Haddii adiga diidmo lagaa siiyo codsigaaga ku saabsan magangelyodoonimada

Om du får avslag på din ansökan – somaliska

Haddii diidmo lagaa siiyo codsiga macnaheedu waxa weeye Hey’adda laanta socdaalku waxay u aragto in aanad adigu haysan sabab kugu filan si aad u joogto wadanka Iswiidhan. Haddii diidno lagu siiyo waxaad kala doorankartaa laba wax: inaad go’aanka aqbasho kadibna aad dib wadakaagii ugu laabato, ama inaad rafcaan qaadato. Haddii aad doorato inaad rafcaan qaadato maxkamad ayaa kiiskaaga go’aankiisa eegeysa. Xitaa haddii aad doorato inaad rafcaan qaadato waxaad sii qorshaysaa inaad dib u laabanayso.

Haddii aad aqbasho go’aanka dib u celinta ama masaafuriska waxaad saxiixaysaa wax la
yiraahdo ku qancid go’aan (nöjdförklaring). Haddii aad saxiixdo inaad ku qanacsan tahay go’aanka markaa rafcaan kama qaadankartid go’aanka la gaaray kadibna waxaad qorshaysanaysaa inaad wadankaagii dib ugu laabato. Xitaa haddii aanad saxiixin inaad go'’anka ku qanacsan tahay waxa muhiim ah inaad la shaqayso Hey’adda laanta socdaalka si wadankaagii dib laguugu celiyo. Go’aanka diidmadu waxay caadiyan shaqeeyaa afar sannadood.

Ka akhriso warbixin dheeraad ah haddii aad tahay qof dib looga celinayo wadanka Iswiidhan

Caawimo ku saabsan dib u laabashada

Waxa jirta kaalmo dhaqaale oo adiga lagu siinayo iyada oo ay ku xiran tahay wadanka aad ka timid ama tallaabooyinkalae oo la qaadayo si marka ugu horeysa ee aad wadankaagii ku taabato ay kuugu fududaato.

Ka akhriso warbixin dheeraada qofka la siinayo kaalmada dhaqaale marka uu dib u laabanayo

Haddii aanad adigu raacin go’aanka

Haddii aanad adigu wadanka Iswiidhan dib uga laaban wakhtiga ku qoran go’aanka markaa xaq uma lihid in lagu siiyo guri meel aad seexato iyo dhaqaalaha kaaga yimaada Hey’adda laanta socdaalka waxaana lagaa mamnuucikaraa inaad dib markale u soo laabato.

Waxay sidoo kale Hey’adda laanta socdaalku gaarikartaa go’aan ah in indhaha lagu hayo ama lagugu xiro meel ilaa iyo inta wadanka lagaa saarayo. Waxay kaloo Hey’adda laanta socdaalku arrintaada dib u celinta u gudbikartaa oo ay mas’uuliyadaa ku wareejinkartaa booliska

Ka akhriso warbixin dheeraada oo ku saabsan indha ku haynta iyo meel ku xirida

rafcaan

Haddii aanad adigu aqbalin go’aanka Hey’adda laanta socdaalka waxaad markaa xaq u leedahay inaad rafcaan ka qaadato. Marka aad rafcaan ka qaadanayso waxaad adigu maxkamada ka weydiisanaysaa inay eegto go’aankii Hey’adda laanta socdaalka. Warqadda rafcaanku waa inay timaado wakhtig cayiman. Wakhtigu wuxuu ku qoran yahay go’aanka laguu soo diray.

Ka akhriso warbixin dheeraada oo ku saabsan sida aad samaynayso marka aad rafcaan qaadanayso iyo wakhtiga aad haysato

Diid­mada kadib haddii ay wax cusubi yimaa­daan

Haddii ay wax cusubi dhacaan taas oo keenaysa in aanad adigu dib u laabankarayn waxaad markaa u sheegaysaa qaybta adigu ku qaabilsan. Hey’adda laanta socdaalka ayaa markaa baaraysa inay jiraan caqabado ka horimanaya in la fuliyo masaafuriska. Waa tahay warbixin cusub oo kadambaysay kadib markii go’aanka lagu siiyey.

Ka akhriso warbixin dheeraada oo ku saabsan diidmada kadib haddii ay wax cusubi yimaadaan

Last updated: