Qofka magangalyo doonka ah ee aan lahay qof waalid ah ama qofkale oo leh mas’uulyada sharciga ah
Till dig som söker asyl utan förälder eller annan vårdnadshavare – somaliska
Macluumaadkan waxaa loogu talagalay qofka yimid isagoo aanay la socon waalidkii oo magangelyo (ilaalin) ka dalbaday Iswiidhan. Halkaan waxaanu ku sharaxaynaa talaabooyinka uu qofku u marayo magangalyo doonimada, sida ay Hey'adda laanta socdaalka u go'aamiso cida xaqa u leh magangalyada, iyo taageerada ay siiso carruurta iyo dhalinyarada magangalyo doonka ah.
Macluumaadkan waxaa isticmaali kara adiga oo ah qofka magangalyo doonka ah, iyo dhalinyarada kale ee doonaya inay waxbadan ka ogaadaan waxa magangalyo doonku yahay iyo sida loo dalbado magangalyo doonimada, ama dadka waaweyn ee raba inay ka caawiyaan si ay ugu sharaxaan nidaamka magangalyo doonka carruurta iyo dhalinyaradaba.
Macluumaadkan waxaa loo akhrisan karaa siyaabo kala duwan. Waad akhrisan kartaa adigu dhammaan laga bilaabo bogga koowaad illaa bogga ugu dambeeya si aad uga hesho aqoon ku saabsan waxa dhaca marka aad dalbato magangelyo. Ama waxaad akhrin kartaa qaybta adiga kuugu muhiim ah hadda.
Ugu dambayntiina, waxaad ka heli doontaa liis ku saabsan ururo adiga ku caawinkara iyo boggagga internetka ee aad ka heli karto macluumaadyo dheeraad ah, iyo liisto ereyo adag sharraxaya.
Fadlan kaydso macluumaadka si aad marba wax yar u akhrido, ama si aad dib ugu laabato oo qayb ka mid ah markale u akhrido. Waxa kale oo aad xitaa macluumaadka oo dhan ka heli kartaa halkan: www.migrationsverket.se/barn.
In la ahaado ilmo ku nool Iswiidhan
Soohdinta u dhexeysa carruurnimada iyo qaangaarka waddamadu way ku kala duwanaan kartaa. Iswiidhan markaad adigu joogto waxaad tahay ilmo illaa iyo intaad adigu ka gaarayso18 sanno. Dhammaan carruurta ku nool Iswiidhan waxay leeyihiin xuquuqo isku mid ah.
Heshiiska qaramada midoobay ee xuquuqda carruurta, waxa la yiraahdaa Heshiiska xuquuqda caruurta (Barnkonventionen), waa sharci Iswiidhan ka jira. Waxa sharcigaa ku qoran xuquuqda ay leeyihiin carruurtu dhammaantood. Qaar ka mid ah xeerarka ugu muhiimsan ee heshiiska xuquuqda carruurta ayaa ah inay
- dhammaan carruurtu xaq u leeyihiin inay nololaadaan oo ay horumarna sameeyaan
- marwalba muhiim tahay danta ugu wanaagsan ee ilmaha
- carruurtu xaq u leeyihiin inay sheegaan sida ay la tahay
- carruurtu dhammaantood leeyihiin xuquuqo isku mid ahalla.
Xuquuqdaada
Carruurta magangalyo doonka ahi waxay leeyihiin xuquuqo la mid ah carruurta ku nool Iswiidhan dhammaantood. Taas macnaheedu waxa weeye in aad tusaale ahaan xaq u leedahay inaad ku noolaato nabadgelyo, inaad iskuul aado oo aad hesho wakhti firaaqo ah. Waxaad adigu xaq u leedahay daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkaha ee aad u baahan tahay. Adiga ayaa go'aansanaya jirkaaga, mana jiro qof kugu qasbi kara inaad galmo samayso ama aad guursato. Qofna kuma garaaci karo mana kuu hanjabin karo.
Marka dadka waaweyn ee mas'uulka kaa ah adiga ay go'aansadaan wax adiga ku saamaynaya waxay u baahan yihiin inay ku dhageystaan waxaad adigu rabto oo ay ka fekeraan waxa adiga kugu habboon. Waxaad xaq u leedahay inaad sheegto sida aad wax u aragto oo lagu dhegeysto, laakiin taas macnaheedu maaha inay had iyo jeer ahaan doonto sidaad adigu rabto.
Waxaad adigu xaq u leedahay taageero gaar ah
Carruurta magangalyo doonka ah ee aanu la socon waalidkood waxa la yiraahdaa carruurta keligood yimaada, waxay xaq u leeyihiin taageero gaar ah. Aadeega bulshada ee degmada aad deggan tahay ayey waajib ku tahay inaad hesho guri kugu habboon iyo baahidaadaba. Waxa kale oo laguu samaynayaa "qof kaa mas’uul ah adiga" (god man) qofkaas oo kuu hadli doona maadaama aanu waalidkaa joogin. Waxaad xaq u leedahay in aad hesho taageeradaas xitaa haddii aad adigu la socotay qof weyn oo aan waalidkaa ahayn markii aad Iswiidhan imanaysay
Markaad gaarto 18 sanno
Markaad buuxiso 18 sanno waxaad noqotay qof qaangaaray markaa xaq uma lihid taageeradii iyo ilaaladii markaad ilmaha ahayd lagu siin jirey.
Xagga dambe ayaad ka akhrisan kartaa waxbadan oo ku saabsan waxa dhacaya markaad gaarto 18.
Dadka iyo hey’addaha aad adigu la kulmayso
Waxaad ladigu la kulmi doontaa dhowr hey’addood iyo dad waaweyn oo badan oo kala duwan kuwaas oo mas'uul ka ah waxyaabo kala duwan oo adiga kugu saabsan.
Hey’addaha ayey waajib ku tahay inay hubiyaan in bulshada ay u shaqeyso si waafaqsan sharciga Iswiidhan. Tusaale ahaan hey'addaha aad inta badan lxiriir la yeelan doonto waa Hey’adda laanta socdaalka iyo adeegga bulshada.
Hey’adda laanta socdaalka
Waxyaabaha ay Hey’adda laanta socdaalku ka mas’uul tahay waxa ka mid ah
- inay baaraan codsigaaga oo ay go’aamiyaan inaad xaq u leedahay magangelyo iyo sharci degenaansho iyo in kale
- inay kuu qabtaa qareen/abukaate kaa caawiya adiga codsigaaga
- inay ku siiyaan taageero dhaqaale haddii aadan adigu haysan lacag aad leedahay
- inay go’aamiyaan degmada adiga kaa mas’uulka noqonaysa si adiga laguu siiyo guri, iskuul iyo in laguu qabto qof adiga kaa mas’uul ah
- inay kaa caawiyaan si aad ula xiriirto waalidkaa haddii ay suurogal tahay
- inay kaa caawiyaan inaad dib Iswiidhan uga laabato haddii aan laguu oggolaan inaad halkan joogto.
Waxaad la kulmi doontaa dhowr qof oo kala duwan oo ka tirsan Hey’adda laanta socdaalka. Haddii aad dareento inay kala fiican tahay markaad la hadlayso nin ama naag hey’adda ka shaqeeya waad sheegaysaa sida aad jeceshahay.
Degmada
Waxay degmadu ka mas’uul tahay waxa ka mid ah
- inaad hesho guri aad degto oo aad ku noolaato baahidaadana ku habboon
- inaad iskuul aado/dhigato
- inaad hesho qof kaa mas’uul ah.
Adeegga bulshada
Degmo kasta waxay leedahay wax la yiraahdo adeegga bulshada. Adeegga bulshadu waxay u shaqeeyaan si waafaqsan sharciyada ku saabsan sida bulshadu u caawinayso qof kasta oo u baahan taageero. Adeegga bulshada ayaa go’aaminaya halka aad adigu ku noolaanayso. Dhammaan carruurta aan waalidkood la socon ee keligood ah waxa loo samaayaa qof ay la xiriiraan oo ka shaqeeya xafiiska adeegga bulshada oo la yiraahdo xoghayaha arrimaha bulshada.
Ka akhriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan sida aad ugu noolaan karto cinwaanka ay ku qoran tahay Guriyeynta.
Qofka kaa mas’uulka ah
Haddii aad ka yar tahay 18 sanno oo aad timaado Iswiidhan iyadoo aanay waalidkaa kula socon waxaa laguu samaynayaa qof kaa mas’uul ah. Lama deggenaanaysid qofka kaa mas’uulka ah, laakiin isaga ama iyada ayaa ka mas'uul ah inay kaa caawiyaan dhowr waxyaalood oo ay waalidkaa haddii kale kuu qaban lahaayeen.
Qofka mas’uulka ahi waa inuu tusaale ahaan
- inuu kula socdo markaad adigu la xiriirayso hey’addaha, tusaale ahaa Hey’adda laanta socdaalka ama adegga bulshada
- inuu ilaaliyo xiriirka iskuulkaaga
- kaa caawiyo inaad ballan la sameysato isbitaalka/takhtarka, takhtarka ilkaha ama saakoolajiiste (cilmi-nafsiyaqaan)
- inuu mas'uul ka ahaado dhaqaalahaaga haddii aad ka yar tahay 16 sano.
Ka akhri warbixin dheeraad ah oo daawo filimada ku saabsan waxa uu qofka mas’uulka ahi sameeyo https://rfs.se/om-rfs/projekt/min-ratt-din-roll/filmer/.
Turjubaan
Si aad adiga iyo shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalku isu fahamtaan, turjubaan ayaa turjumi doona waxaad ku hadashaan. Turjubaanku wuxuu ku hadli karaa iswiidhishka iyo luqada aad ku hadasho adigu. Turjubaanku wuxuu fadhiyaa qolka aad adigu fadhido ama wuxuu ku turjumayaa talefoonka ama fiidiyoowga. Turjubaanku waa inuu turjumaa wax kasta oo qolka laga sheegayo, oo aanu wax kale ku darin.
Abukaate/sharci yaqaan
Abukaatuhu waa qof yaqaana sharciyada iswiidhishka. Isaga ama iyada ayaa ku siin doona talooyin ku saabsan dhinaca sharciga waxayna kaa caawin doonaan dalabkaaga magangalyo doonka ah. Hay'adda laanta socdaalka ayaa kuu dooraysa lataliyaha dhinaca sharciga, laakiin isagu ama iyadu uma shaqeeyaan Hey’adda laanta socdaalka. Haddii aad taqaano qof sharci yaqaan ah ama abukaate waad orankartaa qofkaas ayaan rabaa, laakiin lama hubo inaad heleyso abukaatahaa aad adigu dooratay. Waxaad sidoo kale sheegan kartaa inaad doorbideyso inuu abukaatuhu noqdo lab ama dhedig kaad adigu rabto.
Waajibka xog qarinta
Qof kasta oo ka shaqeeya Hey'adda laanta socdaalka, degmada iyo daryeelka caafimaadka ama iskuulka waxaa ku waajib ah xog qarin. Tanaas macnaheedu waxa weeye looma oggola inay u sheegaan waxaad ku adigu sheegtay qof aan xaq u lahayn inuu ogaado. Kuwa ka shaqeeya kiiskaaga oo keliya ayaa xaq u leh inay ogaadaan waxaad sheegtay. Turjubaanka iyo abukaatuhna sidoo kale waxaa saaran waajibaad sir ah.
Hase yeeshee qofka kaa mas’uulka ah waajib kuma aha xog qarintu. Sababta oo ah qofka kaa mas’uulka ahi waa sida waalidkaa oo kale, waa inuu arrimahaaga kala hadlaa hey’addo kala duwan.
Qof kasta oo ay waajib ku tahay xog qarintu wuu jebin karaa waajibaadkaas xog qarinta haddii ay u arkaan inaad adigu naftaada khatar gelinayso, ama aad si kale khatar ugu jirto.
Guriga
Degmada ayaa ka mas'uul ah inay kuu diyaariyaan guri kugu habboon adiga iyo baahidaada.
Marka aad adigu codsato arjiga magangalyada Hey'adda laanta socdaalka waxay la xariiri doontaa degmo taas oo kuu diyaarin doonta adiga guri ku meel gaar ah. Dhowr maalmood ama toddobaadyo ka dib waxaad ogaan doontaa degmada kaa mas'uulka ah mustaqbalkaaga dambe taas oo kuu samayn doonta inaad aado ama dhigato iskuul iyo in aad hesho taageerada aad u baahan tahay inta aad sugayso go'aanka ku saabsan codsigaaga magangelyada.
Haddii aad Iswiidhan ku leedahay qaraabo ama saaxiibo aad rabto inaad la degto ama aad ka ag dhowaato waa inaad u sheegtaa Hey’adda laanta socdaalka marka aad magangelyada codsanayso.
Waxaad u deggenaan kartaa siyaabo kala duwan
Degmada ayaa mas'uul ka ah inay kuu hesho guri wanaagsan. Siyaabo kala duwan ayuu gurigaasi noqon karaa. Tusaale ahaan, waxaad la noolaan kartaa qaraabadaada ama asxaabtaada, qoys ku qaabila carruurta iyo dhalinyarada caawimada u baahan gurigooda ama inaad la deggenaato dhalinyaro kale guri halkaas oo ay joogaan shaqaale idin caawinaya idinka.
Haddii aad rabto inaad la degto dad aad qaraabo tihiin oo Iswiidhan deggan waa khasab inay adeegga bulshada ee degmadu oggolaadaan inaad la noolaan karto iyaga. Inta aanad la deggin kahor adeegga bulshada ayaa go'aan ka gaaraya, waxay soo baarayaan in qoyska aad la deggeysaa uu fursad u haysto inuu ku daryeeli karo iyo in kale.
Haddii ay wax dhacaan oo aanad meesha aad deggan tahay ku dareemin ammaan waa inaad sida ugu dhakhsaha badan ugu sheegtaa qofka mas’uulka kaa ah adiga ama xoghaynta arrimaha bulshada (socialsekreterare).
Guryaha loogu talagalay dadka buuxiyey 18 sanno
Markii aad gaarto 18 sanno, ama haddii hey'adda laanta socdaalka u aragto in aad ka weyntahay 18 sanno, mas'uuliyada kuu diyaarinta guri adiga ayaa uga sii gudbaya degmada Laanta Socdaalka. Taas macnaheedu waxa weeye waxaad u baahan kartaa inaad u guurto mid ka mid ah guryaha ku meel gaarka ah ee Hey'adda laanta socdaalka ama aad adigu raadsato guri aad adigu iska leedahay.
Waxaad boggan internetka ka akhrisan kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan guryaha dadka waaweyn ee magangelyo doonka ah www.migrationsverket.se/asyl.
Dhaqaalaha
Marka aad adigu magangalyo ka codsato Iswiidhan waxaad fursad u leedahay inaad ka dalbato kaalmada dhaqaale Hey'adda laanta socdaalka haddii aadan adigu haysan lacag aad leedahay.
Waxaa jira laba nooc oo ah taageero dhaqaale oo aad dalbankarto, lacag maalmeed iyo lacag gaar ah.
Lacag maalmeedka
Haddii aad adigu xaq u yeelato gunno maalmeedka waxaad heleysaa caddad lacag ah maalin kasta taas oo la bixiyo bishiiba halmar. Lacagtu waa inay kuugu filaato baahiyahaaga shaqsiyeed, sida dharka, kabaha, daawada iyo waxyaabaha aad rabto inaad samayso wakhtiga firaaqada. Mararka qaarkood waxaad lacag ka heleysaa kuwa guryaha mas’uulka ka ah, sidaa daraadeed kuma siinayso Hey’adda laanta socdaalku wax lacag maalmeed ah.
lacagta gaarka ah
Haddii aad baahi gaar ah u qabto wax aanay lacag maalmeedku kuugu filnayn, adiga iyo qofka kaa mas’uulka ahi waxaad dalban kartaan lacag gaar ah.Lacagtaasi waxaynoqon kartaa tusaale ahaan, okiyaalayaasha indhaha, dharka jiilaalka/qabowga ama wax kale oo aadan ka maarmi karin.
Qofka kaa mas'uulka ah ayuu xil ka saaran yahay dhaqaalahaaga
Haddii aad ka yar tahay 16 jir waxa foomka codsiga kuu buuxiya oo lacagtaada xil ka saarayn yahay qofkakaa mas’uulka kaa ah. Markaad adigu gaarto 16 jir waxaad xaq u leedahay inaad dalbato oo aad mas'uul ka noqoto lacagtaada maalinlaha ah iyo lacagta gaarka ahba. Waxaad heleysaa kaar bangi oo aad adigu leedahay halkaas ayaa laguugu soo dirayaa lacagta maalinlaha ah iyo lacagta gaarka ahba.
Iskuulka
Waxaad adigu xaq u leedahay inaad dhigato iskuul sida carruurta kale ee ku nool Iswiidhan dhammaantood. Iskuulku waa lacag la’aan.
Wadanka Iswidhan waa inay dhammaan carruurtu aadaan dugsiga. Degmada ayaa ka mas uul ah iskuulka markaa qofka kaa mas’uulka ah ayey shaqadiisa tahay inuu hubiyo si aad adigu iskuulka u bilaabi lahayd sida ugu dhakhsaha badan.
Dugsiga aasaasiga ah
Dugsiga aasaaska ahi waa toban sannadood waxaanu ilmuhu bilaabaa sannadka uu buuxiso lix sano. Sannad dugsiyeedka ugu horreeya, oo loo yaqaan fasalka barbaarinta, wuxuu ka kooban yahay ciyaaro badan iyo hal-abuur si loogu diyaariyo ilmaha dugsiga soo socda. Dugsiga aasaaska ah dhammaan ardaydu waxay bartaan maadooyin.isku mid ah
Dugsiga sare
Dugsiga sare waa waxbarasho ikhtiyaari ah oo ay ardaydu fursad u haystaan inay doortaan takhasus si ay ugu diyaar garoobaan waxbarasho xirfadeed ama ay sii wataan waxbarasho jaamacadeed ama waxbarasho are. Si aad awood ugu yeelato inaad wax ka barato dugsiga sare waa inaad soo dhammaysatay waxbarashadii dugsiga aasaasiga ahayd.
Haddii aad adigu tahay qof magangalyo-doon ah waxaad xaq u leedahay inaad dhammaysato waxbarashada dugsiga sare haddii aad bilowday waxbarashadaada dugsiga sare ka hor intii aanad buuxin18 sanno. Tani waxay sidoo kale khuseysaa haddii aad u guurto degmo kale.
Ka akhriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan iskuulka oo loogu talagalay dadka magangalyo doonka ah bogga internetka ee https://www.informationsverige.se/so/jag-ar-asylsokande/skola-under-asyltiden/
Sharciga dugsiga sare
Sharciga loogu yeero sharciga dugsiga sare ayaa ah sharci siinaya dadka codsaday magangalyada ee wax ka baranaya dugsiga sare fursad weyn oo ay kusii joogi karaan Iswiidhan oo ay ku dhamaysan karaan waxbarashadooda dugsiga sare.
Qofka codsigiisa magangalyoku helo haa wuxuu badanaa helaa sharci degenaansho 13 bilood ama saddex sanno ah. Qofka u dhexeeya 17 ilaa 24 sanno ee baranaya waxbarashada dugsiga sare mararka qaarkood wuxuu qofkaasi heli karaa sharci degenaansho oo intaa ka badan si uu qofku u dhammayso waxbarashadiisa. Xaaladdaha qaarkood wuxuu qofku sidoo kale heli kaeaaa sharci deganaansho ah si uu dugsiga sare wax uga barto, xitaa haddii hay ey'adda laanta socdaalka u aragto in aanu qofkaasi haysan sababo magangelyo.
Ka akhriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan sharciga degganaanshaha oo loogu talagalay dugsiga sare bogga internetka ee www.migrationsverket.se/asyl.
Caafimaadka
Waxaad adigu xaq u leedahay daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkaha ee aad u baahan tahay. Waa u bilaash carruurta Iswiidhan ku nool dhammaantood.
Haddii aad jirato ama aad dareento in aanad fiicnayn oo aad u baahato inaad la kulanto takhtar ama takhtarka ilkaha, waxa ballan kuu qabankara oo kaa caawinaya qofka mas’uulka kaa ah ama qof kale oo jooga guriga aad deggan tahay. Xusuusnow inaad sii qaadato kaarkaaga LMA-ga ah booqashadaada.
Baaritaanka caafimaadka
Dhammaan dadka magangalyada ka codsada Iswiidhan waxaa loo fidiyaa baaritaan caafimaad. Baaritaanka caafimaadka waxa loogu talagalay si adiga laguu siiyo wakhti hore caawimo iyo daaweyn haddii aad u baahan tahay daryeel.
Marka lagu baarayo waxa lagu siinayaa macluumaad ku saabsan sida daryeelka caafimaadka ee Iswiidhan u shaqeeyo. Waxaad ka jawaabi doontaa su'aalaha ku saabsan caafimaadkaaga waxaana lagaa qaadayaa tijaabooyin.
Ka faa’iidayso oo weydii haddii ay jiraan wax aad ka fekeraysaa, hana ka cabsanin in aad ka sheekayso sida aad caafimaad ahaan dareemaysid. Shaqaalaha daryeelka caafimaadku waxay leeyihiin waajibaadka sir haynta, baaritaanka caafimaadkuna saamayn kuma yeelan doono magangalyo doonimadaada.
Xoogida iyo xadgudubka galmada
Dad badan oo magangalyo doon ah ayaa lagula kacay in la xoogo ama xadgudub galmo intii ay joogeen wadankoodii hooyo ama intii ay u soo socdeen Iswiidhan. Qofku jirka iyo maskaxdaba wuxuu ka dareemikaraa xumaan waxyaabihii uu soo maray awgeed, laakiin waxaa jira caawimo qofka la siiyo. Tusaale ahaan, waxaad kala hadli kartaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka markaad baaritaankaaga caafimaadka samaynayso, rugta dhalinyarada ama kalkaaliyaha caafimaadka ee iskuulka ama la taliyaha iskuulkaaga (kurator). Waxay kaa caawin karaan inaad hesho daryeelka saxda ah.
Dhammaan noocyada xoogidu iyo xadgudubka galmadu waa ka mamnuuc Iswiidhan. Had iyo jeer waa qofka dhib kuu geystay ayaa ka mas'uulka ah, adigana weligaa laguguma ciqaabi karo haddii lagu xoogo ama xadgudub galmo lagugu sameeyo. Tani waxay khuseysaa iyadoon loo eegin cilaaqaadka aad leedihiin qofkaas dhibka kuu geystat, tani waxay sidoo kale khuseysaa, tusaale ahaan, kufsiga guurka iyo marka waalidku garaacaan carruurtooda. Marka qof weyni uu u galmoodo ilmo kayar 15 sanno waxa lagu xisaabinayaa kufsi. Iswiidhan gudaheeda waxa iyaduna sidoo sharci darro noqonaysa in qof lagu qasbo ama lagu khiyaaneeyo inuu guursado, carruurta ka yar 18 sanno looma ogola inay guursadaan.
Kala xiriir booliska taleefanka 114 14, haddii dhib laguu geysto ama xadgudub galmo lagugu sameeyo, ama haddii aad ka baqeyso in laguu guuriyo. Haddii aad ku sugan tahay khatar deg deg ah wac booliska taleefanka 112.
Gudniinka gabdhaha
Annagu waanu ognahay inuu gudniinka dumarku ka dhaco meelo badan oo adduunka ka mid ah. Waa marka uu qof gooyo xubinta dhalmada gabadha ama dumarka. Gudniinka dumarku gebi ahaanba waa ka mamnuuc Iswiidhan waxaana loo arkaa dambi weyn. Qofka loo geysto dhibkaas laguma ciqaabayo. Haddii uu qof adiga sidaa kugu sameeyay oo aad dhibaatooyin ku qabto waxaad caawimaad ka heli kartaa daryeelka caafimaadka. La hadal kalkaalisadaada dugsiga, rugta caafimaadka dhallinyarada ama xarunta caafimaadka (vårdcentral).
La xiriir booliska haddii aad ka baqeyso in adiga ama gabar aad taqaanno la gudo. Waxaad sidoo kale wici kartaa khadka badbaadinta haweenka (Kvinnofridslinjen) taleefoonka 020‑50 50 50 si aad u hesho talo iyo taageero. Khadka badbaadinta haweenku waa khad gargaar qaran oo loogu tala galay dumarka loo geysto hanjabaadaha ama xoogida.
Cudurada galmada lagu kala qaado
Waxaad adigu xaq u leedahay aqoon ku saabsan sida laysaga ilaaliyo cudurada galmada lagu kala qaado iyo sidii aad uga fogaan lahayd in aad ku daarato dadka kale. Tusaale ahaan cudurada galmada lagu kala qaado waa sida cudurka jabtada oo kale ah (klamydia), cagaarshowga/jooniska, jabtada iyo HIV-ka. Haddii aad ogtahay inaad qabtid cudur noocaas ah, waa inaad u sheegtaa markii aad baaritaanka caafimaadkaaga sameynayso, si aad daryeel caafimaad u hesho oo aad uga fogaato in aad dadka kale ku daarato. Haddii aadan hubin inaad cudurka qabtid iyo in kale shaqaalaha daryeelka caafimaad ayaa kaa qaadaya tijaabo.
Qalabka iyo daawooyinka ka hortagga uurka iyo daryeelka hooyooyinka
Iswiidhan daryeelka hooyooyinka iyo daryeelka umusho bilaash ayay u tahay dadka magangalyo doonka ah. Waxaad sidoo kale xaq u leedahay talobixin ku saabsan ka hortagga uurka kaas oo bilaash ah, si aad adigu u kala doorato haddii aad waalid noqonayso iyo haddii kale. Gabdhaha iyo wiilashuba waxay xaq u leeyihiin macluumaad ku saabsan sida ay naftooda iyo kuwa kaleba uga ilaalin karaan uurka. Haddii aad adigu tahay gabar uur leh oo aadan rabin inaad carruur dhasho, waxaad xaq u leedahay inaad uurka iska joojiso oo aad ilmaha soo riddo.
Cudurka maskaxda ku dhaca
Waa wax caadi ah inaad ka walwasho waxa dhici doona mustaqbalka marka aad sugayso go'aanka ku saabsan codsigaagii magangalyo doonka ahaa. Sidoo kale dadka qaarkood waxaa laga yaabaa inay dareemaan xumaan maxaa yeelay waxay soo mareen waxyaabo xunxun ama waxay u xiisay qoyskooda. Tusaale inuu inaad dareento jirro dhinaca maskaxda ah waxay kugu keeni kartaa inaad yeelato walwal, hurdo xumo ama aad dareento murugo iyo niyad jab
Waxaad adigu ka heli kartaa caawimo iyo taageero, daryeelka caafimaadka ee ku yaala meesha aad deggen tahay. Waxa kale oo aad la hadli kartaa la-taliyaha ama kalkaaliyaha caafimaadka ee dugsigaaga.
Naafonimada
Naafonimadu waa marka aad adigu leedahay dhaawac ama jirro kugu keenaysa tusaale ahaan inuu kugu adkaado dhaqaaqu, maqalku, hadalku ama fahamku. Haddii aad naafo tahay waxaad xaq u leedahay inaad hesho kaalmo wax ku ool ah oo kaa caawinaysa nolol maalmeedkaaga, sida iskuulka ama markaad la hadlayso Hey’adda laanta socdaalka. Naafonimadaadu saamayn kuma yeelanayso codsiga magangelyo doonnimadaada. Baaritaanka caafimaadka ayaad u sheegaysaa haddii aad tahay qof naafo ah, ama haddii aad isleedahay waxaad tahay naafo.
Takhtarka ilkaha
Waxaad xaq u leedahay inaad hesho daryeelka caafimaadka ilkaha ee kahortaga ah iyo daaweynta uu dhakhtarka ilkaha u arko inaad adigu u baahan tahay. Daryeelka ilkuhu waa u bilaash dhammaan carruurta Iswiidhan ku nool oo dhan.
Baaritaanka indhaha
Hadii aad u baahan tahay miraayadaha indhaha gacan yarahaada ayaa kaa kaalmayn karaya dalbashada kaalmada ldhaqaale ee khaaska ah ee laga dalbanayo hay’adda socdaalka iyo in uu balan kaaga sameeyo dukaanka miraayadaha indhaha.
Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan caafimaadka
Bogga internetka ee www.1177.se/other-languages waxaa ku jira macluumaad ku qoran luqado kala duwan oo ku saabsan cuduro kala duwan iyo sida daryeelka caafimaadka ee Iswiidhan u shaqeeyo. Waxaad sidoo kale wici kartaa qaybta macluumaadka ee daryeelka caafimaadka lambarka talefoonka ee 1177, waxaad halkaa kula hadli kartaa kalkaaliye caafimaad oo kaaga jawaabidoonta su'aalaha aad qabto isla markaana kaala talin doonta meesha aad uga baahan tahay daryeelka saxda ah
Bogga internetka ee www.youmo.se waxaa ka jira macluumaad loogu talagalay dhalinyarada oo ku saabsan caafimaadka, xiriirka, galmada iyo waxyaabo badan oo luqado kala duwan ah ku qoran.
Bogga internetka ee www.rfsu.se/upos waxaa ku jira macluumaad filimo gaagaaban ah oo loogu talagalay qofka doonaya inuu wax badan ka ogaato jirka, galmada iyo caafimaadka. Filimadaas waxaa lagu heli karaa luqado badan oo kala duwan. Halkan waxaad ka heli kartaa filimaan ka hadlaya qalabka iyo daawooyinka lagaga hortaggo uurka , dhalmada iyo uurka.
Telefoonka badbaada haweenka waxay ku siinayaan talooyin iyo taageero hadaad tahay qof haween ah oo loo geystay hanjabaado ama jir ahaan loo geystay dhibaato, mid maskaxeed ama galmo khasab ah. Wac telefoonka 020‑50 50 50. Waxay kuu diyaarin doonaan turjubaan daqiiqado gudahood. Waxaad sidoo kale waxbadan ka akhrisan kartaa bogga internetka ee kvinnofridslinjen.se. Macluumaadka wuxuu ku qoran yahay luqado kala duwan.
U wac booliska talefoonka 114 14 haddii aad rabto inaad ka warbixiso fal dambiyeed, tusaale ahaan haddii uu qof ku dilay/garaacay ama kugula kacay xadgudub galmo. Waxaad sidoo kale wici kartaa booliska haddii aad ka baqeyso in nin lagugu daro oo laguu guuriyo ama la gudayo. Haddii xaaladdu degdeg tahay, wac 112.
Habka magangalyo doonka
Qeybtani waxay ku saabsan tahay habka magangalyo doonka, waa talaabooyinka uu maro qofka magangalyo doonka ahi, laga soo bilaabo maalinta aad u timaado Hey'adda laanta socdaalka, go'aanka lagaa gaaro, ilaa inta ay midkood noqonayso in aad Iswiidhan degto ama aad wadanka ka baxayso.
Halkaan waxaad ka akhrisan kartaa waxa sharcigu ka qabo cida xaq u leh magangalyonimada Iswiidhan, sida hey'adda laanta socdaalku go'aanka u gaarto, iyo waxaad sameyn karto haddii aadan ku raacsaneyn go'aanka. Waxa kale oo aad ka akhrisan kartaa waxa dhacaya haddii ay tahay inaad waddankaagii ku laabato.
Inaad codsato magangalyo
Kulanka ugu horeeyey ee aadadigu la yeelanayso Hey'adda laanta socdaalka, waxaad ka jawaabi doontaa su'aalo badan, waxa lagu siinayaa macluumaad ku saabsan habka magangalyo doonku yahay, sidoo kale waxaad helaysaa caawimo ku saabsan inaad wacdo waalidkaa ama qaraabadaada kale si aad ugu sheegto meesha aad joogto iyo sida ay xaaladaadu tahay.
Iyadoo uu turjubaan ku caawinayo waxaad sheegaysaa tusaale ahaan
- qofka aad adigu tahay
- luqada aad ku hadasho
- waxyaabo ku saabsan qoyskaaga
- hadaad xaas tahay
- sida uu yahay caafimaadkaagu
- sidii aad ugu soo safartay Iswiidhan
- sababta aad adigu uga soo timid wadankaagii hooyo iyo waxa aad u malaynayso inay dhici karaan haddii aad dib ugu laabato
- haddii aad saaxiibo ama ehel ku leedahay dalka Iswiidan oo aad rabto inaad la degto ama ka ag-dhowaato.
Haddii aad qabto baahi gaar ah, sida tusaale ahaan naafonimo, waad sheegaysaa. Haddii ay naafanimadaadu kugu keenayso dhibaato adag si aad ula hadasho Hey’adda laanta socdaalka waxaad xaq u leedahay caawimo.
Shaqaaluhu waxay su’aalaha kuu weydiinayaa si ay waxa aad sheegto ay u geliyaan sistamka kombuyuutarka ee Hey'adda laanta socdaalka, iyo inay diyaariyaan dalabkaaga baaritaanka. Waxaa su’aalo la mid ah kuwii ay Hey’addu ku weydiisay ku weydiin doona degmada aad degi doonto. Sababtoo ah Hey’adda laanta socdaalka iyo degmmadu waxay leeyihiin laba nidaam kumbiyuutar oo kala duwan
Keen caddayn qofka aad tahay
Hey'adda laanta socdaalku waxay rabtaa inay ogaato qofka aad tahay iyo meesha aad ka timid si ay go'aan sax ah u gaarto. Waa masuuliyad adiga ku saaran inaad muujiso magacaaga, da'daada iyo meesha aad ka timid. Sida ugu wanaagsan ee aad ku caddayn kartaa waa adiga oo soo gudbiya aqoonsigaaga baasaboor ama karka aqoonsiga.
Gaar ahaan muhiim ayey u tahay inay Hey'adda laanta socdaalku ogaato da'daada maxaa yeelay carruurta magangalyo doonka ahi waxay leeyihiin xuquuq kale oo aanay lahan dadka waaweyn ee magangalyo doonka ahi.
Cinwaanka ay ku qoran tahay Markaad adigu 18 sanno gaarto waxaad ka akhrisan kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan faraqa u dhexeeya qofka ilmaha ah iyo qofka qaangaarka ah ee magangelyo doonka ah.
Sawirka iyo sawirka faraha
Waxa adiga lagaa qaadayaa sawir iyo faraha oo lagaa sawiro. Faraha ayaad ku cadaadinaysaa mashiin akhriya farahaaga. Haddii aad tahay 14 sano ama aad ka weyn tahay Hey'adda laanta socdaalka ayaa kaa soo baaraysa in farahaaga laga diiwaangeliyey wadan kale oo Yurub ka mid ah. Carruurta ay da’doodu ka yar tahay lix sannadood uma baahna in faraha laga qaado oo laga sawiro.
Haddii farahaaga laga soo helo in inaad marhore magangalyo ka dalbatay wadan kale, oo baaritaanku uu muujiyo in wadankaasi go’aan kaa gaaray, markaa Hey'adda laanta socdaalku waxay go'aamin kartaa inaad dib ugu laabato wadankaas.
Halkan ka akhri warbixin dheeraad ah oo ku saabsan Xeerka Dublin www.migrationsverket.se/asyl, cinwaanka ay ku qoran tahay Ma dooran kartid adigu waddanka tijaabinaya codsigaaga magangelyada (Xeerka Dublin).

Wada hadalkii ugu horeeyey kadib
Marka codsigaaga magangalyada la diiwaangeliyo waxa lagu siinayaa rasiid sheegaya in aad magangelyo codsatay. Dhowr usbuuc kadib, waxa rasiidkii laguugu beddelayaa kaar la yiraahdo LMA oo cadaynaya inaad codsatay magangalyo oo aad xaq u leedahay inaad Iswiidhan joogto inta aad sugeyso go’aanka. Kaarka LMA-ga laguma xisaabinayo inuu yahay dukumenti aqoonsi ah, mana caddaynayo qofka aad adigu tahay, ee wuxuu sheegayaa in aad Iswiidhan iska dhiibtay oo kaliya.
Hey'adda laanta socdaalku waxay la xiriiraysaa degmada adiga kuu diyaarinaysa guriga iyo qofkii adiga kaa mas’uul noqon lahaa (god man). Hay'adda laanta socdaalka waxay sidoo kale kuu magacaabaysaa qof sharci yaqaan ah oo kaa caawiya arjiga codsigaa.
Ka akhri waxa uu qabto qofka sharci yaqaanku cinwaanka ay ku qoran tahay Dadka iyo hey’addaha aad adigu la kulmayso.
Sugitaanka baaritaanka magangalyada
Tallaabada xigta ee nidaamka magangalyada ayaa ah inaad u timaado baaritaan magangalyo, interfiyuu ayaa lagaa qaadayaa halkaas oo aad ku sheegi doonto sababta aad adigu uga rabto magangalyada Iswiidhan. Muddada uu qofku sugayo inta aan loogu yeerin interfiyuuga dadku way ku kala duwanaan karaan. Waa muhiim inaad ka soo qayb gasho shirarka laguugu yeero. Haddii aad ku khasbanaato in aad ballanta dib u dhigto wakhti ayey qaadanaysaa inta wakhti cusub adiga laguu qabanayo.
Baaritaanka magangalyada
Baaritaanka magangalyadu waa wadahadal aad adigu ku sheegayso sababta aad adigu uga rabto magangalyo wadanka Iswiidhan. Hay'adda laanta socdaalku waxay rabtaa inay adiga kaa maqasho waxaad soo martay iyo waxa aad u malaynayso inay kugu dhici doonaan haddii adiga dib laguu celiyo.
Abukaataha ku caawinayaa wuu ku soo raacikaraa marka interfiyuuga lagaa qaadayo. Qofka mas’uulka kaa ah (god man) ayaa isaguna sidoo kale kuu soo raacaya interfiyuuga haddii aad adigu rabto. Qof ka socda Hey'adda laanta socdaalka ayaa interfiyuuga qaadaya oo warqada ku qoraya waxaad idinku ku hadashaan. Marmarka qaarkood laba qof ayaa interfiyuuga qaada, markaa hal qof ayaa su’aalaha ku weydiinaya kan kalena waxa aad sheegtaan ayuu qorayaa. Turjubaan ayaa idiinkala turjumaya waxa aad sheegtaan si aad isu fahamtaan. Turjubaanku qolka ayuu fadhiyi karaa ama fiidiyoow ama telefoon ayuu ku turjumi karaa.
Waxyaabo adag ayaa laga hadlayaa
Interfiyuugu wuxuu qaadanayaa inta udhaxeysa labo ilaa seddex saac waxaana lagu weydiin doonaa su'aalo ku saabsan waxyaabo laga yaabo inay adkaan ama ay tahay dhacdooyin xanuun badan in laga hadlo. Waa muhiim inaad adigu runta u sheegto hey'adda laanta socdaalka xitaa haddii ay adagtahay. Haddii aad u baahato inaad nasato waad waydiisan kartaa.
Markay Hey'adda laanta socdaalku baarayso sababahaaga magangalyada qofka kiiskaaga gacanta ku hayaa wuxuu isku deyidoonaa inuu baaritaanka waafajiyo da'daada, sida aad adigu maskaxiyan u bislaatay iyo caafimaadkaaga. Haddii aadan fahmin su'aal waa in aad weydiisaa. Sidoo kale waa muhiim inaad sheegto haddii aadan fahmin turjubaanka.
Su’aalaha interfiyuuga waxaa lagu weydiin doonaa su'aalo ku saabsan aqoonsigaaga, qoyskaaga, waxyaabihii aad ku soo martay wadankaagii hooyo, sidii aad ku timid Iswiidhan iyo waxa aad u malayneyso inay dhici doonaan haddii dib laguu celiyo. Su'aalahan waxay u badan tahay in hore laguu soo weydiiyey, laakiin hadda waxaad fursad u haysataa inaad sheegto wax ka badan wixii aad ku soo sheegtay wadahadaladii hore ee aad la yeelatay Hey’adda laanta socdaalka. Qofka arrintaada gacanta ku haya wuxuu ku weydiin doonaa su'aalo dheeraad ah waxaanu kaa rabaa in aad si faahfaahsan u sheegto si uu runtii u fahmo sheekadaada. Iskuday inaad uga jawaabto dhammaan su'aalaha sida ugu macquulsan. Haddii lagu weydiiyo hal su'aal oo isku mid ah dhowr jeer, macnaheedu ma aha inaad si khaldan uga jawaabtay, laakiin qofka arrintaada gacanta ku hayaa wuxuu u baahan yahay macluumaad dheeraad ah.
Haddii aad hayso wax caddeymo ah waa inaad keentaa maalinta interviyuuga lagaa qaadayo. Waxay noqon kartaa dukumenti aqoonsi ah ama wax kale oo muujinaya in waxa aad sheegayso ay run yihiin.
Interfiyuuga kadib
Interfiyuuga kadib qofkii arrintaada hayey wuxuu qoraalkii u dirayaa abukaattihii ku caawinayey kaas ayaa adiga iyo qofkii kaa mas’uulka ahaa idiin akhriyaya warqaddii. Haddii ay jiraan wax khaladaad ahi, ama aad u aragto inuu qofkii arrintaada hayey ama turjubaankii ay si khaldan kuu fahmeen waa muhiim inuu abukaatuhu u soo sheego Hey’adda laanta socdaalka sida ugu dhakhsaha badan si loo saxo – haddii kale way kugu adkaanaysaa inaad sharraxaad ka bixiso wakhti dambe wixii saxda ahaa. Sidoo kale u sheeg abukaataha ku caawinaya haddii ay dhacdo in aad soo xusuusato wax muhiim ah oo aad ilowday inaad sheegto wakhtigii interfiyuugu socday.
Go’aan
Hey'adda laanta socdaalka ayaa go'aan ka gaaraysa haddii magangelyo lagaa siinayo Iswiidhan iyagoo eegaya wax kasta oo aad u sheegtay iyo wixii aad tustay, iyo waxa aannu ka ognahay waddankaaga xaaladiisa. Markaa waxaa la barbar dhigayaa waxa sharcigu ka qabo qofka magangelyo Iswiidhan laga siinayo.
Marka ay Hey'adda laanta socdaalku go'aan ka gaarto codsigaagii magangalyada, waxa shir loogu yeeri doonaa adiga iyo qofkii mas’uulka kaa ahaa. Waxa markaa go’aanka idiin sharxaya qofkii arrintaada gacanta ku hayey iyo waxa ku xigi doona. Go'aanku wuxuu ku qoran yahay luqada iswiidhishka, laakiin qof ka tirsan waaxda soo dhaweynta ayaa ku sharaxaya isagoo la kaashanaya turjubaan oo kuu sheegay waxa uu go’aanku yahay
Qofka kuu sheegaya go'aanka ma aha inuu ahaado isla qofkii su’aalaha interfiyuuga ku weydiiey ama go'aanka gaaray. Had iyo jeer laba qof ayaa go’aanka si wadajir ah u gaara. Waxa sidaa loo samaynayaa waa si aannu u hubino inuu go’aanku noqon mid sax ah. Shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalka ka shaqeeya ee kiisaska gacanta ku hayaa iyagu go’aanka ay doonaan ma qaataan, ee waa inay sharciga raacaan.
Haa ama maya
Haddii oggolaado codsigaaga magangelyo doonka lagaa siiyo, waxaad heli doontaa sharci deggenaansho ah waxaanad xaq u leedahay inaad Iswiidhan degto.
Haddii codsigaaga magangalyo doonka diidmo lagaa siiyo, waxaa la yiraahdaa codsigaagii waa la diiday.
Gadaal ayaad ka akhrisan kartaa waxyaabo dheeraad ah oo ku saabsan waxa dhacaya haddii diido lagaa siiyo codsigaaga magangelyo doonka.
Qofkee ayaa la siinayaa magangelyo?
Sharciga iswiidhishku wuxuu sheegayaa qofka magangalyo laga siin karo Iswiidhan. Hey'adda laanta socdaalka waxeey baareysaa in sababaha aad adigu u sheegtay ay ku filan yihiin in magangalyo adiga lagu siiyo.
Iswiidhan waxaa si gaar ah oo shakhsinimo ah ah u baarta dhammaan codsiyada magangelyo doonka Laanta socdaalka. Iswiidhan waa inay siisaa sharciga ogolaanshaha qofka qaxootiga loo aqoonsado, haddii kale u baahan magangelyo badbaado ama u baahan inuu ku joogo sababo kale.
Qaxooti
Sida uu dhigayo heshiiska qaxootiga ee Qaramada midoobay iyo sharciga Iswiidhishku waxaad adigu tahay qaxooti haddii aad hayso sabab aad uga baqayso in dabagal lagugu sameeyo sababtuna ay tahay
- jinsiga
– tusaale ahaa midabka aad tahay - dhalashada
– tusaale ahaan, dhalashadaada, luqaddaada ama qowmiyaddaada - diinta
– ilaaha (Alle) aad aaminsan tahay ama in aanad waxba aaminsanayn - ra’yiga siyaadadeed
– tusaale ahaan, aragtidaada ku aadan sida dalkaaga hooyo loo hogaamin lahaa - lab ama dhedig
– haddii aad tahay gabar ama wiil - niica galmada aad tahay
– tusaale haddii aad adigu tahay gabar jecel galamada gabdhaha kale ama wiil jecel galmada wiilasha kale - inaad ka tirsan tahay koox bulshada oo gaar ah
– mararka qaarkood carruurta waxa lagu xisaabin karaa inay yihiin koox bulsheed oo gaar ah.
Mararka qaar kood kuwa go'aanka ka gaara waddanka ayaa dadka dabagalka ku sameeya una hanjaba dadka sidaa darteed waa inay dadku ka baxsadaan. Laakiin sidoo kale magangalyo ayuu qofku dalban karaa haddii uu yahay qof shakhsi ah ama kooxo dadka wax dhibaataynaya, oo aanay hey’addaha wadanka ka jira (tusaale ahaan booliska) aanay awoodin ama aanay doonayn inay difaacaan oo caawiyaan dhibanaha.
Markaa kuma filna in cadaadiska noocan oo kale ah hore laguugu soo sameeya. Waa inay sidoo kale jirtaa khatar weyn oo ah inay mar labaad ku soo gaarayaan waxyaabahan oo kale haddii dib laguu celiyo. Sidaa daraadeed taas ayaa sabab u ah in qofka arrintaada gacanta ku hayaa ee Hey'adda laanta socdaalka uu kuu weydiinayo waxa aad u malaynayso inay kugu dhici doonaan haddii ay noqoto inaad ku laabato wadankaagii hooyo.
Haddii adiga qaxooti laguu ictiraafo waxa lagu siinayaa sharciga degganaanshaha muddo saddex sanno ah.
Beddelkeeda u baahan badbaado
Sida uu qabo sharciga Iswiidhan mararka qaarkood magangalyo waad heli kartaa xitaa haddii aan adiga laguu aqoonsan inaad tahay qaxooti sida lagu soo xusay qodobada kor ku qoran, laakiin aad wali ka baqayso inaad ku laabato wadankaagii hooyo.
Waxa adiga laguugu yeerayaa inaad beddelkiisa u baahan tahay badbaado haddii aad halis ugu jirto in laguu geysto jirdil, ciqaab dil ah ama laguu geysto waxyaabo bi’aadanimada ka baxsan ama si fool xun laguula dhaqmo wadankaaga. Waxa kale oo adiga sharci degenaanshaha ee beddelkiisu yahay badbaada lagu siinkaraa haddii dagaal badani uu ka dhaco waddankaaga oo dhammaan dadka halkaas jooga ay halis ugu jiraan in la dilo.
Qofka loo aqoonsado in la siiyo sharcdiga beddelkiisu yahay badbaadada waxa la siinayaa sharci deggenaansho ah muddo 13 bilood ah.
Xaaladaha kale ee sharciga deggenaanshaha
Magangelyo doonka ayaa mararka qaar heli kara sharci deggenaasho xataa haddii uusan buuxin shuruudaha sharciga qofkad loogu yeero qaxooti ama qof si kale ugu baahan badbaado. Hay’adda laanta socdaalka ayaa xilliga ay go’aanka gaareyso sameyso qiimeyn dhinacyo badan ah oo lagu eegayo xaaladda caafimaadka ee shakhsiga, sida uu ula qabsaday Iswiidhen iyo xaaladda ka taagay dalkiisa hooyo.
Haddii adiga lagu siiyo sharciga deggenaanshaha
Sharciga deggenaanshaha macnihiisu waa inaad HAA ku heshay arjigaagii codsiga magangalyo doonka ahaa. Waxa adiga laguu oggolaaday in aad Iswiidhan deggenaato.
Haddii adigu aad hesho sharci deggenaanshaha waxa shir laydinku yeerayaa adiga iyo qofka mas’uulka kaa ah, shirkaas oo ka dhacaya qaybta soo dhaweynta. Qofka arrintaada gacanta ku haya ayaa kuu sheegaya go'aanka wuxuuna kuu sharxayaa sababta laguugu oggolaaday inaad wadanka degto iyo waxa ku xiga ee dhacaya.
Go’aanka kadib
Adiga iyo qofka kaa mas’uulka ah waxaa booqanaysaan Hey'adda canshuuraha si ay kuu diiwaan geliyaan adiga. Taas macnaheedu waa in adiga laguu sameeyo toban lambar oo caddaynaya dhalshada qofka ee ay la socdaan afar lambar oo ugu dambeeyaa.
Hal bil kadib markaad adigu hesho sharciga deggenaanshaha waxaa lagaa saari doonaa Hey’adda laanta socdaalka. Markaa laguma siin doona adiga lacagtii guno maalmeedka ahayd ee lagu siinjiray sidoo kale ma shaqayn doono kaarkaaga bangigu. Haddii aad u baahan tahay lacagta ku jirta kaarka waa muhiim inaad kala baxdo ka hor inta aan lagaa saarin Hey’adda laanta socdaalka. Kadibna waxaa la soo gunaanadayaa codsigaagii magangalyo doonka ahaa. Degmada aad deggen tahay ayaa sii wadaysa inay adiga mustaqbalka kaa mas'uul noqdaan. Xoghaynta arrimaha bulshada ayaa kuu sheegaysa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa ku xiga ee dhacaya.
Muddo intee leeg ayuu sharciga deggenaanshu shaqeynayaa?
Dadka magangelyo doonka ayaa badankooda hela sharci deggenaasho oo ku meel gaar ah. Taasi micnaheedu waa in qofka loo oggolaado inuu joogo Iswiidhen muddo cayiman, sida badan 13 bilood ama sadax sanno. Marka uu dhaco sharciga deggenaashaha wuxuu qofku codsan karaa in wakhtiga sharciga loo kordhiyo. Hadduu qofku wali u baahan yahay badbaadin wuxuu markaa heli karaa sharci deggenaasho ee laba sanno oo horleh.
Sharciga joogtada ee deggenaashaha
Qofka heystay sharci deggenaasho muddo sadax sanno ah wuxuu codsan karaa sharci joogto ah ee deggenaasho isla wakhtiga uu codsanayo in wakhtiga loo kordhiyo. Qofka jira 15 sanno ama da’ ka weyn waa inuu ku noolaa nolol dhowrsan si uu u helo sharciga deggenaashaha ee joogtada ah. Hadduu qofku galay danbi waxaa la soo diidi karaa codsigiisa sharciga joogtada ee deggenaasho. Qofka jira 18 sanno ama da’ ka weyn waxa looga baahan marka uu dalbanayo sharciga deggenaashaha ee joogtada inuu isaguna masruufkiisa ka adag yahay.
Qofka aan buuxin shuruudaha sharciga deggenaashaha ee joogtada waxa dhici karta iyo sharciga deggenaashaha loo kordhiyo hadduu wali u baahan yahay badbaadin.
Haddii ay hay’adda laanta socdaalku soo diiddo codsiga qofka ee sharciga deggenaashaha ee joogtada sababtuna ay tahay qofkaa oo aan buuxin shuruudda kasbashada masruufka ama shuruudda dhowrsanaanta wuxuu racfaan ka qaadan karaa go’aanka.
Mideynta qoyska
Haddii lagu siiyay sharci deggenaashaha xaaladaha qaarkood waad kulla midoobikartaa qoyfskaaga Iswiidhan. Qofka arrintaada gacanta ku haya ee kuu sheegaya inaad sharcigii deggenaanshaha Iswiidhan heshay ayaa kaa siinaya warbixin dheeraad ah arrintaas.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan mideynta qoyska ka akhriso bogga www.migrationsverket.se, meesha ay ku qoran tahay cinwaanka U soo guur qof Iswiidhan deggan
Haddii adiga codsigaaga diidmo lagaa siiyo
Diidmada micnaheedu waa inaad MAYA ka heshay codsigaagii magangalyada. Haddii diidmo lagu siiyey waxaad leedahay inaad laba wax kala doorato: Waad aqbali kartaa go'aanka oo Iswiidhan waad ka baxaysaa ama waxaad u dacwoon kartaa maxkamadda laanta socdaalka.
Diidmada codsigaagii waxay ka dhigan tahay inay Hey'adda laanta socdaalku qiimaysay in aanad adigu haysan sababo kugu filan si aad Iswiidhan magangalyo ugu hesho. Adiga iyo qofka kaa mas’uulka ah ayaa shir la yeelanaya qofka arrintaada gacanta ku haya, qofkaas ayaa ku sharaxaya sababta laguugu diiday iyo waxa hadda dhacaya.
Go’aanka oggolaanaya
Haddii aad adigu aqbasho go'aanka, waxaad saxeexaysaa warqad caddaynaysa inaadan rabin rafcaan ama aad ka dacwooto. Markaad aqbasho go'aanka waxaad caawimo ka heli kartaa Laanta socdaalka si aad u diyaariso safarkii aad dib ugu laaban lahayd waddankaagii.
Ka dacwoonaya
Waad ka dacwoon kartaa go'aanka hadii aanad ku qanacsanayn go'aanka Hey'adda laanta socdaalka. Adiga iyo qofka mas’uulka kaa ah waa inaad warqad ugu qortaan Laanta socdaalka taas oo aad ku caddaynaysaan sababta aad ugu malayneysaan inuu go'aanku ku khaldan yahay. Abukaataha ayaa kaa caawin kara inaad qorto warqada dacwada/rafcaanka. Go’aankaaga ayey ku qortan tahay muddada aad haysato ee aad kaga dacwoon karto.
Hey'adda laanta socdaalka ayaa akhriyi doonta racfaankaaga waxayna qiimeyn doontaa in go'aanka wax laga baddelo iyo in kale. Haddii ay Hey'adda laanta socdaalku u aragto in aanay jirin sabab wax looga baddelikaraa go'aanka dacwada waxay markaa u gudbinayaa maxkamada laanta socdaalka. Maxkamadda laanta socdaalka ayaa dib u eegi doonta dacwadaada. Haddii maxkamada hey'adda laanta socdaalku ay adiga kugu raacdo markaa waa inay Hey'adda laanta socdaalka beddeshaa go'aankii markaa waxa adiga laguu ogol yahay in aad waddanka jooto.
Haddii maxkamada hey'adda laanta socdaalku diido dacwadaadii waxay ka dhigan tahay inay ku raacsan yihiin go'aankii ay soo saartay Hey'adda laanta socdaalku. Markaa waxaad u dacwoon kartaa maxkamada sare ee Hey'adda laanta socdaalka, laakiin maxkamadaasi waxay tijaabisaa oo fiirisaa kiisas khaas ah oo keliya oo aanay ku caddayn sida sharciga loo turjumayo. Haddii maxkamada sare ee hey'adda laanta socdaalku go'aan ku gaarto in aanay dacwadaada eegin macnaheedu waa adigu mar kale kama dacwoon karrid ee waxa dhaqan gelaya go'aankii hey'adda laanta socdaalku gaartay (markaa wuu dhaqan geleyaa).
Markasta waa isbeddelikartaa adigu oo waad la soo noqonkartaa warqadaadii dacwada oo aad beddelkeeda go’aan ka gaarikartaa in aad wadankaagii dib ugu laabato. Markaa waxaad caawimo ka helisaa Laanta socdaalka si aad ugu diyaargarowdo safarkii aad wadankaaga.
Dib ugu laabanaya
Marka adiga codsigaaga magangalyo doonka diidmo lagaa siiyo, waa inaad u diyaar garowdaa inaad ku noqoto wadankaagii hooyo. Hey'adda laanta socdaalka ayaa kaa caawin doonta qabanqaabada safarkaaga laabashada haddii aad wada shaqayn la samayso.
Hey'adda laanta socdaalka ayaa kuugu yeeri doonta shirar badan si aad ugala hadasho waxa loo baahan yahay in la sameeyo si aad awood ugu yeelatid sidii aad dib ugu laaban lahayd. Ilaa iyo inta aad adigu wada shaqayn la leedahay Laanta socdaalka waxay ku siindoonaan caawimo sidii ay u diyaarin lahaayeen safarka aad dib ugu laabaneyso dalkaagii hooyo. Haddii aanad wada shaqeyn la samaynin Hey'adda laanta socdaalka waxay kiiskaaga mas'uuliyadiisa ku wareejin doonaa booliska.
Haddii aad adigu wali ka yar tahay 18 sano markaad aad dib Iswiidhan uga laabanayso, waa inuu jiraa qof kugu qaabbila marka aad xaggaa ka degeyso. Wuxuu qofkaasi noqon karaa waalid, qaraabo ama qof hey'ad mas'uul ka ah oo u shaqeeya carruurta aan qof mas’uul ahi la socon. Shaqaalaha hey'adda socdaalka way kula safrayaan waxayna hubinayaan in qof kugu qaabilay garoonka diyaaradaha markii aad xaggaa tagto.
Haddii waalidkaa ay ku nabad qabaan wadan aan ka aheyn wadankaagii hooyo, Hey'adda laanta socdaalka ayaa isku dayi doonta inay kaa caawiso inaad kula midoobid waalidkaa halkaas ay joogaan.
Hey'adda laanta socdaalka ayaa kaa caawinaysa
Ma aha inaad jeclaato go’aanka inaad Iswiidhan ka baxayso. Laakiin haddii aad aqbasho go'aanka oo aad ogolaato inaad si ikhtiyaari ah u laabato, markaa Laanta socdaalka ayaa kaa caawin doonta qorsheynta safarkaaga. Tusaale ahaan, waxaad ka heli kartaa caawimaad ku saabsan goynta tigidka safarka, diyaarinta baasaboorka iyo la xiriirida qaraabadaada waddangaagii joogta.
Xaaladaha qaarkood waxaad adigu sidoo kale codsan kartaa taageero dhaqaale ama noocyo kale oo taageero ah si ay kuugu fududaato si bulshada aad u timid u dhexgasho.
Waxaad ka akhrisan kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan taageerada markuu qofku dib u laabto www.migrationsverket.se/asyl.
Haddii aanad adigu raacin go’aanka
Hey'adda laanta socdaalku waxay kaa caawin kartaa haddii aad adigu u diyaar garowdo safarkaaga oo aad iskaa u ogolaato inaad ka baxdo Iswiidhan oo keliya. Haddii aad iman weydo shirarka ay hey'adda laanta socdaalka kuugu yeerto, haddii aad dhuumato ama aad si kale u muujiso in aanad diyaar u ahayn dib u laabaso, markaa Hey'adda laanta socdaalku waxay kiiskaaga ku wareejin doontaa booliska. Taas macnaheedu waxaa weeye inay boolisku adiga mas'uul kaa yihiin si aad u raacdo go'aanka iyo sidii aad uga bixi lahayd Iswiidhan. Haddii aad buuxiso 18 sano, waxaad waayi doontaa xaqa aad u leedahay taageerada dhaqaale haddii aadan raacin go'aanka.
Dhacdooyinka cusub diidmada kadib
Mararka qaar waxa dhici kara in go'aankii la gaaray ee aad wadanka kaga baxaysay la baajiyo. Tusaale ahaan waxaad noqonkartaa qof aad u jiran oo aadan safri karin, ama waxaa jiri kara sababo cusub oo soo baxay ama caddaymo cusub oo sababahaaga magangalyo doonka ku saabsan oo Hey'adda laanta socdaalku aanay ogeyn markii aannu go'aanka gaarnay. Xaaladaha noocaas oo kale ah waa in aad adiga iyo qofka mas’uulka kaa ahi warqad u qortaan Laanta socdaalka oo aad u sheegtaan wixii dhacay. Hay'adda laanta socdaalka ayaa markaa go’aan ka gaaraysa bal inay sababaha cusubi ku filan yihiin in lagaa baajiyo masaafuriska.
Mararka qaarkood masaafuriska si ku meelgaar ah ayaa loo joojin karaa si ay Laanta socdaalku waqti ugu hesho baaritaanka dhacdada cusub ee soo baxday. Taas waxa loo yaqaanaa joojin ku meelgaarka ah ”inhibition”.
Sugaya intaad wadankii ku laabanayso
Waxaad xaq u leedahay inaad dhigato iskuul, aad la kulanto daryeelka caafimaadka iyo in lagu siiyo caawimaad lacageed iyo mid guriba ilaa intaad Iswiidhan joogto. Qofka kaa mas’uulka ah ayaa kaa caawin doona arrimahaas ilaa intaad ka baxdo Iswiidhan ama aad buuxinayso 18 sanno.
Markaad noqoto 18 sanno
Sida uu dhigayo sharciga Iswiidhan, qaangaar ayaad noqonaysaa markii aad gaarto 18 sanno. Taas macnaheedu waxa weeye xaq uma lahaan doontid in lagu siiyo taageerada iyo caawimada la siiyo carruurta keligood yimaada ee aanay waalidkood la socon, iyo in codsigaaga magangelyo doonka ah loo eego si waafaqsan sharciyada magangalyo doonka ee dadka qaangaarka ah.
Kahor intaanad adigu buuxin 18, ama inta ay Laanta socdaalka go’aan ka gaareyso in da'daada loo beddelo inaad ka weyn tahay 18 sanno, waxaa laguugu yeerayaa doonaa kulan warbixin ah oo ku saabsan xuquuqahaaga iyo waajibaadyadaada isbeddelaya markaad noqoto 8 sanno.
Qofka mas’uulka ah (god man)
Waxa ugu muhiimsan ee u dhexeeya ahaanshaha ilmo keliyiis yimid oo aanay a socon waalidkii iyo qof magangalyo doon ah oo qaangaarka ah ayaa ah in aanad inta badan xaq u laheyn qof kaa mas’uul ah markaad gaarto 18 sanno. Qofkii mas’uulka ahaa hawshiisii way dhamaanaysaa maxaa yeelay waxaad noqotay qof qaangaarayah oo uma baahnid wixii intaa ka dambeeya qof kaa mas’uul ah. Adiga ayaa maarayn kara xiriirka aad la leedahay hey’addaha, adiga ayaana saxeexaya waraaqaha dhammaantood.
Guriga
Hey'adda laanta socdaalka ayaa mas'uul ka ah inay u diyaariso guryo ku meelgaar ah dhammaan dadka waaweyn ee magangelyo doonka ah ee u baahan. Degmada aad adigu deggan tahay waxay dalban kartaa in hey'adda laanta socdaalku ay la wareegto mas'uuliyada oo ay kuu diyaariso guri ku meelgaar ah marka ay degmadu hesho warbixin ku saabsan inaad buuxisay 18 sano ama Hey'adda laanta socdaalky ay da'daada ka badashay 18 sanno. Taasi way dhici kartaa xitaa haddii aad adigu ka dacwooto go'aanka lagu beddelayo da'daada.
Haddii aad adigu u baahan tahay caawimaadda Hay'adda Socdaalka ee guryaha ku meelgaarka ah, ma dooran kartid meesha aad deggeyso. Waa inaad u guurtaa meesha ay Hey'adda laanta socdaalka ku leedahay guryaha banaan. Hey'adda laanta socdaalka waxeey isku dayeysaa inay kuu diyaariso guri kuu dhow xaafadii aad horey u deggenayd laakiin ma jiraan wax dammaanad qaad ah inay sidaa noqonayso.
Waxaad sidoo kale dooran kartaa inaad adigu guri iskaa u raadsankaro, tusaale ahaan adigoo la deggeya qaraabadaada ama asxaabtaada. Markaas waa inaad adigu iska bixisaa kharasha guriga.
Kala hadal qaybtaada soo-dhowaynta haddii aad u baahan tahay caawimo ku saabsan in guri laguu diyaariyo.
Dhaqaalaha
Marka aad adigu buuxiso 18 sanno adiga ayaa ka ms’uul ah dhaqaalahaaga.
Daryeelka caafmaadka- iyo daryeelka ilkaha
Carruurta magangalyo doonka ah waxay xaq u leeyihiin daryeel ilko iyo daryeel caafimaad oo bilaash ah. Hase yeeshee qofka weyn ee magangalyo doonka ahi wuxuu kaliya xaq u leeyahay daryeel caafimaad iyo daryeel ilkaha iyo daryeel aan la sugi karin oo degdeg ah. Shaqaalaha isbitaalka, rugta caafimaadka, ama rugta daryeelka ilkaha ee soo dhoweynta ayaa qiimaynaya in adiga lagu siinkaro daryeel caafimaad iyo inkale.
Dadka waaweyn ee magangalyo doonka ahi waa inay bixiyaan kharashka booqashada isbitaalka iyo daawooyinka. Waa inaad tusto kaarkaaga LMA waxaadna bixin doontaa qiimo hoose.
Iskuulka
Haddii aad adigu wax ka baranayso dugsiga sare waxaad xaq u leedahay inaad sii wadato iskuulka inta aad sugeyso go'aanka codsigaaga magangelyo doonka. Xaqa aad u leedahay in aad sii wadato waxbarashadaada dugsiga sare ayaa khuseysa xitaa haddii aad u guurto mid ka mid ah guryaha ku meelgaarka ah ee Hey'adda laanta socdaalka ee degmo kale ku yaala.
Si kastaba ha ahaatee haddii aanad adigu wax ka baranayn dugsiga sare laakiin aad doonayso inaad waxbarto inta aad sugeysid go'aanka waxaad weydiin kartaa qeybtaada soo dhowaynta "dadaal ku bixinta wakhtiga hore hore ee magangelyo-doonka" (sidoo kale loo yaqaano TIA).
Haddii codsigaaga la diido
Haddii aad buuxiso 18 sanno markaa hadda kadib muhiim ma aha in marka aad dib wadankaagii ugu noqonayso uu ku qaabilo qof qaraabo ama hey’ad dowladeed ka socdaa.
Haddii adiga lagu siiyey go'aanka ah inaad Iswiidhan dib uga laabato, waa inaad uga baxdaa Iswiidhan muddada kama dambaysta ah ee go'aanka ku xusan, ama sida ugu dhakhsaha badan haddii aanu jirin wakhti go'an oo go'aanka aan mar dambe racfaan laga qaadan karin. Haddii aadan Iswiidhan uga bixin mudadaas gudaheeda, waxaa jirta halis ah in lagaa mamnuuco adiga inaad dib u soo laabato wadanka, taas oo ah inaadan dib ugu soo laaban doonin Iswiidhan muddo 1-5 sanno gudahood.
Waxaad xaq u leedahay inay Hey’adda laanta socdaalka ku siiso guri iyo taageero dhaqaale ilaa iyo inta ay ka dhamaaneyso wakhtiga ugu dambeeya ee laguu qabtay inaad dib u laabato, ama marka aan go’aan racfaan mar dambe laga qaadan karin haddaan lagu siin wakhtiga kama danbaysta ah. Haddii aad adigu leedahay carruur iyaguna magangalyo ka codsadeen Iswiidhan waxaad xaq u leedahay inay Hey’adda laanta socdaalku kuu dheereeyso taageerada.
Hey'adda laanta socdaalka waxay adiga kaa caawineysaa isku diyaarinta safarkaaga ilaa inta aad iyaga wada shaqayn la leedahay.
Ka akhriso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka qofka weyn ee magangalyo doonka ah boggan www.migrationsverket.se/asyl.
Qofka weyni muhiim uyuu u yahay ilmo yar oo codsaday magangalyo
Inuu qofku ka qaxo wadankiisa oo uu wadan kale iska dhiibo waxay qofkasta ka noqonkartaa wax cabsi leh. Inuu ilmo yari sidaa sameeyo isagoon waalidkii la socon waxay ilmaha ku noqonkartaa dhibaato aad ugu xanaf badan.
Waxa mararka qaarkood la yiraahdaa in dadka magangalyo doonka ah, iyo gaar ahaan caruurta keligood ah ee aanu waalidkood la socon, ay xoog badan yihiin. Maadaama ay soo maareeyeen inay keligood adduunyhada dhinaca kale soo gaaraan, waxay u badan tahay inay wax walba qaban karaan. Laakiin xitaa carruurta ugu xoogga badan uguna qallafsan waxay u baahan yihiin dad waaweyn oo ammaan ah oo ku hareeraysan si ay carruur u noqdaan. Carruurta baxsadka ahi kama reeban yihiin, ee markay waalidkood maqan yihiin, waxa loo baahan yahay dad kale oo waaweyn oo muhiimka ah inay carruurtan siiyaan nabadgelyo iyo xasillooni maskaxeed xaalad aan ammaan ahayn.
Dhammaan carruurtu way ka duwan yihiin oo qof kasta oo magangelyo doon ah wuxuu wataa sheeko u gaar ah. Qaar ka mid ah carruurta keligood ah ee aan waalidkood la socon waxay ku noolaayeen baxsi muddo dheer waxaana laga yaabaa inaysan arkin waalidkood dhowr sano. Qaar kalena dhowaan ayey kala lumeen waalidkood. Qaarkood waxay xiriir la leeyihiin eheladooda, halka kuwa kalena aysan garanaynin meel ay ka bilaabaan raadinta. Dhammaan carruurta magangelyo doonka ahi waxay xambaarsan yihiin su'aalo iyo walwal. Qaarkood waxay weydiiyaan xaaladooda waxayna weydiistaan caawimo. Kuwa kale iyaga ayaa iska xambaarsan walwalkooda oo dhan kumana dhiiran karaan inay cidkale wax waydiiyaan.
Qofka weyni door muhiim ah ayuu ka ciyaari karaa. Waxaad tahay qof hagi kara oo taageeri kara ilmaha magangalyo doonka ah xaalada uu ilmuhu ku sugan yahay. Waxaad si wadajir adiga iyo ilmuhu u akhrisan kartaan boggaggan. Si wadajir ah u dhexmara idinku talaabooyinkan kala duwan kuwaas oo la qaado marka uu qofku magangalyo doon yahay.
Haddii aanad adigu ka helikarin su’aalaha uu ilmuhu qabo jawaabahooda warbixintan waxaad ka akhrisan kartaa boggan www.migrationsverket.se ama waxaad weydiinkartaa qofka kiiska ilmaha gacanta ku haya.
Qofka weyn ee muhiimka ahi wuxuu noqonkaraa
- waalid
- qof kale oo haya mas’uuliyada sharciga ah ee illmaha
- qofka mas’uulka ah ee ay degmadu u qabtay ilmaha (god man)
- qaraabo
- macalin
- la taliyaha dhinaca arrimaha bulshada (kurator)
- qof ka socda urur tabarruc ah
- shaqaalaha Hey’adda laanta socdaalka.
Warbixin dheeraad ah iyo taageero
Halkan waxaad ka heli kartaa talooyin iyo taageero ay ku siinayaan ururo iyo websatyo aad ka barankarto waxyaabo badan oo ku saabsan Iswiidhan.
Dhammaan websaytyadan waxaa laga heli karaa boggan www.migrationsverket.se/barn-info
Bris, Xuquuqda carruurta ee bulshada, waa urur ka shaqeeya xuquuqda carruurta. Waxaad la xiriiri kartaa Bris haddii aad u baahan tahay inaad qof weyn la hadasho.
Ka waca Bris lambarka telefoonka caawimada dhalinyada loogu talagalay: 116 111.
www.bris.se/for-barn-och-unga
Badbaadinta carruurta waa urur ka shaqeeya xuquuqda carruurtan loogu talagalay.
www.raddabarnen.se/rad-och-kunskap/barn-och-unga
Laanqayrta/bishada cas waa urur ka shaqeeya ilaalinta iyo caawinta dadka u baahan. Laanqayrta/bisha cas waxay kaa caawin kartaa inaad hesho ehelkaaga.
www.rodakorset.se/fa-hjalp/
Wakiilka caruurtu (Barnombudsmannen) waa hey'ad xaqiijisa in hey'adaha kale ee Iswiidhan u hogaansamaan heshiiska xuquuqda caruurta. Halkan waxaad ka baran kartaa wax badan oo ku saabsan xuquuqdaada.
www.barnombudsmannen.se/for-dig-under-18/
Youmo waa websayt loogu talagalay soo dhoweynta dhallinyada. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa waxyaabaha ku saabsan galmada, caafimaadka iyo xiriiro oo ku qoran luuqado kala duwan.
www.youmo.se
RFSL waxay u shaqeeyaan xuquuqda khaniisiinta, galmo lala sameeya labada jinsi, dadka isu arka inay yihiin rag, dumar, lab iyo dhedig iyo dhexdhexaad (transpersoner), dadka muujiya ee u malaynaya inay habboon tahay in boos loo helo caadooyinka aan ahayn khaniisnimada bulshada dhexdeeda (queers) iyo xuquuqda dadka isku dhexdara galmada (intersexpersoner). RFSL waxay la shaqeeyaan dadka magangalyo doonka iyo dadka soo-galootiga cusub.
www.rfsl.se/verksamhet/asyl-och-migration/raadgivning
Jacaylku waa bilaash waa meel taageero chattka lagu oo loogu talagalay dadka dhalinyarada ah ee u nugul rabshadaha iyo dulmiga la xiriira sharafta.
karlekenarfri.se
Khadka Nabadda haweenka (Kvinnofridslinjen) wuxuu qofka haweenka ah ee loo geystey dhibaato hanjabaadeed iyo mid jirdil ahba siiyaa talooyin iyo taageero, mid maskaxeed ama galmo khasab ah. Warbixintu waxay ku qoran tahay luqado kala duwan. Waxaad sidoo kale wici kartaa 020‑50 50 50. Waxay kuu diyaarin doonaan turjubaan daqiiqado gudahood.
www.kvinnofridslinjen.se
Macluumaadka carruurta ee ku saabsan guurka carruurta iyo waxa ka khuseeya Iswiidhan waxaa soo saaray Maamulka dhexe ee arrimaha bulshada.
Websaytyada ay ku qoran yihiin macluumaadku www.migrationsverket.se/barn-info
Xaqayga – maadaama aad adigu tahay ilmo keligiis yimid oo aanay la socon waalidkii wuxuu doorkaagu ku jihaysan yahay, qofka kaa mas’uulka ah iyo dhammaan dadka kale ee ku lug leh doorarka kala duwan si ay adiga kuu caawiyaan. Halkan waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan doorarka kala duwan iyo xuquuqda aad leedahay. Tusaale ahaan, waxaad daawan kartaa filimaan gaagaaban oo ku saabsan waxa qofka kaa mas’uulka ahi adiga kaa caawin karo.
rfs.se/om-rfs/projekt/min-ratt-din-roll
Filimada Maxaa dhacaya hadda? waxaa loogu talagalay ilmaha keliyood yimid ee aanay waalidkii la socon ee ku nool Iswiidhan ilmahaas oo deggan guri dhalinyarada lagu hayo ama la deggan qoys, Filimaanta waxaad ku ogaan doontaa waxa marka ugu horeysay ka dhacay Iswiidhan, dadka aad la kulmi karto iyo sida howlaha magangalyadu u socdaan. Waxaad daawan kartaa filimada kaligaa ama si wadajir ayaad ula daawan kartaa qof weyn. Filimaanta waxaa lagu heli karaa luqado kala duwan.
Ka raadi Youtubka "Socialstyrelsen vad händer nu" ("Maamulka dhexe ee arrimaha bulshada waxa hadda dhacaya").
Macluumaadka Iswiidhan waa meel loogu tala galay dadka ku cusub Iswiidhan jooga. Halkaan waxaad ka heli kartaa warbixin ku saabsan sida bulshada Iswiidhishku u shaqeyso markay noqoto tusaale ahaan guryaha, waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.
www.informationsverige.se
Barashada Iswidhishka waa bog laga helo macluumaadka Iswidhishka oo ku saabsan sida aad keligaa u baran karto luqadda iswidhishka.
www.larasvenska.se
Appka "Migrationsverket Stories" waxaad adigu ku ogaan doontaa sida loo dalbado magangalyo iyo xuquuqda ay leeyihiin carruurta magangalyo doonka ah ee Iswiidhan ku nool. Waad kala dooran kartaa haddii aad rabto inaad ku dhageysato luqadda iswidishka, ingiriiska, carabiga, soomaaliga, beershiyanka ama albaaniga. Appka waxa lagu heli karaa iPhone iyo Android wuxuuna ku habboon yahay carruurta da'doodu tahay toddobo ilaa kow iyo toban sano.
Waa maxay macnaha eraydu?
Alternativt skyddsbehövande – Qof beddelkiisa u baahan badbaado waa qof magangalyo ka dalbaday Iswiidhan oo helay sharci beddelkiisu yahay badbaadada. Markaa waxa badaan qofkaas lasiiyaa sharci degganaansho ah oo 13 bilood ah.
Asyl – Magangalyo micnaheedu waa hoy la magangalo. Marka qofku magangalyo dalbado, nin ama naag kuu doonada ha noqdee wuxuu magangalyo qofkaasi ka dalbaday wadan aan ahayn dalkiisa hooyo ahayn.
Asylprocess – Nidaamka magangalyo doonku waa talaabooyinka kala duwan ee qofka magangalyo doonka maro – laga bilaabo codsiga ilaa go'aanka.
Asylsökande – Magangalyo doon waa qofka Iswiidhan yimaada ee ka codsada magangalyo, laakiin aan wali helin jawaabtii ugu dambeysay ee codsigiisa.
Asylutredning – Baaritaanka magangalyadu waa marka adiga interfiyuuga lagaa qaadayo ee aad ka sheekaynayso sababta aad Iswiidhan uga rabto magangelyo.
Avslag på asylansökan – Diidmada codsiga magangalyu wuxuu ka dhigan yahay marka qofka diidmo laga siiyo codsigiisa magangalyada.
Barn – Carruur waa dhammaantood dadka da'doodu ka yar tahay 18 sano.
Beslut i ett asylärende – Go'aan kiis magangalyo waa marka ay Hey'adda laanta socdaalku go'aan ka gaarto in qofka magangelyo doonka ah loo ogolaado inuu joogo iyo in kale Iswiidhan.
Dagersättning – Lacagta gunno maalmeedku waa deeq ay bixiso Hey'adda socdaalka oo uu qofka magangelyo doonka ahi codsan karo haddii aanu qofkaasi haysan lacag isagu leeyahay.
Dom – Xukun. Inta badan go’aamada hey'adda laanta socdaalka waxaa looga dacwoon karaa maxkamad. Markay maxkamaddu go'aan gaarto waxaa la yiraahdaa xukun.
Flykting – Qaxooti waa qof codsaday magangalyo oo helay sharci qaxootinimo. Taas macnaheedu waa in la buuxiyey shuruudihii Qaramada midoobay ee xuquuqda qaxootiga, waxa loogu yeero Geneva Convention. Markaa waxa badanaa qofka la siiyaa sharci deggenaansho ah oo 3 sano ah.
God man – Qof mas’uula ah waa qof ay tahay inuu ilaaliyo danaha carruurta magangalyo doonka ah marka aanay carruurta waalidkood awood u lahayn. Wuxuu noqon kartaa nin ama naag.
Identitet – Aqoonsiga macnahiisu waa qofku qofka uu yahay. Marka ay Hey'adda laanta socdaalka wax kaa weydinayso aqoonsigaaga, waxaanu annagu ula jeednaa magacaaga, da'daada iyo meesha aad ka timid.
Laga kraft – Sharci dhaqan galay macnihiisu waa in go'aanka aan racfaan laga qaadan karin mar dambe.
Migrationsverket – Hey'adda laanta socdaalka waa hey'adda ka jirta Iswiidhan oo baarta codsiyada dadka magangalyo doonka ah. Hey'adda laanta socdaalka waxay sidoo kale baartaa codsiyada dadka raba inay soo booqdaan ama u soo guuraan Iswiidhan, ama raba inay noqdaan muwaadin Iswidhish ah
Myndigheter – Hey’adduhu waa inay hubiyaan in bulshadu ay u shaqayso sidii loogu talagalay iyada oo la raacayo sharciyada baarlamaanka uu go'aamiyey.
Offentligt biträde – Abukaate waa qof yaqaana sharciyada Iswiidhan. Abukaataha ayaa adiga kaa caawin doona cosigaaga magangalyada. Abukaatuhu badanaa waa qof sharci yaqaan ah umana shaqeeyo Laanta socdaalka
Socialtjänsten – Adeegyada bulshada waxa laga heli karaa degmo kasta. Waxay ku shaqeeyaan sharci loo yaqaan xeerka adeegyada Bulshada. Sharciga adeegga bulshadu wuxuu ku saabsan yahay qofka xaqa u leh xannaada- iyo daryeelidda dadka ku nool degmada dhammaantood. Adeegu wuxuu ka kooban yahay sharciyo ku saabsan sida bulshadu u caawinayso kuwa u baahan caawimaada laakiin aan meel kale ka helayn caawimo.
Tystnadsplikt – Waajibka xog qarinta micnaheedu waa in dadka ka shaqeeya tusaale ahaan Hey'adda laanta socdaalka aan loo ogolayn inay u sheegaan wixii aad iyaga u sheegtay qofkale oo aan xaq u lahayn inuu ogaado.
Uppehållstillstånd – Sharciga ogolaanshaha macnahiisu waa in qofka cosigiisii haa la siiyey inuu Iswiidhan dego.
Överklaga – Rafcaan qaadasho waxaa loola jeedaa in qofku warqad u qoro hey'ad ama maxkamad in nin iyo naag kuu doonaba ha noqdee aanu ku raacsanayn waxa ay hey’addu ama maxkamaddu go’aamisay. Qofku wuxuu rabaa inay hey’addu ama maxkamaddu beddesho go'aanka.