Baaritaanka/interfiyuuga magangalyo doonka

Asylut­red­ning – somaliska

Baaritaanka magangalyadu waa wada hadal adiga iyo qoyskaagu aad wax badan kaga sheegi doontaan sababta aad magangelyo uga doonaysaan Iswiidhan. Baaritaanka/interfiyuuga magangalyada ee qoysku wuxuu qaadan karaa saacado badan, sidaas darteed waxaa laga yaabaa inaad joogtaan Hay'adda laanta socdaalka maalintii oo dhan. Waa inaad u soo qaadataan maalinta baaritaanka waxa lagu magacaabo caddaymaha baaritaanka. Waa dukumentiyo aqoonsi ah iyo waxyaabo kale oo muujinaya in waxa aad sheegaysaan ay run yihiin.

Baaritaanka/su’aalaha waxaa mas'uul ka ah qof ka socda Hay'adda laanta socdaalka, wuxuuna warqad borotokool ah ku qori doonaa waxa aad sheegaysaan. Mararka qaarkood waxaa dhici karta in labo qof oo ka tirsan Hay'adda socdaalka ay wada sameeyaan baaritaanka, waa hal qof oo su'aalaha weydiinaya, iyo kan kalena oo wax qoraya. Haddii aad leedihiin qareen guud, wuxuu qofkaasi idiin soo raaci karaan maalinta baaritaanka magangalyada. Turjubaan ayaa turjumaya waxa aad sheegeysaan si aad isu fahantaan. Mararka qaarkood hal ama dhowr qof ayaa kaga qayb qaadan kara baaritaanka telefoon ama muuqaal.

Qofka kiiska gacanta ku haya ee Hay'adda laanta socdaalka ka socda ayaa idin weydiin doona wixii aad ka soo marteen wadankiinii iyo waxa aad u malaynaysaan inay dhici karaan hadii aad ku laabataan. Waxa kale oo laydin weydiin doonaa su'aalo ku saabsan aqoonsigiina iyo sida aad ku timaadeen Iswiidhan.

Waxay u badan tahay inaad hore u maqashay su'aalahan, laakiin hadda waxaad heli doontaan wakhti dheeraad ah oo aad ku sheegtaan faahfaahino dheeraad ah marka loo eego wada hadaladii hore.

Carruurtuna sidoo kale way hadlayaan

Axdiga xuquuqda carruurta wuxuu dhigayaa in aad xaq u leedahay in aad hadasho haddii aad rabto, oo dhammaan dadka waaweyn ee go'aansada waxyaabaha khuseeya carruurta waa inay tixgeliyaan waxa u roon ee u wanaagsan ilmaha. Taas macneheedu waa khasab inay Hay'adda laanta socdaalku si gaar ah u dhegaysato wixii ay soo mareen carruurta magangalyo doonka ahi. Carruurtu waxay yeelan karaan sababo magangelyo oo ka duwan marka loo eego kuwa waalidiintu leeyihiin. Sidaa darteed, qofka kiiska gacanta ku hayaa wuxuu sidoo kale jeclaan lahaa inuu ku waraysto, haddii aad adigu rabto iyo haddii ay waalidkaa yiraahdaan haa. Haddii aad rabto, waxaad soo kaxaysan kartaa waalidkaa ama qof kale oo weyn oo aad ku kalsoon tahay.

Markay Hay'adda laanta socdaalku ay baarayso sababahaaga magangalyada, qofka kiiska gacanta ku haya ayaa isku dayeya inuu baarista waafajiyo isagoo eegaya da'daada, qaan-gaarnimadaada iyo caafimaadkaaga. Haddii aanad fahmin su'aal, waa inaad sheegtaa. Sidoo kale waa muhiim inaad sheegto haddii aanad fahmin turjubaanka. Haddii aanad rabin inaad hadasho haba yaraatee, taasina waa okeey, qofka kiiska gacanta ku haya wuxuu waydiin karaa waalidkaa waxaad soo martay.

Waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo su'aalo ku saabsan waxyaalaha laga yaabo inay kugu adag yihiin ama inay yihiin dhacdooyin xanuun badan. Waa muhiim in aad runta u sheegto hay'adda laanta socdaalka, xitaa haddii ay adag tahay. Haddii su'aal isku mid ah lagu weydiiyo dhowr jeer, macnaheedu maaha inaad si khaldan uga jawaabtay, ee laakiin qofka kiiska gacanta ku haya ayaa u baahan macluumaad dheeraad ah oo runtii raba inuu fahmo sheekadaada. Haddii aad u baahan tahay inaad nasato, waxaad waydiisan kartaa qofka kiiska gacanta ku haya si aad u nasato.

EU-logotyp

Last updated: