Qofka magang­elyo doonka ah ee uu la socdo waalid ama qof kale oo leh mas’u­u­liyada shar­ciga ee ilmaha

Macluumaadkan waxaa loogu talagalay qofka la socdo qoyskiisa markii ay Iswiidhan yimaadeen si ay u magangelyo u codsadaan. Magangelyo doonka macnahiisu waa inuu qofku yimaaddo waddan cusub oo uu weydiisto ilaalin/gabbaad isagoo ka yimid dagaal ama dabagal lagu sameeyo.

Halkaan waxaanu ku qeexaynaa tialaabooyinka uu marayo qofka magangelyo doonka ahi, sida Hay'adda laanta socdaalku ay u go'aamiso qofka magangalyada xaqa u leh, iyo taageerada aad adiga iyo qoyskaaga xaq u leedihiin inta aad go'aan sugaysaan.

Macluumaadka waxaa loo akhriyi karaa siyaabo kala duwan. Waxaad akhrin kartaa wax walba laga bilaabo bogga koowaad ilaa kan ugu dambeeya si aad aqoon uga hesho waxa dhacaya markaad codsato magangalyo. Ama waxaad akhrisan kartaa qaybta markaa adiga kuugu muhiimsan.

Si aad u codsato magan­galyo

Si magangelyo loo codsado, waa inay qoyska oo dhami yimaadaan Hay'adda laanta socdaalka. Kulanka ugu horreeya, shaqaaluhu waxay adiga iyo qoyskaaga idin weydiin doonaan su'aalo badan si ay idiinku diiwaangeliyaan nidaamka kumbiyuutarka xogta ee Hay'adda laanta socdaalka.

Sugi­taanka baari­taanka magan­ga­lyada

Tallaabada xigta ee habka magangalyadu waxa adiga iyo qoyskaagaba laydinku yeeri doonaa baaritaan ku saabsan magangalyada, waraysi dheer oo aad wax badan ku sheegi kartaan sababta aad magangalyada uga rabtaan Iswiidhan. Inta la sugayo baaritaanka/interfiyuuga magangalyada dadku way ku kala duwan yihiin.

Inta aad sugaysaan go'aan, waxaad la xiriiri doontaan qayb qaabbilsan soo dhawaynta. Shaqaalaha qaybta soo dhawayntu waxay ka shaqeeyaan waxyaabo ay ka mid yihiin, inay go'aan ka gaaraan inaad xaq u leedihiin in laydin siiyo taageerada dhaqaale, inay idiin sheegaan inaa hesheen go'aan, iyo inay idin siiyaan taageero haddii ay Hay'adda laanta socdaalku go'aansato in aan laydiin oggolayn in aad joogtaan Iswiidhan.

Haddii aad deggan tihiin mid ka mid ah guryaha Hay'adda laanta socdaalka, waxa kale oo aad la kulmi doontaan shaqaalaha guryaha ee qaybta qaabbilaada soo dhawaynta. Waxay idiin sheegaynaa sharciyada oo waxay idin siinayaan macluumaad wax ku ool ah. Iyadoo turjubaan idin caawinayo, waxaa sheegi doontaan magaciina, goorta aad dhalateen iyo luqadda aad ku hadashaan. Shaqaaluhu waxay rabaan inay ogaadaan sida qoyskiinu u eg yahay, sidaa tihiin iyo haddii qof qoyska ka mid ahi u baahan yahay taageero gaar ah. Haddii aad qof ama shay ka cabsanayso, waa muhiim inaad sheegto.

Kulanka ugu horeeya waxaad si kooban u sheegi doontaan halka aad ka timid, sida aad ugu soo safartay Iswiidhan iyo sababta aad uga baahan tihiin ilaalinta Iswiidhan. Kulan dambe ayaa heli doontaan inaa wakhti dheeraad ah kaga hadashaan, baaritaanka/interfiyuu magangalyada. Markaa waxaad sidoo kale lagu siinayaa fursad aad kala hadasho shaqaalaha adiga laftaadu, haddii aad rabto iyo haddii waalidkaa kuu oggolaado.

Muujiya/​tusa dadka aad tihiin

Hay'adda laanta socdaalku waxay rabtaa inay ogaato dadka aad tihiin iyo meesha aad ka tiimaadeen si ay uga qaataan go'aan sax ah. Sido kale waxaa muhiim ah inay hay'adda laanta socdaalku ogaato da'da qof walba oo qoyska ka tirsan uu yahay sababtoo ah carruurta magangalyo doonka ahi waxay leeyihiin xuquuq ka duwan tan dadka waaweyn ee magangalyo doonka ahi ay leeyihiin.

Waa masuuliyad waalidkaa saaran inaad muujisaan/tustaan dadka aad tihiin. Habka ugu fiican ee lagu tusi karo dadka aad tihiin waa idinkoo tusa, tusaale ahaan, baasaboor ama kaar aqoonsi. Haddii waalidkaa aanay muujin karin dadka aad tihiin, way ku adkaan doontaa Hay’adda socdaalka inay qiimeeyaan inaad xaq u leedihiin magangalyo iyo in kale.

Sawir iyo sawirka faraha

Waa lagu sawirayaa, waxa la cabbiryaa dhererkaaga, haddii aad buuxisay lix jir, waa in sawirka faraha lagaa qaado.

Sawirada faraha waxaa lagaa qaadayaa adigoo ku cadaadinaya farahaaga mishiinka akhriya farahaaga. Haddii aad 14 sano jirto ama aad ka weyn tahay, Hay'adda laanta socdaalku waxay baari doontaa in farahaagu ka diiwaangashan yihiin waddan kale oo Yurub ah.

Haddii sawiradiina faraha laga arko inaad magangelyo ka codsateen ama aad sharci deggenaansho ah ku leedihiin waddan kale oo Yurub ah, Hay'adda laanta socdaalku waxay go'aan ka qaadanaysaa inaad dib ugu laabataan halkaas. Hay'adda laanta socdaalku waxay kaloo go'aamin kartaa in codsigiina magangelyo doonka ah laga tijaabiyo waddan kale oo Yurub ah haddii aad ku leedihiin xubno qoyskiina ka mid ah halkaas. Ka hor inta aan la go'aamin, waxay shaqaaluhu idin weydiin doonaan adiga iyo waalidkaaba waxaad ka qabtaan arrintaas. Xeerarkan waxaa lagu magacaabaa Xeerka Dublin.

kaarka LMA-ga

Markay Hay'adda laanta socdaalku diiwaangeliso codsiga qoyskaaga ee magangalyada, waxaad heli doontaan rasiid ah inaad magangalyo codsateen. Laba toddobaad ka dib, waxaa qof kasta loogu beddeleyaa rasiidka kaarka LMA ah.

LMA macneheedu waa sharciga qaabbilaada magangalyo doonka. Kaarka LMA-gu waa kaar caag ah oo sawirkaagu ku yaalo. Waxay caddayn u tahay inaad tahay magangalyo doon oo aad joogi karto Iswiidhan inta aad go'aanka sugayso. Waa inaad soo qaadato kaarka LMA-ga mar kasta oo aad booqanayso Hay'adda laanta socdaalka, aad dhakhtarka aadayso ama aad daawo ka soo qaadanayso farmashiyaha.

Baari­taanka/​inter­fiyuuga magan­galyo doonka

Baaritaanka magangalyadu waa wada hadal adiga iyo qoyskaagu aad wax badan kaga sheegi doontaan sababta aad magangelyo uga doonaysaan Iswiidhan. Baaritaanka/interfiyuuga magangalyada ee qoysku wuxuu qaadan karaa saacado badan, sidaas darteed waxaa laga yaabaa inaad joogtaan Hay'adda laanta socdaalka maalintii oo dhan. Waa inaad u soo qaadataan maalinta baaritaanka waxa lagu magacaabo caddaymaha baaritaanka. Waa dukumentiyo aqoonsi ah iyo waxyaabo kale oo muujinaya in waxa aad sheegaysaan ay run yihiin.

Baaritaanka/su’aalaha waxaa mas'uul ka ah qof ka socda Hay'adda laanta socdaalka, wuxuuna warqad borotokool ah ku qori doonaa waxa aad sheegaysaan. Mararka qaarkood waxaa dhici karta in labo qof oo ka tirsan Hay'adda socdaalka ay wada sameeyaan baaritaanka, waa hal qof oo su'aalaha weydiinaya, iyo kan kalena oo wax qoraya. Haddii aad leedihiin qareen guud, wuxuu qofkaasi idiin soo raaci karaan maalinta baaritaanka magangalyada. Turjubaan ayaa turjumaya waxa aad sheegeysaan si aad isu fahantaan. Mararka qaarkood hal ama dhowr qof ayaa kaga qayb qaadan kara baaritaanka telefoon ama muuqaal.

Qofka kiiska gacanta ku haya ee Hay'adda laanta socdaalka ka socda ayaa idin weydiin doona wixii aad ka soo marteen wadankiinii iyo waxa aad u malaynaysaan inay dhici karaan hadii aad ku laabataan. Waxa kale oo laydin weydiin doonaa su'aalo ku saabsan aqoonsigiina iyo sida aad ku timaadeen Iswiidhan.

Waxay u badan tahay inaad hore u maqashay su'aalahan, laakiin hadda waxaad heli doontaan wakhti dheeraad ah oo aad ku sheegtaan faahfaahino dheeraad ah marka loo eego wada hadaladii hore.

Carru­ur­tuna sidoo kale way hadlayaan

Axdiga xuquuqda carruurta wuxuu dhigayaa in aad xaq u leedahay in aad hadasho haddii aad rabto, oo dhammaan dadka waaweyn ee go'aansada waxyaabaha khuseeya carruurta waa inay tixgeliyaan waxa u roon ee u wanaagsan ilmaha. Taas macneheedu waa khasab inay Hay'adda laanta socdaalku si gaar ah u dhegaysato wixii ay soo mareen carruurta magangalyo doonka ahi. Carruurtu waxay yeelan karaan sababo magangelyo oo ka duwan marka loo eego kuwa waalidiintu leeyihiin. Sidaa darteed, qofka kiiska gacanta ku hayaa wuxuu sidoo kale jeclaan lahaa inuu ku waraysto, haddii aad adigu rabto iyo haddii ay waalidkaa yiraahdaan haa. Haddii aad rabto, waxaad soo kaxaysan kartaa waalidkaa ama qof kale oo weyn oo aad ku kalsoon tahay.

Markay Hay'adda laanta socdaalku ay baarayso sababahaaga magangalyada, qofka kiiska gacanta ku haya ayaa isku dayeya inuu baarista waafajiyo isagoo eegaya da'daada, qaan-gaarnimadaada iyo caafimaadkaaga. Haddii aanad fahmin su'aal, waa inaad sheegtaa. Sidoo kale waa muhiim inaad sheegto haddii aanad fahmin turjubaanka. Haddii aanad rabin inaad hadasho haba yaraatee, taasina waa okeey, qofka kiiska gacanta ku haya wuxuu waydiin karaa waalidkaa waxaad soo martay.

Waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo su'aalo ku saabsan waxyaalaha laga yaabo inay kugu adag yihiin ama inay yihiin dhacdooyin xanuun badan. Waa muhiim in aad runta u sheegto hay'adda laanta socdaalka, xitaa haddii ay adag tahay. Haddii su'aal isku mid ah lagu weydiiyo dhowr jeer, macnaheedu maaha inaad si khaldan uga jawaabtay, ee laakiin qofka kiiska gacanta ku haya ayaa u baahan macluumaad dheeraad ah oo runtii raba inuu fahmo sheekadaada. Haddii aad u baahan tahay inaad nasato, waxaad waydiisan kartaa qofka kiiska gacanta ku haya si aad u nasato.

Go’aan

Hay'adda laanta socdaalka ayaa go'aan ka gaaraysa in magangelyo laydinka siiyo Iswiidhan iyadoo eegaysa wax walba oo aad u sheegteen iyo waxaad tusteen, iyo waxa aanu ka ognahay xaaladda dalkiina hooyo. Kadibna waxaa la barbar dhigayaa sida uu sharcigu ka qabo qofka magangelyo ka helaya Iswiidhan.

Markay hay'adda laanta socdaalku go'aansato in magangelyo laydin siiyo waxaa qoyskiina loogu yeeri doonaa shir. Qofka kiiska gacanta ku haya ayaa shirka idiinku sharaxaya go'aanka iyo waxa ku xiga ee dhacaya. Go'aanka magangalya doonku wuxuu ku qoran yahay luqadda iswiidhishka, laakiin qofka kiiska gacanta ku haya ee ka tirsan qaybta qaabbilaada soo dhaweynta ayaa sharraxaya isagoo kaashanaya turjubaan waxa go’aanka macnahiisu yahay.

Qofka kiiska gacanta ku haya ee idiin sheegaya go'aanka waxaa laga yaabaa in aanu ahayn kii idin waraystay ee go'aanka gaaray. Had iyo jeer laba qof oo wada jsocda ayaa go'aanka gaara. Waa si aanu u hubinno inuu noqon doono go'aan sax ah. Dadka kiisaska gacanta ku haya ee Hay'adda laanta socdaalka looma oggola inay go'aan ka gaaraan sida ay iyagu wax u rabaan, ee laakiin waa inay raacaan sharciga.

Haa maa maya

Haddii codsigiina magangalya doonka la aqbalo, waxaad heli doontaan sharci deggenaansho ah, waxaadna xaq u leedihiin inaad Iswiidhan degtaan.

Haddii codsigiina magangalyo doonka la diido, waxaa loo yaqaannaa diidmada codsigiina.

Qofkee magang­elyo heli kara?

Sharciga iswiidhan ayey ku qoran qofka magangelyo laga siinayo Iswiidhan. Hay'adda laanta socdaalku waxay tijaabinaysaa/eegaysaa in sababaha adiga iyo qoyskaagu aad sheegteen ay ku filan yihiin magangelyo doonimada. Wuxuu qofku heli karaa sharci deggenaansho haddii uu qofku yahay qaxooti, ama taa beddelkeeda u baahan yahay gabaad/ilaalo ama haddii uu u baahan yahay inuu ku joogo wadanka sababo kale.

Qaxooti

Marka loo eego heshiiska qaxootiga ee Qaramada Midoobay iyo sharciga Iswiidhishka, waxaad tahay qaxooti haddii aad haysato sabab keenaysa inay jirto cabsi ah in lagugu dhibaateeyo.

  • jinsiga
    – tusaale ahaan, midabka maqaarkaagu leeyahay
  • dhalashada
    - tusaale ahaan, jinsiyadaada, luqaddaada ama qolada aad koox ahaan ka soo jeedo
  • diinta
    – Ilaaha aad rumaysan tahay,ama aanad ilaahba rumaysnayn
  • aragtida siyaadadeed
    – tusaale ahaan, aragtidaada ku saabsan sida dalkaaga hooyo loo hogaaminayo
  • lab ama dhedig
    – inaad tahay gabar ama wiil
  • nooca galmada aad tahay
    – tusaale ahaan haddii aad tahay gabar hablaha jeceyl ama wiil wiilasha jecel
  • inaad ka tirsan tahay koox bulsho oo gaar ah
    – Mararka qaarkood carruurta waxaa lagu tirin karaa koox bulsho oo iyaga u gaar ah.

Mararka qaar waa dadka dalka ka taliya ee dadka silciya ee u hanjaba si ay dadku uga cararaan. Laakiin waxa kale oo uu qofku codsan karaa magangelyo haddii ay yihiin dad ama kooxo gaar ah kuwa dadka silcinayaa, oo aanay hay’addaha dalkaaga hooyo (tusaale ahaan booliisku) awood u lahayn ama aanay doonayn inay ilaaliyaan oo ay caawiyaan qofka dhibbanaha ah.

Kuma filna inaad qayb ka ahayd cadaadis noocan oo kale ah. Sidoo kale waa inay jirto khatar weyn oo ah in mar kale laguu geysan doonto cadaadiska haddii aad dib u laabato. Taasi waa sababta uu qofka kiiska gacanta ku hayaa ee Hay'adda laanta socdaalku uu kuu weydiinayo waxa aad u malaynayso inay dhici doonaan haddii aad ku khasbanaato inaad dib ugu noqoto dalkaagi hooyo.

Haddii laguu tixgeliyo qaxooti, waxaa lagu siin doonaa sharci deggenaansho oo saddex sano ah.

Haddii beddel­keeda aad u baahato ilaalin/​gabbaad

Sida uu dhigayo sharciga Iswiidhan, waxaad marmarka qaarkood magangelyo lagaa siin karaa Iswiidhan xitaa haddii aan laguu tixgalin qaxootinimo sida ku qeexan qoddobada kor ku xusan, laakiin si kastaba ha ahaatee weli waxaad tahay qof ka baqaya inuu ku laabato dalkiisii hooyo.

Waxaa laguugu yeerayaa inaad taa beddelkeeda aad tahay qof u baahan ilaalo/gabbaad, haddii aad khatar ugu jirto jirdil, ciqaab dhimasho, ama xadgudubyo bini'aadantinimada ka baxsan ama sharaf dhac laguugu geysanayo dalkaaga hooyo. Waxa kale oo lagu siin karaa sharci oggolaansho sida qof u baahan ilaalin/gabbaad haddii uu dagaal aad u badan ka dhacayo waddankii hooyo oo qof kasta oo halkaas joogaa uu halis ugu jiro dhimasho.

Qofka loo arko inuu u baahan yahay ilaalin/gabbaad waxaa la siiyaa sharci oggolaansho ah oo 13 bilood ah.

Shar­ciga oggo­laans­haha xaala­daha kale

Qofka magangalyo doonka ahi xaaladaha qaarkood waxaa la siin karaa sharciga oggolaanshaha xitaa haddii aanu buuxin shuruudaha sharciga loogu yeedho qaxoonti ama taa beddelkiisa u baahan ilaalin/gabbaad Waa wax aan caadi ahayn oo u baahan duruufo gaar ah, tusaale ahaan inuu qofku aad u jirran yahay ama in xaaladda waddankiisu ay aad u adag tahay.

Haddii aad hesho sharci dagge­naansho

Sharciga deggenaanshaha macnihiisu waa inaad HAA ku hesheen codsigiinii magangalyo doonka. Waxaa laydiin oggolaaday inaad joogi kartaan Iswiidhan.

Haddii adiga iyo qoyskaagu aad heshaan sharciga deggenaanshaha, waxaad la kulmi doontaa kulan aad la yeelanaysaan shaqaalaha qaybta qaabbilaada soo dhawaynta. Shaqaaluhu waxay idiin sharxayaan waxa ku qoran go'aankiina iyo sababta laydinku siiyay sharciga daggenaanshaha. Waxaad heli doontaan warqad muujinaysa inaad hesheen sharciga deggenaanshada.

Markaad heshaan sharciga deggenaanshada, waa inaad u tagtaan Hay'adda cashuuraha si aad isu diwaangelisaan. Taas macneheedu waxa weeye in aad heli doontaan toban lambar oo leh afarta lambar ee ugu dambeeya.

Haddii aad deggenaydeen guryaha Hay'adda laanta socdaalka, waxaad heli kartaan caawimo ah inaad u guurtaan guri cusub.

Muddo intee leeg ayuu shar­ci­gayga degge­naans­huhu shaqay­nayaa?

Haddii laydinku yeero qaxooti, waxaad heli doontaan sharci deggenaansho ah oo shaqaynaya saddex sano. Haddii laydinku yeero inaad taa beddelkeeda u baahan tihiin gabbaad/ilaalo, waxaad heli doontaan sharci deggenaansho ah oo shaqaynaya 13 bilood. Wakhtigaas kadib waxaad codsan kartaan in laydiin dheereeyo Haddii aad weli u baahan tihiin gabbaad/ilaalo, waxaa laydin siinayaa sharci deggenaansho ah oo laba sano oo kale ah.

Shar­ciga dagge­naans­haha joog­tada ah

Markaad haysataan sharciga deggenaanshaha muddo saddex sano ah, waxaad codsan kartaan sharciga deggenaanshada joogtada ah isla markaana waxaad codsan kartaan in laydiin dheereeyo. . Haddii aad tahay 15 sano ama aad ka weyn tahay, waxaa lagaa rabaa inaad ku noolaato nolol dhawrsan si aad u hesho sharci deggenaansho joogto ah. Tusaale ahaan, haddii aad dembi gashay, codsigaaga sharciga deggenaanshaha joogtada ah waa la diidi karaa. Haddii aad 18 jir tahay ama aad ka weyn tahay marka aad codsanayso sharciga deggenaanshada joogtada ah, waa in aad sidoo kale haysataa shaqo oo aad naftaada masruufi kartaa.

Haddii aanad buuxin shuruudaha sharciga deggenaanshada joogtada ah, waxaad weli heli kartaa sharciga deggenaansha oo la dheereeyey haddii aad weli u baahan tahay gabbaad/ilaalo.

Haddii codsi­giina diidmo laydinka siiyo

Diidmada macneheedu waa in aad MAYA ka hesheen codsigiinii magangalyada. Laydiinma oggolaan inaad joogtaan Iswiidhan

Adiga iyo waalidkaa waxaa imanaysaan kulan ay shaqaaluhu idinka caawin doonaan inaad fahantaan waxa ku qoran go'aanka. Haddii adiga iyo waalidkaa aad rabtaan, waa laguu oggolyahay inaad adigu timaado wada hadalka.

Diidmada codsigiina waxay macnaheedu tahay in Hay'adda laanta socdaalku ay u aragto in ay daan haysanin sababo idinku filan oo magangelyo laydinku siiyo Iswiidhan oo ay tahay inaad wadankiinii ku laabataan. Hay'adda laanta socdaalka ayaa waalidkaa ka caawin doonta inay qorsheeyaan sidii aad waddankii ugu noqon lahaydeen.

Ka dacwoo­naya

Haddii aydaan ku raacsanayn go'aanka, waalidkaa ayaa ka dacwoon kara. Taas macneheedu waxa weeye inay warqad u soo qoraan Hay'adda laanta socdaalka oo ay ku sheegayaan sababta ay u arkaan inuu go'aanku khaldan yahay oo ay doonayaan in maxkamaddu ay wax ka beddesho go'aanka. Haddii aad leedihiin qareen, wuxuu qofkaasi idinka caawin karaa inuu idiin qoro warqad dacwo ah.

Haddii ay maxkamada laanta socdaalku idinku raacdo, Hay'adda laanta socdaalka ayaa beddeleysa go'aanka kadibna wadanka ayaa laydiin oggolaanayaa inaa joogtaan. Haddii maxkamada hay'adda laanta socdaalku diido racfaankiina, waxay taa macnaheedu tahay inay u arkaan in go'aankii Hay’adda laanta socdaalka uu yahay mid sax ah. Markaa kadib waxaa rafcaan u qaadan kartaan Maxkamada sare ee laanta socdaalka.

Maxkamada sare ee hay'adda laanta socdaalku waa maxkamad tijaabisa oo eegta kiisas gaar ah oo keliya kuwaas oo ah kiisaska aanay caddayn sida sharciga loo turjumanayo. Haddii maxkamada sare ee hay'adda laanta socdaalku go'aansato in aanay soo qaadin ama eegin dacwadiina, waxay taa macnaheedu tahay in aydaan mar dambe dacwoon karin oo uu go'aankii Hay’adda laanta scdaalku dhaqan gal yahay. Waxaana la yiraahdaa “go’aan dhaqan galay”.

Qofku wuu beddeli karaa wakhti kasta inuu la soo noqon karo warqaddii racfaanka oo uu go'aansado inuu waddankiisii dib ugu laabto. Markaa wuxuu qofku kaalmo ka heli karaa Hay'adda laanta socdaalka si uu dib ugu laabato waddankiisii.

dib ugu noqo­naya

Iyadoo aan loo eegin in waalidkaa uu racfaan ka qaadanayo go'aanka iyo in kale, waa inaad isu diyaarisaan dib u laabashao. Waalidkaa waxaa laga yaabaa inay dhowr kulan la yeeshaan Hay'adda laanta soocdaalka si ay ugala hadlaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo si aad dib u laabataan. Haddii adiga iyo waalidkaa aad rabtaan, waa laguu oggolyahay inaad adigu timaado wada hadalka.

Waalidkaa ayaa mas'uul ka ah inaad ka baxdaan Iswiidhan, muddada ku qoran go'aanka. Haddii aydaan ka bixin wakhtigaas, waxaa jirta khatar ah in laydinka mamnuuco inaad dib u soo laabataan. Taas macneheedu waxa weeye in aan laydiin oggolaan inaad Yurub ama Iswiidhan dib ugu soo laabataan wakhti go'an.

Haddii waalidkaa go'aanka aqbalo oo ay la shaqeeyaan Hay'adda laanta socdaalka, waxay heli karaan caawimo, tusaale ahaan, tigidhada ama nidaaminta su'aalo wax ku ool ah oo ku saabsan safarka. Waxa kale oo aad xaq u leedihiin in laydinka caawiyo lacag iyo guri ilaa laga gaadhayo wakhtiga aad baxaysaan.

Haddii aad raaci waydaan go'aanka

Hay'adda laanta socdaalku waxay idin caawin kartaa oo kaliya inaad dib u laabataan haddii waalidkaa laftooda ay oggol yihiin inay dib ugu laabtaan dalkoodii hooyo. Haddii aad iman weydaan markay Hay'adda laanta socdaalku idiinku yeedho shirarka, ama aad muujisaan in aydaan ku talo jirin in aad wada shaqayn la yeelataan, markaa Hay'adda laanta socdaalku waxay kiiskiina u gudbinaysaa booliiska.

Haddii kiiska loo gudbiyo booliiska, booliiska ayey markaa tahay inay xaqiijiyaan inaad u raacdaan go'aanka Hay'adda laanta socdaalka iyo kan maxkamadda, taas oo ah inaa ka baxdaan Iswiidhan.

Dhac­dooyin cusub diid­mada kadib

Mararka qaarkood waxyaabo ayaa dhici kara go'aanka kadib taas oo macnaheedu tahay in aydaan ka bixi karin Iswiidhan. Waxaa dhici karta, tusaale ahaan, in qof qoyska ka mid ahi uu aad u jirrado inuu safro/dhoofo, ama waxa soo baxay sababo cusub oo ku saabsan magangelyadiina ama waxa soo baxay caddaymo cusub oo sabab u noqon kara magangalyadiina taas oo aanay Hay'adda laanta socdaalku hore u ogayn markii aanu go'aanka gaaraynay. Haddii ay taasi dhacdo, waalidkaa waa inay warqad u soo qoraan Hay’adda laanta socdaalka una sheegaan waxa dhacay. Markaa Hay'adda laanta socdaalka ayaa go'aaminaysa in sababaha cusub ay ku filan yihiin in la joojiyo masaafurinta.

Mararka qaarkood masaafurinta si ku meelgaar ah ayaa loo joojin karaa si ay Hay'adda laanta socdaalku u hesho wakhti ay ku baarto dhacdada cusub. Joojinta ku meelgaar ah waxaa loo yaqaan xannibaad/sugitaan.

Sugi­taanka safarka waddankii

Waxaad xaq u leedahay in aad iskuul aado oo aad hesho daryeel caafimaad inta aad Iswiidhan joogto, xitaa haddii ay Hay'adda laanta socdaalku kiiskiina u gudbisay booliiska.

Markaad Iswiidhan ka baxayso, way fiican tahay inaad qaadato

  • shahaado inaad dhigatay iskuul
  • haddii ay jiraan shahaadooyin iskuulka lagaa siiyey
  • caddaymaha tallaalada
  • ciwaanka boostada, ciwaanka imeylka iyo lambarada talefoonada dadka aad rabto in aad la xiriirto.

Xuqu­uqa­haaga

Iswiidhan waxaad tahay ilmo inta aad ka gaarayso 18 sano. Carruurta magangelyo doonka ahi waxay leeyihiin xuquuqo la mid ah tan ay leeyihiin carruurta Iswiidhan joogta dhammaantood.

Taas macnaheedu waa, tusaale ahaan, inaad xaq u leedahay inaad ku noolaato ammaan, aad iskuul dhigato oo aad hesho wakhti firaaqo ah. Waxaad xaq u leedahay daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkaha ee aad u baahan tahay. Adiga ayaa go'aan ka gaari kara jirkaaga, qofna kuguma qasbi karo inaad galmo la samayso ama aad guursato. Qofna kuma garaaci karo kuuma hanjabi karo.

Axdiga qaramada midoobay ee xuquuqda carruurta, waxa loogu yeero heshiiska carruurta, waa sharci Iswiidhan. Halkaa waxaa ku qoran xuquuqaha ay carruurta dhammaantood leeyihiin. Qaar ka mid ah xeerarka ugu muhiimsan ee ku jira Axdiga xuquuqda carruurta waa in

  • dhammaan carruurtu waxay xaq u leeyihiin inay noolaadaan oo ay horumar sameeyaan
  • danta ugu wanaagsan ee carruurtu waa inay mar walba muhiim ahaato
  • carruurtu waxay xaq u leeyihiin inay sheegaan siday wax u arkaan
  • carruurta dhammaantood waxay leeyihiin xuquuqo isku mid ah.

Marka dadka waaweyn ee mas'uulka ka ah adiga ay gaaraan go'aamo adiga saamayn kugu leh, waa inay ku dhagaystaan waxa aad rabto oo ay ka fikiraan waxa adiga kuu fiican. Waxaad xaq u leedahay inaad sheegto waxay adiga kula tahay oo lagu dhagaysto, laakiin taas macnaheedu maaha inay mar walba noqoto sida aad adigu rabto.

Hay’ad­daha iyo dadka aad la kulmayso

Waxaad la kulmi doontaa dad badan oo waaweyn oo kala duwan kuwaas oo mas’uul ka ah waxyaabo kala duwan oo adiga iyo qoyskaaga saamaynaya.

Hay’adda laanta socdaalka

Hay'adda laanta socdaalka ayaa mas'uul ka ah inay go'aan ka gaarto in adiga iyo qoyskaaga laydiin oggolaan doono inaad joogtaan Iswiidhan. Haddii aydaan haysan meel aad ku noolaataan, waxaa laydin siinayaa guri ku meelgaar ah oo ay Hay'adda laanta socdaalku masuul ka tahay inta aad go'aan sugaysaan. Haddii aydaan haysan lacag idinku aad leedihiin, waxaad caawimo ka heli kartaan Hay'adda laanta socdaalka, si ay waalidkaa idiinku soo gadaan cunto iyo dhar.

Waxaad dhowr jeer soo booqan doontaan Hay’adda laanta socdaalka adiga iyo waalidkaa, waxaadna la kulmi doontaan dad kala duwan oo halkaas ka shaqeeya.

Degmada

Degmada ayaa mas'uul ka ah inay hubiso inaad iskuul aado, iyo in carruurta yaryar ay aadi karaan dugsiga xannaanada markay waalidkood shaqaynayaan. Waxaa jira dad badan oo waaweyn oo ka shaqeeya dugsiga oo aad kala hadli karto haddii aad su'aalo ka qabto siday wax uga shaqeeyaan Iswiidhan.

Degmada waxaa ku yaala wax la yiraahdo adeegga bulshada. Adeegyada bulshadu waxay caawiyaan carruurta aan ku dareemayn ammaan guriga ama aan haysan qof weyn oo daryeela iyaga.

Turju­baan

Si adiga, qoyskaaga, iyo shaqaalaha Hay'adda laanta socdaalku aad isu fahantaan, turjubaan ayaa kuu turjumaya waxaad tiraahdo. Turjubaanku wuxuu ku hadli karaa luqadda iswiidhishka iyo luqadda aad ku hadashaan labadaba. Waxay noqonaysaa in turjubaanku uu fadhiyo qolka aad fadhidaan, ama wuxuu ku jiraa khadka telefoonka ama waa muuqaal/fiidiyow. Turjubaanku waa inuu turjumaa wax walba oo qolka dhexdiisa laga sheego, oo aanu wax kale odhan.

Waa muhiim in adiga iyo turjubaanku aad is fahantaan oo aad ku dhiirato in aad wax walba u sheegto marka uu turjumaanku kula joogo. Haddii aadan fahmin turjubaanka, waa inaad sheegtaa. Sidoo kale sheeg haddii adiga iyo turjubaanku aad qaraabo tihiin ama aad si kale isu garanaysaan. Haddii aad doonayso turjubaanku inuu noqdo nin ama naag, adiga ama waalidkaaba waa inaad sii sheegtaan.

Adiga iyo qoyskaagu waxaad xaq u leedihiin turjubaan markaad aadaysaan shirarka muhiimka ah. Waxay noqon kartaa markaad la kulmaysaan Hay'adda laanta socdaalka ama qof ka shaqeeya degmada, markaad aadaysaan dhakhtarka ama markay waalidkaa rabaan inay la hadlaan macalimiintaada. Carruurtu waxay inta badan luqadda iswiidhishka ku bartaan si ka dhaqso badan dadka waaweyn, laakiin waa in aanad adigu waligaa u noqon turjubaan waalidkaa. Mas'uuliyadi kaama saarna adiga inaad turjunto markay dadka waaweyni hadlayaan.

Qareen guud

Qareenka guud waa qof yaqaana sharciyada Iswiidhishka oo adiga iyo qoyskaaga idinka caawiya codsigiina magangelyo doonka. Hay'adda laanta socdaalka ayaa go'aan ka gaaraysa qofka idiin noqon doona qareenka guud, laakiin qofkaasi uma shaqeeyo Hay'adda laanta socdaalka. Haddii ay Hay'adda laanta socdaalku go'aansato in laydiin qabto qareen guud, markaa uma baahnaan doontaan in aad lacag ka bixisaan. Haddii waalidkaa ay rabaan qof gaar ah oo u noqda qareen waxay u sheegi karaan Hay'adda laanta socdaalka.

Waajibka sir qarinta

Dhammaan dadka ka shaqeeya Hay'adda laanta socdaalka waxaa saaran waajibka sir qarinta. Taas macnaheedu waxay tahay in aan loo ogolayn inay dadka kale u sheegaan waxay ka ogaadeen adiga iyo qoyskaagaba. Waalidkaa iyo dadka ka shaqaynaya codsigaaga oo keliya ayaa xaq u leh inay ogaadaan waxaad adigu sheegtay.

Turjubaanka iyo qareenka guud ayaa iyaguna sidoo kale waxaa saaran waajibka sir qarinta, iyo sidoo kale shaqaalaha degmada iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka ama kuwa dugsiga.

Dhammaan dadka ay saaran tahay waajibka sir qarintu waxay jebin karaa waajibka sir qarinta si ay ula hadlaan qof kale oo mas'uul ah haddii ay aaminsan yihiin inaad adigu khatar ku jirto.

Waalidkaa ma saarna waajibka sir qarintu, maadaama ay mas'uuliyadooda tahay inay dadka kale ee waaweyn ay kala hadlaan arrimaha adiga kugu saabsan.

Guri

Haddii aad leedihiin qaraabo ama saaxiibo aad rabtaan inaad la deggenaataan, waa laydiin ogolyahay. Markaa waa inay waalidkaa u sheegaan Hay'adda laanta socdaalka meesha aad deggenaanaysaan, si aanu warqadaha idiinku soo dirno.

Haddii aadaan haysan meel aad deggenaataan, waxaad deggenaan kartaan mid ka mid ah guryaha ku meelgaarka ah ee Hay’adda laanta socdaalka. Wuxuu noqon karaa guri weyn oo ay ku nool yihiin dad badan oo magangalyo doon ahi ama guri dabaq ah oo ku yaala xaafad caadi ah. Meel kastaba aad deggenaateene, waxaad la deggenaan doontaa qoyskaaga.

Haddii aad u baahataan inay Hay'adda laanta socdaalku idinka caawiso guriga markaa ma go'aamin kartaan idinku meesha aad deggi doontaan. Hay'adda laanta socdaalka ayaa boos idinka siin doonta guri meeli ka banaan tahay, waxaana laga yaabaa inaa ku khasbanaataan inaa u guurtaan meel kale inta aad go'aanka sugaysaan.

Haddii ay Hay'adda laanta socdaalku go'aansato in laydiin oggolaado inaad Iswiidhan joogtaan, waxaa markaa laydin siin doonaa caawimo si aad u heshaan guri aad idinku leedihiin.

Caafi­maad

Waxaad xaq u leedahay daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkaha sida carruurta Iswiidhan joogta dhammaantood oo kale. daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkuhu waa u bilaash carruurta dhammaantood. Haddii qof qoyska ka mid ahi u baahan yahay inuu u aado dhakhtarka ama dhakhtarka ilkaha, waa inaad tustaan kaarkiina LMA-ga.

Dhammaan dadka Iswiidhan ka codsanaya magangalyada waxay heleyaan baaritaan caafimaad. Baaritaanka caafimaadka waxa loogu talagalay in aad heshaan caawimo wakhti hore haddii aad u baahan tihiin daryeel caafimaad, iyo in aad heshaan warbixin ku saabsan sida daryeelka caafimaadka ee Iswiidhan u shaqeeyo. Ka faa'iidayso fursada in aad na waydiiso haddii ay jiraan wax aad isweydiinayso, hana ka cabsanin inaad noo sheegto sida uu caafimaadkaagu yahay. Shaqaalaha daryeelka caafimaadka waxaa saaran waajibka sir qarinta, baadhitaanka caafimaadkuna ma saamaynayo codsigaga magangalyo doonka.

Baari­taanka aragga (indhaha)

Haddii aad u baahan tahay okiyaaleyaasha indhaha, waxaad dhaqaale gaar ah ka dalban kartaa Hey'adda laanta socdaalka, kadibna waxaad ballan ka samaysan kartaa dukaan iibiya okiyaaleyaasha indhaha.

Dhakhtarka ilkaha

Waxaad xaq u leedahay inaad hesho daryeelka ilkaha oo ka hortagga ah iyo daawaynta uu dhakhtarka ilkuhu u arko inaad u baahan tahay. Daryeelka ilkuhu waa u bilaash carruurta Iswiidhan joogta dhammaantood.

Qasbida iyo ku xadgudubka galmada

Dad badan oo magangelyo doon ah ayaa lagula kacay qasbid ama ku xadgudubyo galmo, intii ay joogeen waddamadoodii hooyo ama intii ay u soo socdeen Iswiidhan. Wuxuu qofku dareemi karaa xumaan dhinaca jirka ah iyo mid dhinaca maskaxda ah labadaba taas oo uga timid waxyaabihii uu qofku u soo joogay, laakiin waxaa jira caawimo uu qofku heli karo. Waxaad tusaale ahaan,kala hadli kartaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka marka aad samaynayso baaritaanka caafimaadka, rungta qaabbilaadda dhalinyarada caafimaadka ama kalkaalisada caafimaadka dugsiga ama la taliyaha arrimaha bulshada ee dugsigaaga. Waxay kaa caawin karaan inaad hesho daryeelka caafimaad oo sax ah.

Dhammaan noocyada qasbida iyo ku xadgudubka galmadu waa sharci darro Iswiidhan gudaheeda. Had iyo jeer qofka adigu ku dhaawacay ayey mas'uuliyadu saaran tahay, weligaana laguma ciqaabayo maadaama aad tahay dhibbane la qasbay ama ku xadgudub galmo loo geystey. Tani waxay khusaysaa iyada oo aan loo eegin xiriirka ka dhexeeya dadka, tusaale ahaan waxa ay sidoo kale khusaysaa kufsiga dadka isqaba dhexdooda iyo markay waalidiintu carruurtooda garaacaan. Marka qof weyni uu u galmoodo ilmo ka yar 15 sano, waxaa lagu xisaabinayaa kufsi. Iswiidhan sidoo kale waa sharci darro in qof lagu qasbo ama lagu khiyaaneeyo inuu guursado, carruurta ka yar 18 sano lama ogola inay guursadaan.

Kala xiriir booliiska telefoonka 114 14, haddii lagugu dirqiyo ama lagugu sameeyo xadgudub galmo, ama haddii aad ka baqayso in laguu guuriyo. Haddii aad ku sugan tahay khatar degdeg ah, wac telefoonka booliiska 112.

Gudni­inka fircoo­niga ah

Gudniinka fircooniga ah, ama gudniinka/xalaalaynta sida dadka qaarkiis leeyihiin, waa marka la jaro ama la tolo xubinta taranka gabadha ama si kale loo dhaawacdo.

Gudniinka fircooniga ah gabi ahaanba waa mamnuuc Iswiidhan waxaana loo arkaa dambi culus. Qof lagu sameeyey gudniinka fircooniga ah waxa uu la kulmi karaa dhibaatooyin dhinaca jirka ah iyo mid maskaxeed labadaba. Haddii qof sidan kugu sameeyey adiga oo aad dhibaato kala kulanto arrintaas, waxaad caawimo ka heli kartaa daryeelka caafimaadka. Kala hadal kalkaalisada caafimaadka dugsigaaga, rugta qaabbilaada caafimaadka dhalinyarada ama xaruntaada caafimaadka.

Cudur­rada lagu kala qaado galmada

Waxaad xaq u leedahay inaad ogaato sidaad iskaga ilaalin lahayd cudurrada galmada lagu kala qaado iyo sidaad iskaga ilaalin lahayd inaad dadka kale qaadsiiso. Tusaale ahaan cudurrada galmada lagu kala qaado waa sida cudur jabtida oo kale ah (klamydia), cagaarshowga, jabtida iyo HIV-ka. Haddii aad ogtahay in aad qabto xanuun noocan oo kale ah, waa in aad u sheegtaa marka aad samaynayso baaritaanka caafimaadka, si aad u hesho in lagu daaweeyo oo aad uga fogaato in aad dadka kale qaadsiiso. Haddii aanad hubin inaad cudurka qabto, shaqaalaha daryeelka caafimaadka ayaa tijaabo kaa qaadaya.

Ka hortagga uurka iyo dary­e­elka hooyooyinka

Dalka Iswiidan, daryeelka hooyooyinka iyo daryeelka ummulidu lacag la'aan ayey u yihiin magangalyo doonka. Waxa kale oo aad xaq u leedahay talobixin ku saabsan ka hortagga uuraysiga oo bilaash ah, si aad adigu go'aan ugu gaarto haddii aad rabto in aad waalid noqoto. Gabdhaha iyo wiilasha labaduba waxay xaq u leeyihiin inay helaan macluumaad ku saabsan sida ay isaga ilaalin karaan uurka naftooda iyo dadka kaleba. Qofka gabarta ah haddii ay uur yeealato oo aanay doonayn inay ilmaha dhasho, waxay xaq u leedahay inay uurka iska joojiso iyada oo soo rididdaysa ilmaha.

Xanu­unka dhimirka

Waa wax caadi ah in laga walwalo waxa dhici doona mustaqbalka inta aad sugayso go'aanka codsigaaga magangelyada. Dadka qaarkood waxa laga yaabaa inay dareemaan xumaan maadaama ay soo mareen waxyaabo xun ama sababtoo ah waxay u hiloobeen qoyskoodii. Tusaale ahaan dareenka jirrada maskaxdu wuxuu noqon karaan inaad walbahaarto, dhibaato hurdo ama dareen murugo iyo niyad jab ah.

Waxaad caawimo iyo taageero ka heli kartaa daryeelka caafimaadka halka aad deggen tahay. Waxaad sidoo kale la hadli kartaa la-taliyaha arrimaha bulshada ama kalkaalisada caafimaadka ee dugsigaaga.

Naafo­ni­mada

Naafonimadu waa marka aad tusaae ahaan leedahay dhaawac ama jirro keenaysa inuu kugu adkaado dhaqdhaqaaqu, maqalku, hadalku ama fahanku, . Haddii aad naafo tahay, waxaad xaq u leedahay inaad hesho taageero wax ku ool ah nolol maalmeedkaaga, dugsiga ama marka aad la hadalayso Hay'adda laanta socdaalka. In aad tahay qof naafo ah ma saameynayso codsigaga magangalyo doonka. Baaritaanka caafimaadka, waxaad noo sheegi kartaa haddii aad tahay naafo, ama haddii aad u maleynayso inaad naafo tahay.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan caafimaadka

Bogga websaydka ee www.1177.se/other-languagesExternal link, opens in new window. waxaad laga heleyaa warbixin ku qoran luqaddo badan oo ku saabsan cudurro kala duwan iyo sida uu u shaqeeyo nidaamka daryeelka caafimaadka Iswiidhan. Waxaad sidoo kale ka wici kartaa macluumaadka daryeelka caafimaadka lambarka talefoonka 1177, waxaad halkaa kula la hadli kartaa kalkaaliye caafimaad oo kaaga jawaabi kara su'aalaha kadibna ku siin kara talo ku saabsan meesha aad la xiriiri karto si aad u hesho daryeelka sax ah.

Bogga www.youmo.seExternal link, opens in new window. waxaa laga heleyaa macluumaad ku saabsan caafimaadka dhalinyarada, xiriirka, galmada iyo waxyaabo kale oo badan oo ku qoran luqaddo kala duwan.

Bogga www.rfsu.se/uposExternal link, opens in new window. waxaa laga heleyaa macluumaad ku saabsan filimo gaagaaban oo loogu talagalay qofka raba inuu wax badan ka ogaadaan jirka, galmada iyo caafimaadka. Filimada waxaa lagu heli karaa luqaddo badan oo kala duwan. Halkan waxaad ka heli kartaa filimaan ku saabsan ka hortagga uurka, dhalmada iyo uurka, iyo waxyaabo kale.

Khadka ilaalada ee haweenku waxay bixiyaan talooyin iyo taageero loogu talagalay qofka dumarka ah ee lagula kacay hanjabaado iyo jirdil iyo mid maskaxeed ama xadgudub galmo. Wac 020‑50 50 50. Waxay kuu qabanayaan turjubaan daqiiqado gudahood. Waxa kale oo aad wax badan ka akhrisan kartaa kvinnofridslinjen.seExternal link, opens in new window.. Macluumaadka waxaa lagu heli karaa dhowr luqadood.

Ka wac booliiska 114 14 haddii aad rabto inaad soo sheegto fal sharci darro ah, tusaale ahaan in qof ku garaacay ama uu kuu geystey xadgudub galmo. Waxaad sidoo kale wici kartaa booliiska haddii aad ka baqayso in laguu guuriyo ama lagu gudo. Haddii xaaladdu ay degdeg tahay wac 112.

Dugsiga

Iswiidhan dugsigu waa bilaash, carruurtu dhaammaantoodna waa inay dugsi aadaan. Waxaad xaq u leedahay inaad dugsi aado sida dhammaan carruurta kale ee ku nool Iswiidhan.

Dugsiga hoose dhexe

Dugsiga hoose dhexe waxa uu qaataa toban sano waxana sida caadiga ah la bilaabaa sannadka uu ilmuhu buuxiyo lix sano. Sannad dugsiyeedka ugu horreeya, oo loo yaqaano fasalka lixaadyada, wuxuu ka kooban yahay ciyaaro badan iyo hala-buur si loogu diyaariyo dugsiga soo socda. Dugsiga hoose dhexe ardaydu dhammaantood waxay bartaan qiyaas ahaan maadooyin isku mid ah.

Dugsi sare

Dugsiga sare waa waxbarasho ikhtiyaari ah halkaas oo ardaydu ay fursad u helaan inay doortaan takhasus si ay ugu diyaariyaan xirfad shaqo ama waxbarasho ay sii wataan oo jaamacad ama kulliyad ah. Si aad wax uga barato dugsi sare, waa in aad soo dhammaysatay waxbarashadii dugsiga hoose.

Qofka magangelyo doonka ah, wuxuu xaq u leeyahay inuu dhammaysto waxbarashada dugsiga sare haddii uu bilaabay waxbarashadiisa dugsiga sare ka hor intii aanu buuxin 18 jir. Tani waxay sidoo kale khuseysaa haddii aad u guurto degmo kale.

Dhaqaa­laha

Haddii qoyskaagu aanay haysan lacag ay iyagu leeyihiin, waxaad xaq u leedihiin inaad taageero dhaqaale ka codsataan Hay'adda laanta socdaalka. Waxaa jira laba nooc oo taageero dhaqaale ah oo la codsado, lacag gunno maalmeed ah iyo kaalmo dhaqaale oo gaarka ah.

Lacagta gunno maal­meedka ah

Dadka magangalyo doonka dhammaantood ee aan haysan lacag ay iyagu leeyihiin waxay codsan karaan lacagta gunno maalmeedka ah. Lacagta gunno maalmeedka waxa loogu talagalay inay ku filnaato cuntada, dharka, kabbaha, shaambada, daawada iyo waxyaabaha aad rabto inaad samayso wakhtiga firaaqada aad tahay. Waxaa loo yaqaan lacag gunno maalmeed ah sababtoo ah waa lacag qiyaas ah oo maalin kasta loogu talagalay, laakiin lacagtaa waxaa la bixiyaa halmar bishii. Waalidkaa waxa la siinayaa kaar bang oo lacagta loogu shubo.

Kaalmo dhaqaale oo gaar ah

Haddii aad u baahan tihiin inaad gadataan shay aanay ku filnayn lacagta gunno maalmeedku, waxaad codsan kartaan kaalmada dhaqaale ee gaar ah. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa okiyaale/muraayadaha indhaha, dharka jiilaalka ama gaadhiga carruureed lagu riixo.. Markuu qofku codsanayo kaalmada dhaqaale ee gaarka ah, waa muhiim inuu sharaxo sababta uu ugu baahan yahay lacagta. Codsiga waxaa loo gudbinayaa qaybta qaabbilaada soo dhaweynta si ay go'aan uga gaaraynaa in lacagta qofka la siiyo. Waxa laga yaabaa in qofka la siiyo lacag ka yar intii uu codsatay. Haddii aanu qofku ku qanacsanayn go'aanka dhaqaalaha gaarka ah, racfaan ayuu qofku ka qaadan karaa.

Xuqu­uqa­haaga aad carruur ahaan ku leedahay Iswi­idan

Carruurta magangelyo doonka ahi waxay leeyihiin xuquuq la mid ah tan ay leeyihiin carruurta dhammaan Iswiidhan joogta. Tusaale ahaan, carruurtu waxay dhammaantood xaq u leeyihiin inay aadaan dugsi, inay helaan daryeel caafimaad markay u baahan yihiin, inay ku noolaadaan nolol ammaan ah iyo inay sheegaan fekreda ay qabaan. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa xuquuqaha iyo sharciyada gaarka ah ee jira si loo ilaaliyo carruurta.

Carruurtu si gaar ah ayey u nugul yihiin waxayna u baahan yihiin ilaalin dheeraad ah. Xadka u dhexeeya inuu qofku ilmo yahay iyo inuu qof weyn yahay waddamadu way ku kala duwan yihiin. Iswiidhan waxaad tahay ilmo ilaa aad ka buuxinayso 18 sano.

Axdiga qaramada midoobay ee xuquuqda carruurta, waxa loogu yeero heshiiska carruurta, waa sharci Iswiidhan. Heshiiska xuquuqda carruurtu waxa uu dhigayaa xuquuqda ay tahay inay carruurtu dhammaantood helaan. Sidoo kale waddanka Iswiidan waxaa ka jira sharciyo kale oo u yaala ilaalinta carruurta.

Waxaad xaq u leedahay inaad ka nabad­gasho rabs­ha­daha

Carruurtu dhammaantood waxay xaq u leeyihiin inay ka nabadgalaan rabshadaha. Lama ogola inuu qof weyni ku garaaco, ku haraatiyo, ku riixo, timaha ku jiido ama uu kuu hanjabo.

La xidhiidh booliiska 114 14 haddii aad la kulanto rabshado. Haddii aad ku sugan tahay khatar degdeg ah, wac telefoonka booliiska 112.

Guurka carru­urtu waa mamnuuc

Waddamada kala duwan, waxaa jira xadad kala duwan marka qofka loo arko inuu yahay qof weyn iyo marka loo arko inuu yahay ilmo. Sharciyada guurka sidoo kale way ku kala duwan yihiin waddamada kala duwani.

Ilmuhu ma guursan karo

Iswiidhan, qofka waxa lagu tiriyaa inuu yahay ilmo ilaa maalinta uu ka buuxiyo 18 sano inta ka horaysana ma guursan karo.

Sababtoo ah waxaa loo arkaa in carruurtu aanay qaadi karin mas'uuliyadda la xiriirta la noolaanshaha guurka. Hadduu ilmuhu wakhti hore guursado waxay ku keentaa inuu ilmuhu dareemo xumaan dhinaca jirka iyo dhinaca maskaxda labadaba sababtoo ah ilmaha waxa laga hor istaagay inuu shakhsi ahaan horumar u sameeyo oo uu ku noolaado nolosha uu xaqa u leeyahay.

Markuu qofku gaaro 18 sano, isaga ayaa go'aan ka gaaraya haddii uu rabo inuu guursado iyo qofka uu guursanayo. Qofna looma ogola inuu qof ku qasbo ama ku khiyaaneeyo guur. Waa sharci darro in la isku dayo in lagu khasbo ama lagu khiyaameeyo ilmo in la geeyo waddan kale si loogu soo guuriyo. Tani waa dambi keeni kara in xabsi lagu galo. Sidoo kale waa sharci darro in ilmaha lagu khasbo inuu la noolaado xiriir la mid ah guurka. Marka qof weyni uu u galmoodo ilmo ka yar 15 sano, waxaa lagu xisaabinayaa sida kufsiga.

Haddii qofku ka yar yahay 18 oo uu guur­saday

Haddii mid ka mid ah dadka lammaanaha ee isqaba uu ka yar yahay 18 sano markii uu guursaday, guurku kama ansaxayo Iswiidhan.

Haddii aad ka yar tahay 18 sano oo aad si wadajir ah magangelyo uga codsataan adiga iyo qofka aad isqabtaan halkii waalidkaa kula socon lahaayeen, waxaa laguula dhaqmayaa inaad tahay ilmo keligiis yimi oo aan lala socon. Waxaa markaa laguu qabanayaa qof kaa mas’uul ah oo kaa caawin doona xiriirka hay’addaha.

Halkan ayaad la xiri­i­raysaa

Haddii aad su'aalo qabto ama aad u baahan tahay caawimo, waxaad kala hadli kartaa macallinka, la-taliye arrimaha bulshada ama daryeelka caafimaadka. Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa Hay'adda laanta socdaalka ama Adeegga bulshada. Haddii aad leedahay qof kaa mas’uul ah (en god man), sidoo kale waad la xiriiri kartaa .

Haddii aad ka cabsanayso in adiga ama qof aad taqaano loo guurinayo, waxaad ka wici kartaa booliiska telefoonka 114 14.

Gudni­inku waa mamnuuc

Gudniinka fircooniga ah, ama gudniinka/xalaalaynta sida dadka qaarkiis ay yiraahdaan, waxa uu ka dhacaa meelo badan oo adduunka ah. Gudniinka fircoonigu waa marka la jaro ama la tolo xubinta taranka gabadha ama si kale loo dhaawaco. Qofna looma oggola inuu sidaas ku sameeyo gabar, xitaa haddii ay dhaqan u ahayd qoyska.

Gudniinka fircooniga ahi gabi ahaanba waa mamnuuc Iswiidhan waxaana loo arkaa dambi culus. Qof lagu sameeyey gudniinka fircooniga/gudniinka lama ciqaabayo.

Kala xiriir booliiska telefoonka 114 14 haddii aad ka baqayso in adiga ama qof aad taqaan la soo gudayo Waxaad sidoo kale wici kartaa Khadka ilaalada ee haweenka telefoonka 020-50 50 50 si aad u hesho talooyin iyo taageero. Khadka ilaalada ee haweenku waa khad caawimo telefoon oo heer qaran ah oo loogu talagalay haweenka loo geysto hanjabaadaha ama rabshadaha.

Waxaad xaq u leedahay in lagaa ilaa­liyo waxy­aa­baha la xiriira sharafta iyo maamu­uska ee rabs­ha­daha iyo cadaa­diska

Qoysaska iyo qaraabada qaarkood, waxaa muhiim u ah in aan sumcad xumo laga helin qoyska. Waxaa laga yaabaa inay jiraan xeerar ku saabsan dharka loo ogolyahay inuu qofku xirto, cidda uu raacayo, oo aan loo ogolayn inuu la joogo oo aanu guursan karin cidda uu qofku rabto ama uu qofku waxbarto oo uu ku shaqeeyo waxa uu rabo.

Gabd­haha iyo wiila­las­haba waa lagu cadaa­diyaa

Xeerarkani sida caadiga ah waa kuwo aad ugu adag gabdhaha, laakiin sidoo kale waxaa jira sharciyo khuseeya wiilasha. Haddii sharciyadu ay keenaan in laguula dhaqmo si xun ama lagu ciqaabo, waxa loogu yeeraa rabshadaha iyo cadaadiska la xiriira sharafta iyo maamuuska. Dadka qaarkood laga yaabaa in gacan loo gaysto, loo hanjabo ama loogu yeero wax aan munaasab ahayn. In qof wax lagu dirqiyo waxa la jebiyey heshiiska xuquuqda carruurta iyo sharciga Iswiidhishkaba.

Mararka qaarkood carruurta waxaa lagu qasbaa inay kaantaroolaan walaalahood sababtoo ah qoyska ayaa ka welwelsan in sumcad xumo laga faafiyo. Laakiin dadku dhammaantood waxay xaq u leeyihiin inay naftooda u noolaadaan sida ay rabaan. Tani waxay khusaysaa iyadoon loo eegayn diinta ama dhaqanka uu qofku leeyahay iyo waddanka ama qoyska uu qofku ka soo jeedo. Carruurtu dhammaantood waxay xaq u leeyihiin inay naftooda u noolaadaan, mana aha inuu qof kale kaantaroolo.

Halkan ayaad la xiri­i­raysaa

Haddii adiga ama qof aad taqaano wax lagu dirqiyo, waxaad markaa la xiriiri kartaa macallinka dugsigaaga, adeegga bulshada ee degmadaada ama Hay'adda laanta socdaalka si aad caawimo ugu hesho Waxa kale oo jira ururo kala duwan oo taageero iyo warbixin ka bixin kara rabshadaha iyo cadaadisyada la xiriira sharafta iyo maamuuska.

GAPF – Waa urur heer qaran ah oo ka soo horjeeda rabshadaha ka dhanka ah sharafta iyo maamuuska (oo af iswiidhish): Halkan waxaad ka heli kartaa taageero haddii adiga laftaada ama qof kale loo geysto rabshado iyo cadaadis la xiriira sharafta iyo maamuuska. Waxaad wici kartaa 08‑711 60 32, u dir meyl ama quraal kula sheekeyso (chatta). https://gapf.se/

Jacaylku waa xor (oo af iswiidhish): Halkan waxa aad taageero ka heli kartaa adigoo qoraal kula sheekaysanaya ama iimayl u qoraya haddii aad qabto su'aalo ku saabsan rabshado iyo cadaadisyo la xiriira sharafta ama maamuuska, xuquuqaha, jacaylka, guurka khasabka ah ama gudniinka. https://www.raddabarnen.se/rad-och-kunskap/karleken-ar-fri

Tris – Xuquuqda gabdhaha ee bulshada dhexdeeda (oo af iswiidhish): Halkan waxaad ka heli kartaa taageero haddii aad dareento in qoyskaaga ama qaraabadaadu ay xad kuu sameeyaan ama aad la kulanto hanjabaado ama rabshado marka aad isku dayeyso inaad doorato waxa aad rabto inaad samayso. Wac 010‑255 91 91. https://www.tris.se/

Dadku dham­maantii qiimo siman ayuu leey­ahay

Waddanka Iswiidan waxaa ka jira sharciyo badan oo ka hadlaya in dadku dhammaantii ay isku qiimo yihiin oo ay leeyihiin xuquuq isku mid ah. Waxaynu leenahay xuquuqo iyo fursado dhinaca nolosha ah iyadoon loo eegin cidda aynu nahay, sida aynu u egnahay, meesha aynu ka nimid, waxa aynu rumaysanahay, cidda aynu jacaylka u qabno iyo sida aynu u shaqayno.

Waxa jira sharciyo ka hortagaya in qof la takooro ama lagu xad-gudbo xuquuqdiisa. Si bini'aadam ah, waa laynoo oggol yahay inaynu fikirkeena cabbiro, fikirno oo aynu rumaysano waxa aynu doonayno, laakiin laynooma oggola inaynu wax walba samayno. Waxaa dastuurka ku cad in dadka oo dhan ay xaq u leeyihiin inay soo bandhigaan fikirkooda, ra’yigooda iyo dareenkooda mar haddii aanay cidna meel kaga dhacayn. Waa inaynu dhammaanteen ixtiraamnaa
xaqqa ay walaalaheen u leeyihiin aqoonsigooda iyo doorashadooda nololeed.

Sinnaanta

Sinnaanta macneheedu waa in wiilasha iyo gabdhaha in si isku mid ah loo qiimeeyo oo ay helaan fursado isku mid ah noloshooda. Waxa kale oo ay macnaheedu tahay in ragga iyo dumarka waaweyni ay leeyihiin xuquuqyo iyo waajibaadyo isku mid ah. Waa inay lahaadaan awood siman oo ay ku saameeyaan bulshada iyo noloshoodaba.

Sinnaanta macneheedu waa in wiilasha iyo gabdhaha in si isku mid ah loo qiimeeyo oo ay helaan fursado isku mid ah noloshooda. Waxa kale oo ay macnaheedu tahay in ragga iyo dumarka waaweyni ay leeyihiin xuquuqyo iyo waajibaadyo isku mid ah. Waa inay lahaadaan awood siman oo ay ku saameeyaan bulshada iyo noloshoodaba.

100 sano ka hor sidaas may ahayn Iswiidhan. Wakhtigaas dumarku awood badan may lahayn inay go'aan ka gaaraan noloshooda. Waxay u badnaayeen inay raggu waxbartaan oo ay shaqeeyaan, halka dumarku ay guriga joogi jireen oo ay carruurta hayn jireen, guriga nadiifin jireen oo ay dharka dhaqi jireen. . Tan iyo markaas wax badan ayaa isbedelay.

Inta badan qoysaska Iswiidhishka maanta, labada waalidba waxay aadaan shaqo ama waxbarasho, carruurtuna waxay aadaan dugsiyada xannaanooyinka, iskuulada iyo goobaha wakhtiyada firaaqada maalintii. Guriga dhexdiisa, labada waalid inta badan waxay iska caawiyaan nadaafada, dhaqida dharka, soo adeegista iyo cunto karinta, iyo daryeelka carruurta oo ay si wadajir ah u qabtaan.

Si bulshadu u noqoto mid cadaalad ah intii suurtogal ah, dumarka iyo ragganu ay u helaan awood isku mid ah oo ay ku saameeyaan bulshada iyo noloshooda, baarlamaanka Iswiidhan wuxuu go'aamiyay ujeedooyin kala duwan oo ku saabsan sinnaanta.

Hadafyadu waxay ku saabsan yihiin in

  • ragga iyo dumarku ay helaan fursad isku mid ah oo ay dhaqaale ahaan madax banaan yihiin si aanu qofna, qofka kale dhaqaale ahaan ugu tiirsanaan
  • wiilasha iyo gabdhuhu waa inay helaan fursad waxbarasho oo isku mid ah, xaqna ay u leeyihiin inay doortaan waxay rabaan inay bartaan
  • ragga iyo dumarka waa inay xaq isku mid ah u leeyihiin inay ka tashadaan jirkooda, waana in la joojiyaa xadgudubyada ragga ee ay ku sameeyaan dumarka
  • Shaqada guriga lagu qabto waa in si siman loogu qaybiyaa ragga iyo dumarka. Waxa kale oo ay macnaheeda noqonaysaa in walaalaha gabdhaha iyo wiilasha ah ee isku qoyska ahi inay si isku mid ah u caawiyaan waxyaabaha u baahan in la qabto.

Aqoon­siga jinsiga iyo nooca galmada

Waddanka Iswiidan, qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo aqoonsigiisa jinsiga iyo nooca galmoodiisa. Aqoonsiga jinsigu wuxuu ku saabsan yahay jinsiga uu qofku dareemayo, iyada oo aan loo eegin waxa dadka kale ay filayaan. Nooca galmadu waxay ku saabsan tahay lab iyo dheddig nooca aad xiisaynayso ee aad jeceshahay. Waxaad xaq u leedahay inaad jeclaato oo aad la joogto qofkaad doonto, iyadoon loo eegayn qofka aad isku jinsi tihiin ama uu kaa jinsi duwan yahay adiga.

Haddii aanad rabin, uma inaad u sheegto dadka kale waxa ay tahay nooca galmadaadu ama aqoonsiga jinsigaagu. Ma jirto nooc galmo ama aqoonsi jinsi oo jebinaya sharciga, laakiin waa sharci darroah in qof loola dhaqmo si aan sax ahayn ama si xun, tusaale ahaan dugsiga dhexdiisa ama ururka dhexdiisa sababtuna ay tahay nooca galmada ama aqoonsiga jinsiga ee qofkaas.

Halkan ayaad la xiri­i­raysaa

Waxa jira dhawr urur oo kala duwan oo loogu talagalay inay qaabbilaan dhallinyarada oo aad la xidhiidhi karto haddii aad rabto inaad wax badan ka ogaato ama haddii aad u baahan tahay taageero.

RFSL (oo af ingiriis) https://www.rfsl.se/en/

Adiga oo u maraya ururkan, waxaad la xiriiri kartaa dadka kale ee HBTQI ah, waxaad ka qaybqaadan kartaa aktiifiteetyo oo waxaad ka heli kartaa taageero. Waxay kale oo ay leeyihiin shabakad loogu talagalay dadka Iswiidhan ku cusub, RFSL Newcomers (oo af ingiriis). https://www.rfsl.se/en/organisation/asylum-and-migration/newcomers-contacts/

UMO – ku saabsan galmada, caafimaadka iyo xiriirka https://www.youmo.se/so-so/

UMO waa shabakad websayd ah oo loogu talagalay dhammaan dadka ay da'doodu tahay 13-25 halkaas oo uu qofku wax badan ka akhrisan karo waxyaabaha ku saabsan galmada iyo aqoonsiga jinsiga, iyo waxyaabo kale.

Midab tako­orid

Midab takoorka waxa laga ambaqaadaa in dadka loo qaybiyo kooxo kala duwan oo dadka ka tirsan kooxaha qaarkood ay yihiin kuwo aan qiimo badan lahayn. Waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, in dadka loo kala qaybiyo si waafaqsan midabka qofka, dhaqanka ama diinta.

Waddanka Iswiidan waxaa ka jira sharciyo dadka ka ilaalinaya inay loo geysto midab takoor. Tusaale ahaan, waa mamnuuc in qofka loogu diido shaqo ama guri sababtoo ah magaca qofka ama asalkiisa. Sidoo kale waa mamnuuc in la xidho waxyaabaha laysku qorxiyo sida silsilada iwm ama dharka leh summada fashiistayaasha, qoraalo ama calaamado kale oo cunsuriyad ah ama meel ka dhac ku ah koox gaar ah. Sidoo kale lama ogola in la faafiyo xog ah in koox ama qof aanu qiimo badan lahayn, sababtuna ay tahay, midabkiisa ama diintiisa.

Mararka qaarkood marka si xun qofka loola dhaqmo, way adkaan kartaa inuu qofku ogaado in waxa qofka lagu sameeyey ay sharci darro tahay iyo in kale. Kala hadal qof aad aaminsan tahay wixii dhacay, sida macalin ama qof kale oo aad ku kalsoon tahay.

Qofka weyn ee muhi­imka u ah ilmo yar oo magang­elyo codsaday

Inuu qofku waddankiisa ka soo cararo oo uu magangelyo ka raadsado waddan kale waxay qof kasta ku noqon kartaa waayo-aragnimo argagax leh. Inuu ilmo yari u baahdo inuu sameeyo isagoon waalidkii la socon waxay ku noqon kartaa mid aad u dhib badan.

Mararka qaarkood waxaa la yiraahdaa in dadka magangalyo doonka ah, gaar ahaan carruurta aan lala socon, ay xooggan yihiin. In haddii ay ku soo guulaysteen inay ka yimaadaan adduunyada dhinaceeda kale, markaa wax walba way qabsan karaan. Laakiin xitaa carruurta ugu xoogga badan uguna adag waxay u baahan yihiin dad waaweyn oo aamin ah oo hareerahooda jooga si ay u noqdaan carruur hufan. Carruurta baxsadka ahi ma aha qaar ka reeban, markay waalidiintu ka maqan yihiin, ama haddii waalidku daalan yihiin, jahawareersan yahay ama laga yaabo inay argagaxsan yihiin, waxay u baahan yihiin dad kale oo waaweyn si ay u siiyaan carruurtan wax yar oo badbaado iyo deggenaansho ah xaalad aan la hubin.

Carruurtu dhammaantood way kala duwan yihiin oo ilmo kasta oo magangelyo doon ahi wuxuu xambaarsan yahay sheeko gaar ah. Qaar ka mid ah carruurta magangelyo doonka ah waxay ku soo noolaayeen nolol baxsad ah muddo dheer waxaana laga yaabaa in aanay arkin qaraabadooda sannado badan. Kuwo kalena dhawaan ayay ka tageen waalidkood. Qaar ayaa xiriir la sameeyey qaraabadooda, halka qaar kalena aanay garanayn meel ay wax ka bilaabaan. Dhammaan carruurta magangelyo doonka ahi waxay xambaarsan yihiin su'aalo iyo walaac. Qaar ayaa su’aalo ka qaba xaalkooda waxaanay codsanayaan caawimo. Kuwo kale waxay dhammaantood welwelkooda ku haystaan qalbigooda oo kuma dhiiradaan inay weydiiyaan.

Haddaad tahay qof weyn waxaad u buuxinaysaa door muhiim ah. Waxaad tahay qof ku hagi kara oo ka taageeri kara ilmaha magangelyo doonka ah xaaladda uu ilmuhu ku sugan yahay. Waad isla akhriyi kartaan boggagan adiga iyo ilmuhu. Waxaad si wadajir ah u dhex mari kartaan talaabooyinka kala duwan ee qofku maro marka uu magangalyo doonka yahay.

Qofka weyn ee muhiimka ahi wuxuu noqon karaa

  • Waalid
  • Qof kale oo haya daryeelka iyo mas’uuliyada sharciga ah ee ilmaha
  • Qofka ilmaha loo qabto ee mas’uulka ah (god man)
  • qaraabo
  • Macallin
  • La taliyaha arrimaha bulshada
  • qof ka socda urur tabarruc ah
  • Shaqaalaha Hay'adda laanta socdaalka.

Maclu­u­maad dhee­raad ah iyo taageero

Halkan waxa aad ka heli doontaa tilmaamo ku saabsan ururada ku siin kara taageero iyo isku xiryo halkaas oo aad wax badan oo Iswiidhan ku saabsan aad ka baran karto.

Bris, Xuquuqda carruurta ee bulshada, waa urur ka shaqeeya xuquuqaha carruurta. Waad la xiriiri kartaa Bris haddii aad u baahan tahay inaad qof weyn la hadasho.

Wac telefoonka gargaarka Bris ee dhalinyarada: 116 111

www.bris.se/for-barn-och-unga (oo af iswiidhish)External link, opens in new window.

Badbaadinta carruurta (Rädda barnen) waa urur ka shaqeeya xuquuqaha carruurta.

www.raddabarnen.se/rad-och-kunskap/barn-och-unga (oo af iswiidhish)External link, opens in new window.

Laanqayrta cas waa urur ka shaqeeya ilaalinta iyo caawinta dadka u baahan. Laanqayrta cas ayaa kaa caawin karta inaad hesho qaraabadaada.

www.rodakorset.se/en/get-help (oo af ingiriis)External link, opens in new window.

Wakiilka carruurtu waa hey'ad hubisa inay hay’addaha kale ee iswiidhishku ay u hoggaansamaan heshiiska caalamiga ah ee carruurta. Halkaan waxaad ka baran kartaa wax badan oo ku saabsan xuquuqahaaga.

www.barnombudsmannen.se/stod-och-verktyg/kunskap-om-barnkonventionen/mina-rattigheter-for-barn-och-unga (oo af iswiidhish)External link, opens in new window.

Youmo waa Rubta qaabbilaad caafimaad oo ah websayd dhalinyarada loogu talagalay. Halkan waxa aad ka akhrisan kartaa waxyaabo ku saabsan galmada, caafimaadka iyo xiriirada kuwaas oo ku qoran dhawr luqadood oo kala duwan.

www.youmo.se/so-soExternal link, opens in new window.

RFSL waxay u shaqeeyaan xuquuqaha khaniisiinta, jecel galmada labada jinsi, ninka naagta noqda ama naag nin noqota, jinsiga iyo nooca galmada iyo dadka isku jinsiga ah iyo dadka ay xubnahooda taranku ay u xuubsiibteen hab ka duwan dadka kale intiisa badan Dadka ku cusub RFSL waxay la shaqeeyaan magangalyo doonka iyo dadka waddanka ku cusub.

www.rfsl.se/en/organisation/asylum-and-migration/newcomers-contacts (oo af ingiriis)External link, opens in new window.

Jacaylku waa xor waa goob taageero oo lagu sheekayso (chatt) oo loogu talagalay dhalinyarada loo geysto xadgudubyada iyo cadaadisyada la xiriira sharafta iyo maamuuska.

www.raddabarnen.se/rad-och-kunskap/karleken-ar-fri/ (oo af iswiidhish)External link, opens in new window.

Khadka ilaalada ee haweenku waxay bixiyaan talooyin iyo taageero loogu talagalay qofka dumarka ah ee lagula kacay hanjabaado iyo dhunaca jirka iyo dhinaca maskaxda ama xadgudub galmo. Macluumaadka waxaa lagu heli karaa dhowr luqadood. Waxaad sidoo kale wici kartaa 020‑50 50 50. Waxay kuu qabanayaan turjubaan dhowr daqiiqado gudahood.

www.kvinnofridslinjen.se (oo af iswiidhish)External link, opens in new window.

Kollpåsoc.se waa websayd aad ka heleyso warbixin ku saabsan taageero ah xuquuqahaaga iyo fursadahaaga taas oo kaaga imanaysa adeegyada bulshada.

www.kollpasoc.se/en (oo af ingiriis)External link, opens in new window.

Xaqayaga – Doorkaaga waxaa loogu talagalay qofka carruurta ah ee keligiis ah ee aan lala socon, qofka ilmaha mas’uulka looga dhigay iyo jilayaasha kale kuwaas oo dhamaantood leh doorar kala duwan si ay u caawiyaan Halkan waxa aad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan doorarka kala duwan iyo xuquuqaha aad leedahay waxa ay yihiin. Tusaale ahaan, waxaad daawan kartaa filimo gaagaaban oo ku saabsan waxa qofka mas’uulka laga dhigaa uu kaa caawin karo.

rfs.se/om-rfs/projekt/min-ratt-din-roll (oo af iswiidhish)External link, opens in new window.

Filimada Maxaa dhacaya hadda? waxaa loogu talagalay qofka carruurta ah ee keligiis ah ee aan lala socon ee ku nool Iswiidhan iyo kuwo ku nool hoy lagu hayo ama la deggen qoys. Filimada, waxaad ku ogaan doontaa waxa ka dhici doona Iswiidhan wakhtiga ugu horeeya, dadka aad la kulmi karto iyo habka magangalyo doonku u shaqeeyo. Filimada keligaa ayaa daawan kara ama qof weyn ayaad la daawan kartaa. Filimadu waxay ku hadlayaan dhowr luqadood.

Sök efter ”Socialstyrelsen vad händer nu” på Youtube (oo af iswiidhish)External link, opens in new window.

Warbixin ku saabsan Iswiidhan waa marin weyn oo loogu talagalay dadka ku cusub waddanka Iswiidhan. Halkaan waxaad ka heli kartaa warbixin ku saabsan sida bulshada Iswiidhan u shaqayso marka ay noqoto, tusaale ahaan, guriyeynta, waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.

www.informationsverige.se/soExternal link, opens in new window.

Baro Iswidhishka waa bog warbixin Iswiidhan ah oo ku saabsan sida aad adigu naftaadu iswiidhishka isu bari kartid.

www.informationsverige.se/so/jag-ar-asylsokande/lara-svenska

Waa maxay macnaha erayadu?

Alternativt skyddsbehövande – Qofka la siiyo ilaalin/gabbaad waa qof magangalyo ka codsaday Iswiidhan oo halkii qaxoonimada loogu beddeley oo u baahan ilaalin/gabbaad. Caadi ahaan waxaa qofkaa la siiyaa sharci deggenaansho 13 bilood ah.

Asyl – Magangelyo macneheedu waa hoy la magac galo. Marka qofku uu codsado magangalyo, isaga ama iyadu waxay ilaalin/gabbaad ka raadsadaan waddan aan ahayn waddankiisa.

Asylprocess – Habka magangalyada waa tallaabooyin kala duwan oo uu qofka magangalyo doonka ahi maro - laga bilaabo codsiga ilaa go'aanka.

Asylsökande – Magangelyo doonku waa qofka intuu Iswiidhan yimaado kadibna ka codsaday magangalyo, laakiin aan weli helin jawaabtii u dambaysay ee codsigiisa.

Asylutredning – Baaritaanka magangalyadu waa waraysi aad ku sheegayso sababta aad ilaalo/gabbaad uga rabto Iswiidhan.

Avslag på asylansökan – Diidmada codsiga magangalyada waxay macnaheedu tahay in qofka maya laga siiyey codsigii magangalyada doonimada .

Barn – Carruurtu waa dhammaan dadka da'doodu ka yar tahay 18 sano.

Beslut i ett asylärende – Go'aanka kiiska magangalyadu waa markay Hay'adda laanta socdaalku go'aansato in qofka magangalyo doonka ahi uu joogi karo Iswiidhan iyo in kale..

Dagersättning – Lacagta gunno maalmeedku waa deeq dhaqaale oo ay bixiso Hay'adda laanta socdaalka oo uu qofka magangelyo doonka ahi codsan karo haddii aanu haysan lacag uu qofkaasi leeyahay.

Dom – Xukun Go'aamada Hay’adda laanta socdaalka intooda badan waxaa looga dacwoon karaa maxkamad. Marka ay maxkamadi go'aan gaarto, waxaa loo yaqaan xukun.

Flykting – Qaxooti waa qof magangalyo codsaday oo helay aqoonsi qaxootinimo. Taas macnaheedu waxay tahay inuu qofkaasi buuxiyey shuruudihii heshiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqda qaxootiga, waxa loogu yeero Heshiiskii Geneva. Markaa caadi ahaan waxaa qofkaa la siiyaa sharci deggenaansho oo 3 sannadood ah.

God man – Qofka mas’uulka looga dhigo ilmo yar waa qofka ay tahay inuu daryeelo danaha ilmaha magangalyo doonka ah marka aanu waalidkii awoodi karin. Wuxuu qofkaasi noqon kartaa nin ama naag.

Identitet – Aqoonsiga macnahiisu waxa uu yahay, waa kuma qofkaasi. Markay Hay'adda laanta socdaalku ku weydiinayso aqoonsigaga, waxaanu ula jeednaa magacaaga, da'daada iyo meesha aad ka timid.

Laga kraft – Dhaqan galay macnaheedu waxay tahay in aan go'aanka laga dacwoon karin.

Migrationsverket – Hey'adda laanta socdaalku waa hay'adda waddanka Iswiidhan ku taala oo baarta codsiyada dadka magangalyo doonka ah. Hay'adda laanta socdaalku waxay kaloo baartaa codsiyada dadka doonaya inay soo booqdaan ama u soo guuraan Iswiidhan, ama kuwa doonaya inay qaataan dhalashada Iswidhishka.

Myndigheter – Hay’adduhu waa inay xaqiijiyaan in bulshadu u shaqayso sidii loogu talagalay iyadoo la raacayo sharciyada baarlamaanka go’aamiyey.

Offentligt biträde – Qareen guud waa qof yaqaana sharciyada Iswiidhan. Kaaliyaha/gacan yaraha ayaa kaa caawin doona codsiga magangalyada. Qareenka guud waa qof sharci yaqaan ah ama abukaate aan u shaqayn Hay'adda laanta socdaalka.

Socialtjänsten – Degmo waliba waxay leedahay adeegyada bulshada. Waxay ku shaqeeyaan sharci loo yaqaano sharciga adeegga bulshada. Sharciga adeegga bulshadu wuxuu ku saaban yahay yaa xaq u leh daryeel caafimaad iyo daryeel bulsho dadka dhamman ku nool degmada. Wuxuu ka kooban tahay xeerar sida bulshadu u caawinayso qofka u baahan caawimada ee laakiin aan cid kale ka helin karin caawimo.

Tystnadsplikt – Waajibka sir qarinta waxay macnaheedu tahay in dadka ka shaqeeya, tusaale ahaan, Hay'adda laanta socdaalka aan loo ogolayn inay u sheegaan waxaad u sheegtay qof aan xaq u lahayn inuu ogaado.

Uppehållstillstånd – Sharciga deggenaanshaha macnihiisu waxa weeye in qofka loo ogolaaday codsigiisa inuu ku noolaado Iswiidhan.

Överklaga – Racfaanka macnihiisu waxa weeye inuu qof u qoro qoraal hay'ad ama maxkamad in aanu ku raacsanayn waxay hay’addaasi ama maxkamaddaasi go'aamisay. Qofku wuxuu rabaa inay hay’addu ama maxkamaddu ay beddelaan go'aanka.

Last updated: