Intaa adiga suganeysid

Medan du väntar – somaliska

Meeshaan waxaa ka heleysaa warbixin quseyso adiga oo Iswiidhan magangelyo ka codsaday, laakiin wali jawaab ka helin codsigaadi.

Adiga waxaa ka akhrisankartaa waxa dhacaayo markaa soo gudbisid codsi magangelyo, iyo xaqaada intaa magangelyodoonka tahay markey noqoto shaqo, dugsi, guri, daryeel isbitaal iyo kaalmeen dhaqaalo.

Sugi­taanka baari­taanka magang­el­yo­doonka

Waxay qaadankartaa wakhti dheer inta aan adiga laguugu yeerin interfiyuuga magangelyodoonka. Waxaad ka waramidoontaa sababta aad wadanka Iswiidhan magangelyada u weydiisanayso, wixii kugu soo dhacay adiga iyo waxa kugu dhicidoona haddii ay khasab kugu noqoto in wadankaagii aad u noqoto. Wakhtiga sugutaanku wuu kala duwan yahay iyadoo aanu qofna qofka kale la mid ahayn.

Waxa adiga laguugu yeerikaraa shirar badan intaan go’aan lagu siinin. Kaalay wakhtiyada ballamaha ee ay Hay’adda laanta socdaalku kuu qabatay. Wakhti cusub in laguu qabtaa way adag tahay sidaas daraadeed wakhti dheer ayay qaadanaysaa in marka go’aanka laguu sheegayo wakhti kale dib markale laguugu qabto.

Soo sheeg cinwaan­kaaga

Haddii aad guurto waxa khasab kugu ah inaad Hay’adda laanta socdaalka u soo sheegto cinwaankaaga cusub si aanu kuula soo xiriirno marka la soo gaaro wakhtigii interfiyuuga laguugu yeerayey ama shirarka kaleba. Ka warhay oo akhriso boostadaada si joogto ah si aanad uga baaqan warbixinaha kaaga imanaya Hay’adda laanta socdaalka.

Ururada oo adiga magang­el­yo­doonka ah ku caawin­karo

Amnesty International External link, opens in new window.

Caritas Sverige External link, opens in new window.

Flyktinggruppernas och asylkommittéernas riksråd External link, opens in new window.

Asylrättscentrum External link, opens in new window.

Rädda barnen External link, opens in new window.

Röda korset External link, opens in new window.

Svenska Röda Korsets behandlingscenter för krigsskadade och torterade External link, opens in new window.

Sociala missionen External link, opens in new window.

Svenska kyrkan External link, opens in new window.

RFSL-Newcomers External link, opens in new window.

Warbixinta ku saabsan bulshada Swedish oo dhoor luuqadood oo kala duwan waxaa laga heli karaa Information om Sverige External link, opens in new window.

Last updated: