Warbixin naga sii qofka aad tahay

Berätta vem du är – somaliska

Si ay Hay’adda laanta socdaalku adiga qiimeyn sax ah kuugu samayso inaad codsankartid magangelyo waxaad u baahan tahay inaad tustid qofka aad tahay iyo meesha aad ka timid. Adiga waxa lagaa rabaa inaad baaritaan ku soo samaysid aqoonsigaaga oo aad keentid warqado caddaynaya shaqsiga aad tahay oo aad soo gudbisid warbixino lagu kalsoonaan karo oo la rumeysan karo.

Sida ugu wanaagsan ee aad nagu tusi kartid qofka aad tahay iyo meesha aad ka timi waa inaad noo gudbisid baasaaboor ama kaar aqoonsi oo wadankiigii lagu soo sameeyey. Baasaaboorkaaga ama kaarkaaga aqoonsiga waa inuu ahaado mid xafiis dowladeed oo wadankiigii hooyo lagu soo sameeyey waana inuu sawirkaagu ku dhaganyahay. Warqada caddeynta shaqsiga waa in laga heli karo magacaaga, jinsiyaddaada iyo wakhtiga aad dhalatay. Waa inaad noo soo gudbisid warqado caddeynaya aqoosigaaga marka aad soo codsanaysid magangelyodoonimada.

Haddii aadan adigu haysan baasaa­boor ama kaarka aqoon­siga

Haddii aadan adigu keenin baasaaboor ama kaar aqoonsi markaa aad codsaneysid magangelynimada waxaanu markaa anagu kuu diridoonaa adiga howl ku saabsan inaad noo keento warqadaha caddeymaha shaqsiga. Marka hawsha laguu dirayo waxaanu kuu qoridoonaa waraaqaha aanu annagu rabno inaad noo keento iyo wakhtiga aad waraaqahaas ku keenayso.

Haddii aad adigu haysatid warqado kale oo caddaynaya aqoonsigaaga, tusaale ahaan liisanka baabuurta lagu wado, warqada dhalashada, warqada caddeynta jinsiyada ama kaarka ciidanka, waa inaad markaa annaga noo keento. Warqadaha noocan oo kale ahi xabad-xabad adiga kuuma caddaynkaraan, laakiin dhowr waraaqood oo laysu geeyey iyo warbixintii aad sheegtay marka laysku daro oo aad wadankaagana ku darto, kuwaas ayaa suurtogelinaya oo kaa caawinaya aqoonsigaaga.

Haddii aad adigu ka qeyb-qaadatid marka baaritaanka lagu samaynayo aqoonsigaaga markaa waxaad haysataa fursad ah inaad shaqaynkartid inta lagu gudajiro ee la eegayo magangelyodoonimadaada. Waxa adiga markaa lagaa dhaafayaa inaan lagugu xirin inaad haysato ruqsad shaqo (AT-UND).

Shaqeeyn wakhtiga aad tahay magangelyodoon

Adiga ayaa mas’uul ka ah inaad keentid warqadaha caddeynaha aqoosigaaga shakhsinimo. Haddii ay kugu adagtahay inaad soo heshid warqadaha caddeynaya aqoonsigaaaga waxaad markaa ku khusbantahay inaad Hay’adda laanta socdaalka tusto inaad adigu isku dayday arrintaas. Haddii aadan markaa adigu tusin inaad isku dayday si aad u hesho waraaqihii adiga ku caddaynayey markaa waxay Hay’adda laanta socdaalku yaraynaysaa lacagtii maalin laha ahayd ee lagu siinlahaa.

Halkan ka akhriso warbixin khusaysa lacagta maalin laha ah ee la bixiyo iyo kaalmada dhaqaalaha

Haddii aanad adigu soo baari­karin aqoo­si­gaaga

Waa suurtagal in magangelyo Iswiidhan aad ka hesho haddii xitaa aadan soo baarikarin aqoosigaaga. Waxa kugu filnaankara in adiga lagaa helo warbixin lagu kalsoonaankaro oo la rumeysankaro taas oo ku saabsan qofka aad adigu tahay iyo meesha aad ka timid.

Laakiin haddii adigu aadan haysan baasaaboor ama kaar aqoonsi oo wadankaadi hooyo laga soo sameeyey waxaad sugi doontaa wakhti dheer intaadan qaadanin dhalashada iswiidhishka maadaama ay shuruudu ka adag tahay inuu qofku caddeeyo aqoonsigiisa marka uu dalbanayo dhalashada iswiidhishka.

Halkan ka akhriso warbixin khusaysa aqoosiga qofka markii la codsanayo dhalashada iswiidhishka (oo af ingiriis)

Waa arrin sharciga khilaafsan in la soo gudbiyo warbixin aan xaqiiq ahayn oo khusaysa aqoonsigaaga. Haddii ay soo baxdo in aad adigu keentay dukumentiyo caddaynaya aqoosigaaga kuwaas oo aan sax ahayn ama ay noqdaan qaar been ah markaa Hay’adda laanta socdaalku dib ayay kaagala noqonaysaa sharcigaagii deggenaanshaha ahaa waxaanay go’aaminaysaa in wadanka Iswiidhan lagaa saaro oo lagaa tarxiilo.

Last updated: