Degidda xarumaha hey’adda laanta socdaalka dadka
Bo hos Migrationsverket – somaliska
Warbixintaan waxeey kusocotaa adiga magan galyo dalabka ah oo isla markaana degi raba xarumaha hey’adda laanta socdaalka dadka, inta lagu guda jiro waqtiga la sugaayo go’aanka laga gaarayo dalabkaada.
Hay'adda Socdaalka ayaa bixinaaya meel kumeel gaadh ah oo aad degenaato xiliga aad sugeyso go'aankaaga. Xaq uma lihid inaad ku noolaato xerooyinka degaanke ee Hay'ada Socdaalka haddii aad haysato diidmo ama in dalka lagaa saaro, ama haddii xiligii loo qabtey ku sii noolaanshahu uu dhamaadey. Taasi waxay khuseysaa dadka waaweyn ee aan la deganeyn carruur ka yaryar 18 sanno, oo ay masuul ka yihiin.
hey’adda laanta socdaalka dadka ayaa qarashaka aad ku degantahay xarunta kaa bixineysa haddii aadan heysan lacag. Laakin haddii aad heysatid dakhli kusoo galo ama maal kale adiga ayaa qarashakaada iyo cuntadaada iska bixinaya.
Waxaa lagu dejinayaa meesha uu boos ka bannaanyahay
Adiga ma dooran kartid meeesha lagu dajinaayo, waxaad dageysaa magaalada ama tuulada eey guryo la dego ka bannaanyihiin. Waxaa xataa laga yaabaa in lagaa bixiyo deegaankii markii koowaad lagu dejiyay oo laguu wareejiyo meel cusub si aad boos ugu banneeyso soo galootiga cusub.
Qolka waa lagula qeybsanayaa
Guryaha hey’adda laanta socdaalka dadka waxaa loogu tala galay dadka magan galyo dalabka oo qura. Haddii boos lagaa siiyo xarun, booskaada adiga bis iska leh. Xarumaha waxeey ka kooban yihiin guryo dad kale lala qeybsanaayo. Qoysaska hal qol ayaa la siinayaa. Haddii aad kaligaa tahay waxaad qol la qeybsaneeysaa dad kale oo kugu jinsi ah (nimanka niman ayey qolal la wadaagayaan, haweenkana haween ayeey qolal la wadaagayaan).
Haddii eey jiraan duruufo kugu kalifaya in lagu siiyo deegaan waafaqsan baahidaada waa inaad la hadashaa maamulka xaruntaada.
Haddii ay baahi gaar ahi ku hayso
Waxaad xaq u leedahay guri adiga ku haboon inaad hesho haddii aad adigu ku sugan tahay xaalad dhibaato ah. La hadal qaybta adiga ku qaabilsan sida ugu dhakhsaha bada haddii ay jiraan xaalada dhibaato ah oo dhinaca guriga ah. Waxaanu annagu isku deyeynaa
Xushmee dadka kale ee meesha deggen
Hey’adda laanta socdaalku waxay rabtaa in dhammaan dadka guryaha deggeni ay dareemaan ammaan. Sidaa daraadeed waxa guryaha laga mamnuucay waxkasta oo khamri iyo mukhaadaraad ah. Waa muhiim inay dhammaan dadka guryaha deggeni ay is xushmeeyaan oo uu midiba midka kale tuso qadarin, iyada oo aan loo eegayn diinta, nooca galmada uu qofku yahay, iyo iyada oo aan loo eegayn inuu yahay naag ama nin.
Nooc kasta oo ka mid ah khasbidu waa mamnuuc ciqaab dhinaca sharciga ahna ayuu qofkaasi mutaysanayaa sida uu dhigayo sharciga iswiidhishku. Sidoo kale arrintani way khuseysaa qoyska gudihiisa iyo dibeddiisaba. Carruurta ama qofkale oo qoyska gudihiisa ka mid ah marka la barabaarinayo lama isticmaalo khasab. Nooc kasta oo ka mid ah haddii qof wax lagu khasbo dacwad ayaa booliiska loo gudbinayaa.
Haddii aad adigu u aragto in laguu hanjabey, lagu khasbay ama si kale dhibaato laguugu geystey waxaad kala hadlikartaa shaqaalaha guryaha qaabilsan ama qaybta adiga ku qaabilsan. Waxaad kaloo arrintaa kala hadlikartaa ururada sida madaxa banaan u shaqeeya haddii ay joogaan meesha aad adigu deggen tahay. Haddii aad rabto inaad dacwad soo gudbiso waxaad wacaysaa booliiska lambarka 114 14. Haddii ay arrintu degdeg tahay (akut) waxaad wacaysaa 112.
Khadka ilaalinta dumarka wuxuu qofka dumarka ah siinayaa tallooyin iyo caawimo haddii laguu hanjabo ama jirdil lagugu sameeyo, dhinaca maxkaxda ama galmo lagugu khasbo. Soo wac 020‑50 50 50. Dhowr daqiiqo kadib turjubaan ayay kuu qabanayaan. Waxaad kaloo warbixin intaa dheer ka akhrisankartaa bogga internetka ee kvinnofridslinjen.se. Waxa ku jira macluumaadyo ku qoran luqado kala duwan.
Alaabta guriga la dhigto iyo qalabka
Guriga waxa la dhigay alaabo iyo qalab aad adigu u baahan tahay. Guriga, alaabada iyo qalabka yaala waxa iska leh Hey’adda laanta socdaalka,wixii dhaawac ee soo gaadha waxa loo sheegayaa booliiska. Haddii waxyaabaha guriga yaala ay jabaan ama aanay shaqaynayn waa muhiim inaad adigu u soo sheegto shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalka sida ugu dhakhsaha badan. Marmar shaqaalaha ayaa guriga aad deggen tahay soo booqda si ay u eegaan haddii wax jabay loo baahan yahay in la sameeyo.
Alaabada aad adigu leedahay
Qolka wax la dhigto (istoorka) ama meelaha kale ee guriga ku yaala kuma jiraan guriga aad deggen tahay. Waxa lagu siinayaa armaajo aad adigu xirankarto laakiin adiga ayaa ka ms’uula wixii hanti ah ee aad adigu si gooni ah u leedahay. Shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalku ma furinkaraan armaajadaas ilaa iyo inta aad adigu meesha deggen tahay.
Booska sida wadajirka ha loo leeyahay
Si dhammaan dadka oo dhami ay isugu raacaan oo ay meesha uga mafsuudaan waxa booska loo sameeyey sharciyo sidii uu qofku meesha sida wadajirka ah loo leeyahy loo isticmaali lahaa. Marka aad guryaha u soo guurto waxa lagu siinayaa warbixin ku saabsan sharciyada guriga aad deggeyso khuseeya.
Guryaha oo dhan waxa adiga lagaa rabaa:
- Inaad nadiisifo oo aad xaaqdo
- In aanad sigaarka guriga ku dhexcabin
- Inaad alaabada iyo qalabka guriga la dhigay ilaaliso
- Lama oggola in aad xayawaan guriga ku haysato.
Ammaanka
Ka feker
- nolosha ayuu halis ku yahay lamana oggola inaad samayso ama iskudeydo inaad adigu bedesho meesha korontada dabka laga geliyo
- shaqaalaha la soo xiriir haddii ay wax xumaadaan
- ha xanibin albaabka dambe ama meesha kale ee loogu talogalay si aanay u adkaanin in lagabaxo haddii dab kaco
- markasta lama oggola in baarabool guriga lagu xirto, weydii marwalba shaalaha waxa gurigaaga khuseeya.
Ka feker degaanka
Waxa adiga iyo Hey’adda laanta socdaalku siwadajira kaalmo uga geysanaysaa sidii loo hagaajin lahaa begaanka. Sidaa awgeed ka feker waxyaabahan soo socda:
- dhowr markaad isticmaalayso biyaha, korantada iyo kuleyliyaha guriga
- hafurin daaqada/dariishada muddo dheer marka uu bannaanku qabow yahay (koronto iyo kuleyl badan ayuu isticimaalayaa)
- kala saar qashikaaga. Waa inaad qashinka kukala soocdo meelaha qashinka loogu talogalay. Waxa adiga warbixin ku siinaya shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalka ama shirkaga guriga iska leh sida ay arrintaasi kuga shaqaynayso guri aad deggen tahay.
Marka aad adigu guriga ka guurto ama aad guriga bedesho
Shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalku waxay kaantaroolidoonaan guriga iyo alaabada hoostaala iyo weliba qalabka kale si ay u fiiriyaan inuu qalabkii loogu talogalay oo dhami yaalo isla markaana ay fiican yihiin si uu qofkale guriga ugu soo guuro.
Ka feker:
- inaad guriga nadiifiso markaad adigu guurayso
- sii qaado wixii alaabo ah ee aad adigu leedahay. Lama hubo inaad dib u heleyso alaabo aad ka tagtay markii aad guriga ka guurtay ama haddii ay Hey’adda laanta socdaalku kaa saarto sistamka. Wixii la ilaawo ama wixii alaabo ah ee laga tago waa la tuurayaa, qofkale ayaa lagu caawinayaa ama booliiska ayaa loo gudbinayaa sidii alaabo la helay oo kale
- u dhiib furaha shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalka
- haddii aad u baahato inaad bedesho guriga waxaad inta badan la raacaa tareen ama bas. Alaabada aad qaadanaysaa waxay xadidan tahay. La xiriir shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalka warbixin intaa dheer sida aad u maaraynayso alaabada aad qaadanayso marka aad u kala guurayso guryaha ay leedahay Hey’adda laanta socdaalku.
Guriga waa lagaa joojinayaa
Hey’adda laanta socdaalku waxay adiga kuu soo bandhigaysaa ama ku siinaysaa meel aad degto inta aad magangelyodoonka tahay. Waxay sidoo kale marka lagu siiyo go’aanka sharciga deggenaanshaha lagaa joojinayaa gurigii aad deggenayd.
Haddii laguu oggolaado inaa wadanka joogtid
Adiga oo ku noolaa guryaha Hey’adda socdaalka waxaa caawinad ka helikarta Hey’adda socdaalka sidaa u heli laheed guri cusub aad ku noolatid marka lagu siiyo ruqsada degnaanshada. Adiga waa kusii noolankarta guriga Hey’adda socdaalka ilaa ey Hey’adda socdaalka kaaga soo heleyso guri cusub. Haddii aad tirahdid maya ma dooni guriga ey kugu soo martiqaaden adiga wixii wakhtigas ka dambeeyo xaq uma lahid inaa kusii noolatid guryaha Hey’adda socdaalka.
Inta ka akhriso waxa dhici haddii laguu oggolaado ruqsada degnaanshada oo ku meelgaarka