Kaarka LMA oo quseeyo magangelyodoonka

LMA-kort för asylsökande – somaliska

LMA macnaheedu waa sharciga qaabbilaada magangalyo doonka. Kaarka LMA-gu waa kaar caag ah oo uu ku dhejisan yahay sawir aad adigu leedahay kaas oo muujinaya inaad magangalyo doon tahay.

Marka aad adigu magangalyo ka codsato Iswiidhan waa lagu sawiri doonaa. Muddo kadib waxa lagu siin doonaa kaar la yiraahdo LMA. Kaarku ma aha kaar aqoonsi ah (ID), ee waa caddayn ah inaad tahay magangalyo doon oo aad joogi karto Iswiidhan inta aad go'aan sugayso. Kaarka adiga ayaa shakhsi ahaan iska leh waxaana lagu beddelayaa rasiidhkii lagu siiyey markii aad gudbisay codsigagii magangalyada. Kaarka LMA-ga waxa kale oo ku yaala macluumaad ku saabsan haddii aad xaq u leedahay inaad shaqayn karto wakhtiga aad magangalyo doonka tahay, waxa la yiraahdo AT-UND.

Bild av LMA-kortZoom image

Kaarka LMA-ga. Guji sawirka si aad u weyneyso.

Qaado kaar­kaaga LMA-ga had iyo jeer

Sawirka kaarkaaga LMA-ga hoostiisa waxa ku yaala lambarka kiiskaaga ee aad ku leedahay Hey'adda laanta socdaalka, waxa fiican in aad lambarkaa haysato markaad la hadlayso shaqaalaha Hey'adda laanta socdaalka. Iyada oo la kaashanayo lambarkan, way fududaynaysaa in si dhakhso ah loo soo saaro dukumentiyadaada.

Tus kaarkaga LMA-ga marka aad la xiriirayso hey’addaha ama aad u baahan tahay inaad tusto qof shaqo bixiye ah inaad xaq u leedahay inaad shaqayn karto. Haddii aad shaqo hesho oo aad rabto inaad furato akoon bangi, waa inaad kaarkaaga LMA-ga tustaa bangiga.

Xaaladaha qaarkood, waxaad isticmaali kaarka LMA-ga si laguugu aqoonsado marka aad baakeed wadamada dibada kaaga yimid aad boostada ka soo qaadanayso ama ay warqad Hey'adda laanta socdaalku boosta kuu soo dhigtay.

Waxaad bixinaysaa kharash yar inta badan daawooyinka aad ku soo gadatay warqad uu takhtar kuu soo qoray haddii aad kaarka LMA-ga tusto farmashiiyaha. Waxa kale oo aad bixinaysaa kharash yar xaaladaha qaarkood haddii aad tusto kaarka LMA-ga marka aad booqato daryeelka caafimaadka/dhakhaatiirta.

Akhriso warbixin quseyso daryeelka isbitaalka oo dadka magangelyodoonka

Wakhtiga kaarka LMA-gu ansaxa yahay

Uma baahnid inaad bedesho kaarka LMA-ga muddada aad tahay magangalyo doonka, laakiin waxaad u baahan tahay inaad si joogto ah u booqato Hey'adda laanta socdaalka si aad u kordhiso muddada uu shaqaynayo kaarku.

Kaarka LMA-ga waxaa loo cusboonaysiinayaa qaab dhijitaal ah, waxaana lagu kordhin karaa muddada uu shaqaynayo saddex bilood mar kasta oo aad booqato Hey'adda laanta socdaalka, iyada oo aan loo eegin sababta booqashada. Fadlan waydii qofka arrintaada gacanta ku haya ee aad la kulanto haddii wakhtiga ansaxinta kaarka la kordhiyay. Haddii aadan na soo booqan dhawr bilood gudahood, waxa aad heli doontaa in lagu xusuusiyo laba toddobaad ka hor inta aanu kaarku dhicin. Haddii ay carruurtaadu sidoo kale iyaguna leeyihiin kaar LMA ah si loogu kordhiyo, waxay carruurtu u baahan yihiin inay ku soo raacaan Hey'adda laanta socdaalka.

Kaarka LMA-gu wuxuu leey­ahay koodka QR

Kaararka cusub ee LMA-ga ee la soo saarayo wixii ka dambeeya 1da Jannaayo 2022 waxa ay wataan koodka QR kaas oo u oggolaanaya qofkasta oo fursad u leh inuu ku akhriyi karo koodka QR inuu si sahal ah u hubiyo in kaarku sax yahay iyo haddii aad xaq u leedahay in aad shaqayso (waxa loo yaqaan AT-UND). Wax macluumad dheeraad ah oo adiga kugu saabsan lagama arkayo qogka kaantaroolayaana ma gelayo.

Marka aad hesho go'aan ku saabsan AT-UND, waxa si toos ah loogu diiwaan gelinayaa kaarkaaga LMA-ga shaqo-bixiyahaaguna wuu hubin karaa isaga oo iskaan ku samaynayo koodka QR.

Haddii uu kaa lumo kaarka LMA-gu

Haddii kaarka-LMA lagaa xado, ama uu kaa lumo, waa qasab inaa soo ogeysiisid xafiiska qaabilaada ama xafiiska kaalmeynta. Hey’adda socdaalka markas wey kaansali kaarka iyo mid cusub baa laguu dalbi.

Soo celi kaarka

Waa inaad soo celisaa kaarka LMA-ga markaad ka baxdo Hay'adda laanta socdaalka. Tani waxay khusaysaa iyada oo aan loo eegin inaad leedahay sharciga deggenaanshada, xaqqa aad u leedahay in lagu siiyo caawiyada dhaqaale way joogsanaysaa sababo kale awgood ama haddii aad Iswiidhan ka tegeyso.

Raadi qeybta adiga ku qaabilsan (oo af ingiriis)

Ballan qabso inta aad annaga na soo booqan kahor (oo af ingiriis)

Last updated: