Hay’addaha iyo dadka aad la kulmayso

Myndig­heter och männi­skor du möter – somaliska

Waxaad la kulmi doontaa dad badan oo waaweyn oo kala duwan kuwaas oo mas’uul ka ah waxyaabo kala duwan oo adiga iyo qoyskaaga saamaynaya.

Hay’adda laanta socdaalka

Hay'adda laanta socdaalka ayaa mas'uul ka ah inay go'aan ka gaarto in adiga iyo qoyskaaga laydiin oggolaan doono inaad joogtaan Iswiidhan. Haddii aydaan haysan meel aad ku noolaataan, waxaa laydin siinayaa guri ku meelgaar ah oo ay Hay'adda laanta socdaalku masuul ka tahay inta aad go'aan sugaysaan. Haddii aydaan haysan lacag idinku aad leedihiin, waxaad caawimo ka heli kartaan Hay'adda laanta socdaalka, si ay waalidkaa idiinku soo gadaan cunto iyo dhar.

Waxaad dhowr jeer soo booqan doontaan Hay’adda laanta socdaalka adiga iyo waalidkaa, waxaadna la kulmi doontaan dad kala duwan oo halkaas ka shaqeeya.

Degmada

Degmada ayaa mas'uul ka ah inay hubiso inaad iskuul aado, iyo in carruurta yaryar ay aadi karaan dugsiga xannaanada markay waalidkood shaqaynayaan. Waxaa jira dad badan oo waaweyn oo ka shaqeeya dugsiga oo aad kala hadli karto haddii aad su'aalo ka qabto siday wax uga shaqeeyaan Iswiidhan.

Degmada waxaa ku yaala wax la yiraahdo adeegga bulshada. Adeegyada bulshadu waxay caawiyaan carruurta aan ku dareemayn ammaan guriga ama aan haysan qof weyn oo daryeela iyaga.

Turjubaan

Si adiga, qoyskaaga, iyo shaqaalaha Hay'adda laanta socdaalku aad isu fahantaan, turjubaan ayaa kuu turjumaya waxaad tiraahdo. Turjubaanku wuxuu ku hadli karaa luqadda iswiidhishka iyo luqadda aad ku hadashaan labadaba. Waxay noqonaysaa in turjubaanku uu fadhiyo qolka aad fadhidaan, ama wuxuu ku jiraa khadka telefoonka ama waa muuqaal/fiidiyow. Turjubaanku waa inuu turjumaa wax walba oo qolka dhexdiisa laga sheego, oo aanu wax kale odhan.

Waa muhiim in adiga iyo turjubaanku aad is fahantaan oo aad ku dhiirato in aad wax walba u sheegto marka uu turjumaanku kula joogo. Haddii aadan fahmin turjubaanka, waa inaad sheegtaa. Sidoo kale sheeg haddii adiga iyo turjubaanku aad qaraabo tihiin ama aad si kale isu garanaysaan. Haddii aad doonayso turjubaanku inuu noqdo nin ama naag, adiga ama waalidkaaba waa inaad sii sheegtaan.

Adiga iyo qoyskaagu waxaad xaq u leedihiin turjubaan markaad aadaysaan shirarka muhiimka ah. Waxay noqon kartaa markaad la kulmaysaan Hay'adda laanta socdaalka ama qof ka shaqeeya degmada, markaad aadaysaan dhakhtarka ama markay waalidkaa rabaan inay la hadlaan macalimiintaada. Carruurtu waxay inta badan luqadda iswiidhishka ku bartaan si ka dhaqso badan dadka waaweyn, laakiin waa in aanad adigu waligaa u noqon turjubaan waalidkaa. Mas'uuliyadi kaama saarna adiga inaad turjunto markay dadka waaweyni hadlayaan.

Qareen guud

Qareenka guud waa qof yaqaana sharciyada Iswiidhishka oo adiga iyo qoyskaaga idinka caawiya codsigiina magangelyo doonka. Hay'adda laanta socdaalka ayaa go'aan ka gaaraysa qofka idiin noqon doona qareenka guud, laakiin qofkaasi uma shaqeeyo Hay'adda laanta socdaalka. Haddii ay Hay'adda laanta socdaalku go'aansato in laydiin qabto qareen guud, markaa uma baahnaan doontaan in aad lacag ka bixisaan. Haddii waalidkaa ay rabaan qof gaar ah oo u noqda qareen waxay u sheegi karaan Hay'adda laanta socdaalka.

Waajibka sir qarinta

Dhammaan dadka ka shaqeeya Hay'adda laanta socdaalka waxaa saaran waajibka sir qarinta. Taas macnaheedu waxay tahay in aan loo ogolayn inay dadka kale u sheegaan waxay ka ogaadeen adiga iyo qoyskaagaba. Waalidkaa iyo dadka ka shaqaynaya codsigaaga oo keliya ayaa xaq u leh inay ogaadaan waxaad adigu sheegtay.

Turjubaanka iyo qareenka guud ayaa iyaguna sidoo kale waxaa saaran waajibka sir qarinta, iyo sidoo kale shaqaalaha degmada iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka ama kuwa dugsiga.

Dhammaan dadka ay saaran tahay waajibka sir qarintu waxay jebin karaa waajibka sir qarinta si ay ula hadlaan qof kale oo mas'uul ah haddii ay aaminsan yihiin inaad adigu khatar ku jirto.

Waalidkaa ma saarna waajibka sir qarintu, maadaama ay mas'uuliyadooda tahay inay dadka kale ee waaweyn ay kala hadlaan arrimaha adiga kugu saabsan.

EU-logotyp

Last updated: