Haddii aad leedahay ama aad ka filaneysid canug qof ku nool Sweden

Om du har eller väntar barn med någon i Sverige – somaliska

Haddii aad leedahay canug ee ah muwaadin Swedish ah ama leh ruqsada loogu noolaado Sweden, waxaad xaalada qaar heli kartaa oggolaanshaha daganaanshaha sababtoo ah xiriirkaaga canuga, adiga oo aan ka tagin Sweden.

Sida caadiga ah qofka raba in uu kula noolaado xubin qoyska ah Sweden waa in uu ka codsadaa oggolaanshaha daganaanshaha safaarad Swedish ama qunsulka guud ee wadankiisa ama wadankeeda asalka ah, ama wadan kale halka iyada ama isaga uu ku haysto oggolaanshaha daganaanshaha. Oggolaanshaha danagaanshaha waa in la sameeyaa ka hor intaanu qofka u safrin Sweden.

Akhri waxbadan oo ku saabsan waxa looga baahanyahay si markaas loo helo oggolaanshaha (oo af ingiriis)

Codsashada ruqsada daga­naans­haha adiga oo aan ka tagin Sweden

Haddii aad codsatay magangalyo oo aad haysatid ama aad u filaneysid canug ee qof ku nool Sweden, waxaad xaaladaha qaar heli kartaa oggolanshaha daganaanshaha adiga oo aan ka tagin Sweden. Tani waxay quseysaa haddii aad qabtid canug haysto oggolaanshaha daganaanshaha ee ku nool Sweden ama ah muwaadin Swedish, ama haddii aad filaneysid canug la jira qof ah muwaadin Swedish ama ku leh oggolaanshaha daganaanshaha joogtada ah.

Haddii aad u baahantahay in aad joogtid Sweden si markaas aan lagaaga gooni yeelin canugaaga, waa in aad u sheegtaa Wakaalada Socdaalka xaalada qoyskaaga. Warqad u qor ee aad ku sharaxeysid xaalada canugaaga, ama canugaaga aanan weli dhalan. Sharax sababta aanan lagaaga gooni yeeli karin canugaaga si markaas aad ugu safartid wadankaaga asalka si aad u codsatid oggolaanshaha deganaanshaha ee halkaas, oo ku dar shahaadooyinka qaraabonimaada ama uurka. Sidoo kale buuxi oo ku dar foomka Codsiga ruqsada daganaanshaha ee aad ku dagtid Sweden, lambarka foomka 161011.

Application for a residence permit to settle in Sweden, lambarka foomka 161011 (oo af ingiriis) Pdf, 779.4 kB, opens in new window.

Waxaad u sharaxi kartaa xaalada qoyskaaga Wakaalada Socdaalka xili walba marka aad joogtid Sweden, ee aan laga eegin haddii canugaaga dhashay iyadda oo aan laga eegin haddii aad ku xareysay Wakaalada Socdaalka ama maxkamadda socdaalka.

Akhri waxbadan oo ku saabsan waxa la sameeyo haddii aad heshay go'aanka diidmada soo gelitaanka ama mastaafurinta ee aan markale laga racfaan qaadan karin, laakiin aad rabtid in aad joogtid Sweden sababtoo ah xiriirka canugaaga

Last updated: