Adigu ma dooran kartid dalka wax ka qabanaya codsigaaga magangelyada (Heshiiska Dublin)

Du kan inte välja vilket land som prövar din asylansökan (Dublinförordningen) – somaliska

Sida ku qoran Heshiiska Dublin qofka carar ku yimaada Yurub waa in uu magangelyo weyddiistaa dalka ugu horreeya oo uu soo galo.

Markaad magangelyo weyddiisato Iswiidhen, waxay Hay’adda Socdaalku bilaabeysaa baaritaan ay ku ogaaneyso haddii codsigaaga wax looga qabanayo Iswiidhen ama dal kale oo ka tirsan Midowga Yurub. Haddii intii aad Iswiidhen ku soo wajahneyd aad dal kale oo Midowga Yurub ka tirsan horay uga heshay fiiso ama sharciga degganaanshaha ama aad magangelyo ka codsatay, kolkaas waxaa dhici karta in ay khasab kugu noqoto in aad dalkaas dib ugu noqoto. Sidaasna waxaa dhigaya Heshiiska Dublin.

Heshiiska Dublin waxaa isbeddel lagu sameeyey 1dii jannaayo ee 2014. Hoos waxaad ka akhrisan kartaa warbixino ku saabsan sharciyada cusub oo codsigaaga wax looga qabanaayo haddii aad tahay qof Iswiidhen ka codsaday magangelyo intii ka dambeysey 1dii jannaayo ee 2014. Waxaa jira afar buug oo yaryar oo ka warbixinaya qaybo kala duwan oo ka mid ah Heshiiska Dublin.

Heshiiska Dublin laga soo bilaabo 1 jannaayo 2014

Warbixin loogu talagalay qofka magangelyo codsaday wixii ka dambeeyey 1dii jannaayo 2014.

"Faraha la iska qaado iyo Eurodac"PDF

“Waxaan magangalyo waydiistay eu – wadankee maarayn doona sheegashadayda?”PDF   

"Waxaan ku jiraa nidmaaka dublin – maxaa loola jeedaa?”PDF

"Caruurta codsanaysa magangalyo caalami ah"PDF

Last updated: 2017-11-09

Was the information on this page helpful to you?

Thank you for helping us improve our website!

Thank you for helping us improve our website!

Tell us how we can make this page better*






If you wish to ask the Migration Agency a question you can find our contact details under the heading Contact us.