Magangelyo – laga bilaabo codsiga illaa go’aanka laa gaarayo

Asyl – från ansökan till beslut – somaliska

1

Dalbashada

  • Waxaad buuxineysaa foom eey ku dhigan yihiin tusaale ahaan magacaada, dhalashadaada, qoyskaada.
  • Waxaad dhiibaneysaa baasaboorkaada ama dokumentiyo kale oo tusinaya qofka aad tahay.
  • Heyádda laanta socdaalka sawir ayey kaa qaadeysaa farahana weey kaa qaadeysaa. Faraha waxaa loo isticmaalaa si loo fiiriyo haddii aad wadan kale oo yurub ka mid ah aad ka dalbatay magangalyo, ama haddii aad ogolaansho ama diidmo ka heysatid wadan kale oo yurub ku yaal.
  • Adigoo caawimaad ka helaya turjumaanka ayaad ka warameysaa qofka aad tahay, sababta aad wadankaada uga soo safarteen iyo sida aad ku timid Iswiidhan.
  • Haddii aadan heysan lacag waxaad dalbaneysaa kaalmo dhaqaale. Waxaa lagu siinayaa kaar bangi iyo warbixin ku saabsan kaalmada maalinlaha iyo kaalmo gaar ah.
  • Waxaa lagu siinayaa warbixin ku saabsan boroseeska magangalyo dalbashada, waxa soo socdo oo aad sameyneeysid iyo waxa eey tahay inaad sameysid. Waxaad kaloo heleysaa warbixin ku saabsan su’aalaha baraktikalka ah, sida xaqa aad u leedahay meel aad degtid, daryeelid caafimaad iyo iskool eey carruurta dhigtaan.

2

U diyaargaroobid baaritaan

  • Marka aad codsigaada xareysid waxaa codsigaa dulmarid ku sameynaya shaqaale gacanhaye ah oo eegaya in dokumentiyadii lagaa rabay eey dhanyihiin, waxuu kaloo eegayaa waxa aad kasoo hadashay iyo faraha lagaa qaaday waxa lagu arkay. 
  • Iyadoo la fiirinayo warbixinta aad dhiibtay ayaa waxuu gacanhayaha go’aaminayaa inta uu la ekaanayo baaritaanka lagu sameynayo codsigaada. Codsiyada weey kala duwanyihiin sidaas darteedna waqtiyadooda baaritaan weey kala duwan yihiin.
  • Gacanhayaha waxuu sii diyaarinayaa codsigaada si loo sii baaro. Waxeey noqon kartaa in warbixin laga keeno xafiisyo kale.
  • Haddii uu gacanhayaha u arko inaad u baahan tahay kaaliye sharci, waa laguu qabanayaa.
  • Haddii aad u baahan tahay inaad dhameystir ku sameysid codsigaada gacanhayaha ayaa kula soo xiriirayo. Waxeey tusaale ahan noqon kartaa in loo baahdo dokumentiyadaada aqoonsi haddii aadan la xareyn codsigaada.

3

Sugida baaritaanka

  • Hey’adda laanta socdaalka waxaa loogu jiraa safaf dhaadheer oo xaga sugidda ah waxaana laga yaabaa inaad waqti dheer sugtid in laguugu yeero baaritaan magangelyo. Waqtiga sugidda wuu u kala duwan yahay qof walba.

4

Ugu yeerid baaritaan magangelyo

  • Marka nasiibkaada lasoo gaaro waxaa boostada kuugu soo dhaceyso warqad laguugu yeerayo. Warqada yeeridda waxaa ku qoran waqtiga eey tahay iyo meesha aad kula kulmeeysid gacanhayaha. Waa muhiim inaad wargelisaa Hey’adda laanta socdaalka haddii aad guurtid si aan u heysanno adareeskaada marka aan warqada yeerida kuu so direyno.

5

Baaritaan magangelyo

  • Baaruhu waxuu wax ka billaabayaa in ka warramo waxa uu wadahadalku ku saabsanyahay iyo xuquuqda aad leedahay iyo waajibaadka ku saaran. Tusaale ahaan waxaa waajib kugu ah inaad run ka sheegtid waxa aad dhaheysid iyo inaadan wax qarinin. Baaraha iyo turujumaanka waxaa saaran waajibka sir xajinta.
  • Haddii aad u baahantahay kaaliye sharci wuu ka qeyb qaadan karaa kulanka baaritaanka.
  • Adigoo caawimaad ka helaya turjumaanka ayaad ka warameysaa qofka aad tahay, meesha aad ka timid, sababta aad u dalbaneysid magangelyo iyo waxa aad u maleyneysid ineey kugu dhacayaan haddii eey qasab noqoto in wadankaaga laguugu celiyo. Waxaa lagu weydiinayaa su’aalo ku saabsan qoyskaada, caafimaadkaada iyo xirfadaada.
  • Adiga ayaa ka mas’uul ah inaad ka warbixisid sababaha aad u dalbaneysid magangelyada oo dhan iyo inaad hey’adda laanta socdaalka ula timaadid caddeymo aad dooneysid in eey fiiriyaan, waa haddii eey jiraan.
  • Baaruhu waxuu waxa la sheegayo ku qorayaa borotokool. Haddii aad sharci yaqaan heysatid waxuu ansixinayaa protokolka, kadibna waxaa lala xafidayaa dokumentiyada kale ee aad xareeysay.
  • Baaritaanka gabagabadiisa waxaad fursad u heleysaa inaad Hey’adda laanta socdaalka weeydiiso su’aalo boroseeska magangelyo dalbashada ama waxyaabo kale oo khuseeya xiriika aad la leedahay Hey’adda laanta socdaalka.

Baaritaan carruur

Carruur kasta waxuu xaq u leeyahay inuu hadlo iyo in la dhageysto. Carruurta magangelyada la dalbaneyso waalidiintooda waxeey xaq u leeyihin ineey la kulmaan baaraha Hey’adda laanta socdaalka. Si gaar ah ayaa loogu kuur galiyaa carruurta sababta eey magangelo u dalbanayaan – carruurta waxaa laga yaabaa inuu leeyahay sababo magangelyo oo ka duwan kuwa waalidiintooda. Marka la baarayo codsiga magangalyo ee carruurta waxeey Hey’adda laanta socdaalka inta karaankeeda ah u sameyneysaa baaritaanka qaab eey da’da carruurta iyo caafimaadkooda la jaanqaadi karto. Ilmuhu waxuu xaq u leeyahay inuu weyn weheliyo marka uu baaritaanka socdo. Waxuu noqon karaa waalid, qof haya mas’uuliyadda sharci ee ilmaha ama kaaliye sharci. Carruurta kaligood imaadka ah waxeey aalaaba xaq u leeyihiin ineey soo wataan qofka wakiilka ka ah marka baaritaanka la sameynayo.

6

Go’aan

  • Go’aanka waxuu ku saleysan yahay warbixinta aad dhiibtid iyo dukumentiyada aad u xareeysay si eey u xoojiyaan run ka sheegida qofka aad tahay iyo sababta aad u dalbaneysid magangelyada, iyo warbixinta eey hey’adda laanta socdaalka ka heysato xaalada wadankaada.
  • Go’aanka marka la gaaro kadib waxaa kulan kuugu yeereyso Hey’adda laanta socdaalka, gacanhaye ayaa kuu sheegaya haddii aad ogolaansho ama diidmo heshid, haddii codsigaada boos ku habboon la gelin karo iyo waxa intaas kadib dhici doono.
  • Go’aanka waxuu ku qoranyahay luqada iswiidhishka, laakiin waxaa lagu siinayaa warbixin afka ah marka aad la kulmeysid Hey’adda laanta socdaalka taas oo ku saabsan go’aanka iyadoo la kaashanayo turjumaan. Waxaad ogaaneysaa go’aanka eey Hey’adda laana socdaalka gaartay iyo sababta go’aankaas loo gaaray.

Last updated: