ay cuntadu ku jirto, waa inaad bixisaa kharashka cuntada bil kasta, xitaa haddii aad mararka qaarkood doorato in aanad cunin cuntada dadka la siiyo.

Haddii cuntada lagugu siiyo guriga, waa inaad bixisaa, marka laga reebo kharashka hoyga:

  • 1 410 kr bil kasta qofka weyn ee keligiis ah
  • 1 260 kr bil kasta ayaa loogu talgalay dadka isla nool iyo lammaanaha isqaba
  • 1 260 kr bil kasta ayaa loogu talaglay dhalinyarada dugsiyada ee da’doou u dhaxayso 18-20 ee la nool labadooda waalid
  • 750 kr bil kasta carruurta ay da’doodu tahay ilaa 3 sano
  • 930 kr bil kasta carruurta ay da’doodu tahay 4 ilaa 10 sano
  • 1 140 kr bil kasta carruurta ay da’doodu tahay 11 ilaa 17 sano

Kharashka cuntada waa in laga bixiyaa carruurta qoyska dhammaantood.

Ka reebi­taan

Waxaa jira xaalado aanad ku khasbanayn inaad bixiso cuntada iyo hoyga, xitaa haddii aad leedahay dakhli ama hanti kale. Waa marka dakhligaaga ama hantidaada kale ay aad u hoosayso ee lacagta adiga iyo qoyskaaga idiin soo hartaa ay noqto wax ka yar markaad bixisaan cuntada iyo hoyga lacagta loogu yeero heerka qaranka ee taageerada masruufka dhaqaale. Wadarta lacagta waxaa go'aamiya Maamulka dhexe ee arrimaha bulshada (Socialstyrelsen) iyaga ayaana cusboonaysiiya sannad kasta. U sheeg qaybtaada qaabbilaada sida dhaqaalahaagu yahay, waxayna kaa caawin doonaan inaad ogaato inaad u baahan tahay inaad bixiso lacagta guriga iyo cunta ama wax kale.

Halkan waxaad ka akhrisan kartaa sida loo xisaabiyo heerka qaran ee kaalmada masruufka la bixiyo (lacagta cayrta) (luqadda iswiidhishka oo keliya) External link, opens in new window.

Last updated: