Sharciyada Magangalya doonka

Asylregler – somaliska

Haddii aad ka raadineysid ilaalin Sweden, waa in aad u gudbisaa codsigaaga magangalyada mid uun booliska xadka marka aad soo gashid Sweden, ama mid ka mid ah qeybaha codsiga Wakaalada Socdaalka.

Wakaalada Socdaalka Sweden ma ansixin karto codsiga magangelyada laga gudbiyay safaarada Swedish. Haddii aysan kuu suurtogaleynin in aad timaadid Sweden si aad u codsatid ilaalin, waxaad u tegikartaa UNHCR.

Sharciga Dublin ayaa go'aansada Dowladda Xubinta ka ah EU ee codsiga lagu baarayo.

Akhri wax badan oo ku saabsan Sharciga Dublin

Magan­galyo doonada

Magangalyo doonka waa qofka yimaada Sweden oocodsada ilaalin (magangalyo) ah halkan, laakiin codsigiisa aan weli la tixgelin.

Saba­baha loo siinayo magan­galya doonada ruqsado

Sweden waxay saxiixday Heshiiska UN ee La xiriira Heerka Qaxootiga. Tani micnaheeda waa, kuwa ka mid ah waxyaabaha kale, ee Sweden ay u baari doonto codsi kasta oo magangalya doon ah si gaar ah.

Baaritaanka shaqsiga waxaa ku jira aqoonsiga jinsigaga codsadaha iyo dookha galmada (taas oo, haddii codsadaha uu yahay laga roone, nimoo-naag ama qof sinjigiisa beddelay) oo la tixgelinayo.

Sweden waxay siineysaa ruqsada daganaashaha qofka ah qaxooti sida waafaqsan Heshiiska UN, iyo sidoo kale qofka u baahan “Ilaalinta qofka Halis ku mu ddan kara haddii wadankiisa lagu celiyo" ee la xiriirto sharciyada isku jirka ah ee EU.

Qaxoo­tiga

Sida waafaqsan Heshiiska UN ee La xiriiro Heerka Qaxootiyada, sharciga Swedish iyo sharciyada EU, qofka waxaa looga fekeraa qaxootiga marka ay haystaan sababo si wanaagsan macquul u ah oo uga baqdo dulmiga sabab la xiriirta:

  • qowmiyada;
  • dhalashada;
  • aaminaada diinta ama siyaasada;
  • sinjiga;
  • dookha galmada; ama
  • raacsan koox bulsho gaar ahah.

Dilka laga yaabo in asalkoodu ka yimid masuuliyiinka wadanka qofka u dhashay. Waxay sidoo kale noqon kartaa in masuuliyiintu aysan u suurtogaleynin ama aysan rabin in ay siiyaan illaalo ka soo horjeedo dulmiga shaqsiyaadka ama kooxyada.

Qofka lagu qiimeeyey inuu yahay qof qaxooti ah waa qof loo aqoonsan yahay heer caalami kaas oo lagu saleeyey heshiiska caalamaiga ah ee  Qaramada midoobay iyo kan sharciyada Ururka midowga Yurub.

Qofka la siiyey sharciga qaxootinimada wuxuu caadiyan helayaa sharciga deggenaanshaha wadanka muddo sadex sannadood ah.

Qofka u baahan Ilaalinta qofka Halis ku muddan kara haddii wadan­kiisa lagu celiyo

Qofka loo arkay in uu u baahanyahay Ilaalinta qofka Halis ku muddan kara haddii wadankiisa lagu celiyo waa midka ee:

  • ku jira halista in dhimasho lagu xukumo;
  • ku jira halista in lagu sababay ciqaabta jirka, jir dilka ama ula dhaqanka kale ee aan bini aadamnimada aheyn ama bahdilka ama ciqaabta; ama
  • sidii rayid, halis dhab ah ugu jiro dhaawac sabab la xiriirta khilaafka hubeysan.

Qofka lagu qiimeeyey inuu wadankiisii ka jiro khilaafyo, dagaalo iska horimaadyo ah, jirdil iyo dhimasho haddii uu wadankii ku laabto la dilayo waa qof u baahan in sharciga lagu siiyo gabaad ama ilaalin waxana lagu salaynayaa sharicyada Ururka midowga Yurub.

Qofka sharciaga lagu siiyey ilaalinta magangalyada kale (alternativ skyddsstatusförklaring) wuxuu caadi ahaan heleyaa sharci oggolaansho oo 13 bilood ah.

Markii laga reebo xaqu­uqda illaa­lada

Haddii inta baaritaankaaga lagu gudajiro ay soo baxaan inaad gashay dembiyo dagaal dhan ka ah, aad dembi ka gashay bini’aadan-nimada, dembiyo kale oo culcus, ama aad wadanka nabadgelyadiisa khatar ku tahay, markaa laguma siinayo inaad wadanka Iswiidhan qaxooti ku noqoto. Si kastaba ha ahaatee waxa lagu siinayaa sharci ku meelgaar ah haddii aanad wadankaagii ku noqonkarin sababtuna ay tahay iyadoo dil dhimasho ah laguu geysanayo ama kadeed iyo dhibaato ay kugu imanayaan.

Ruqsada daga­naans­haha xaala­daha kale quseeyo

Xaalado dhif ah baa qof la siinkara ruqsada degnaanshada markey noqoto dadka aan baahida u qabin difaacid ama aanan fulineyn shuruudaha lagu helo ruqsada degnaanshada. Waxa markaa loo baahan yahay xaalado xannuun badan. Hey’adda socdaalka marka ey go’aanka gaari waxey fiirin xaalada guud oo dhan markey ey noqoto qofka caafimadkiisa, la qabsashada Iswiidhan iyo qofkas xaalada wadankiisa hooyo sida ey tahay.

Wadanka asalka oo nabad­galyo leh

Hay’ada Socdaalka waxey liis ku qortay wadamo loo arko iney nabadgalyo ka jirto. Markii wadan loo qiimeyn inuu yahay wadan nabadgalyo ka jirto waa inuu dhowr shuruudo buuxiyo.

Hay’ada Socdaalka waxey qiimeysay in wadamadan ey nabad yahiin (oo af ingiriis)

Carru­urta raadi­neysa magan­galyo

Sida waafaqsan sharciga Swedish, Hay'ada Socdaalka waa in ay si gaar u tixgelisaa danaha ugu wanaagsan canuga. Carruurta oo dhan ee awooda ama rabo in ay hadalkooda dhahaan waxay xaquuqa u leeyihiin in ay sidaas sameeyaan oo la dhageysto. Sababaha canuga ku raadinayo magangalyada waa loo baarayaa si gaar ah, sida laga yaabo in ay lahaadaan sababo kale oo ay ku raadiyaan magangalyada oo ka duwan waaladiinta. Goortii sababaha loo raadinayo magangalyada la baaro, sarkaalka dacwada waa in uu ku jaangooyaa baaritaanka sida suurtogal ahana ugu badan da'da canuga, caafimaadka, iyo qaangaarka. Canuga wuxuu xaq u leeyahay in uu weheliyo qof weyn inta lagu jiro baaritaanka. Waxay noqon kartaa waalidka ama masuulka kale ee sharciga, masuulka, iyo/ama la taliyaha bulshadda.

Akhri wax badan oo ku saabsan sharciyada khuseeyacarruurta magangalyada raadineyso

Waxbadan ka akhri

  1. Heshiiska Qaxootiga UN (oo af ingiriis) External link, opens in new window.
  2. UNHCR (Hay'ada Qaxootiga UN) (oo af ingiriis) External link, opens in new window.
  3. Tilmaamaha U qalmida Magangalyada EU (oo af ingiriis) External link, opens in new window.
  4. Xeerka Soo galeetiga (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.
  5. Qaynuunka Soo geleetiga (oo af iswiidhish) External link, opens in new window.
  6. Sharciga Dublin (oo af ingiriis) External link, opens in new window.

Last updated: